Page 1 of 1

Geeysiyaasha Darawiish of Buuhoodle

Posted: Sat May 22, 2010 9:36 pm
by Queen_Arawello
Wararka naga soo gaadhaya guud ahaan dhulka Ogaadeenya ayaa sheegaya in dagaalkii shalayto ay ciidamada Itoobiya magaalada Buuhoodle ku qaadeen dhulka Ogaaadeenya siweyn looga dareemay wararku waxay sheegayaan in shacabka Ogaadeenya aad uga xumaadeen weerarka gardarada ah ee ay Ciidamada Itoobiya ku qaadeen magaalada Buuhoodle oo ku taala xuduudka Ogaadeenya & Soomaaliya kala badha.


Qaar ka mid ah Wariyeyaasha Warbaahinta Q.O oo ka hawl gala inta badan gobolada Ogaadeenya ayaa meelo kala duwan kula kulmay shacab ka kooban Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahayno, Dhalinyaro & qaybaha kale ee bulshada waxayna waydiiyeen su'aalo la xidhiidha dagaalkii Buuhoodle & sida ay shacabka Ogaadeenya u arkaan dagaalkaas, dadka ay Wariyeyaasha Warbaahinta Q.O la kulmeen oo dareen cadho leh uu ka muuqday ayaa dhamaantood isku raacay in uu dagaalkaasi yahay mid gardaro ah sidoo kalena ay ciidamada Itoobioya ku qarinayaan jabka & halaaga ay kala kulmaan gudaha Ogaadeenya.

Oday ka mid ah shacabka dareenkooda u soo gudbiyay Warbaahinta Q.O ayaa yidhi "Itoobiya waa Islaantii Xaabada qaadi weyday ee tidhi in kale iigu kordhiya" odhaah murtiyeedkaas wuxuu Odaygu ku macneeyay ama uga jeeday Itoobiya in ay ku guul daraysatay gudaha Ogaadeenya ayna la il darantahay jabka ka soo gaadhay Halganka gobanimo doonka ah ee ay kula jiraan shacabka Ogaadeenya oo ay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) hor muud u tahay.

Sida ay soo tabinayaan Wariyeyaasha Warbaahinta Q.O shacabka waxay aad uga xumaadeen weerarka gardarada & nafla caarinimada ah ee ay Itoobiya ku qaaday shacabka Buuhoodle oo iyagu aaminsan midnimada umadda Soomaaliyeed kana soo hor jeeda in Soomaali laka qaybiyo, dhincaa kale shacabka Ogaadeenya ayaa aad u bogaadiyay sida geesinimada ah ee ay reer Buuhoodle isaga difaaceen Askarta gumaysiga Itoobiya ee hororka ah kuwaas oo cashiro joogto ah loogu dhigo gudaha dhulka Ogaadeenya oo maalmihii ugu dambeeyay ay dagaalo aad u culculus iskaga hor yimaadeen Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeeny oo quus galiyay damaca gumaysiga Itoobiya ee ku salaysan dulmiga & dhulbalaadhsiga .

Sikastaba ha ahaatee shacabka Ogaadeenya waxay reer Buuhoodle ku dhiiri galiyeen in aysan ka tanaasulin mabda'ooda Soomaalinimada ku salaysan sidoo kale waxay tacsi u direen Ehealdii, Asaxaabtii & Qaraabadii ay ka bexeen Alle ha u naxariistee Mujaahidiintii dagaalkii shalayto ku Shihiiday iyagoo difaacayay Dadkooda, Dalkooda & Diintooda waxayna shacabka Ogaadeenya rajayanyaan in uu Allaah samir & badal khayr qaba siiyo.


:up: :up: :up: :up: :up:

Re: Geeysiyaasha Darawiish of Buuhoodle

Posted: Sat May 22, 2010 9:46 pm
by Queen_Arawello
History repeating itself...colonial footsoldiers aiding the enemy while the brave darawiish people defend somali honor and dignity...guuleeysta guuleysta allahu akbar :up: :up: :up:

Re: Geeysiyaasha Darawiish of Buuhoodle

Posted: Sun May 23, 2010 7:35 am
by ina aadan
Guul, Gobonimo iyo Geesinimo
SSC
:up:

Re: Geeysiyaasha Darawiish of Buuhoodle

Posted: Sun May 23, 2010 9:30 am
by GENERAL_SNM
What people that town is full of the remnants of the former faqash regime wa rats that need to be sterilized.. :sland: :up:

Re: Geeysiyaasha Darawiish of Buuhoodle

Posted: Sun May 23, 2010 10:25 am
by Queen_Arawello
GENERAL_SNM wrote:What people that town is full of the remnants of the former faqash regime wa rats that need to be sterilized.. :sland: :up:

You and ur kind are the ones that need to be sterilized and sent to concentration camps..GTOH :arrow: :arrow:

Re: Geeysiyaasha Darawiish of Buuhoodle

Posted: Sun May 23, 2010 1:34 pm
by ina aadan
Walee ceeba dhacday saa Barkadbaa caydhsaday nimankii isasoo urursada ee qabiilkasta lahaa.


Guul, Gobonimo iyo Geesinimo
SSC

Re: Geeysiyaasha Darawiish of Buuhoodle

Posted: Sun May 23, 2010 1:58 pm
by Babygirl-
Ogadenia haa Guuleysto..

Aloow Guulee Wiilka Geesiga ah.
Aloow Guulee Wiilka Gacaanta Furaan.
Aloow Guulee Wiilka Cadoowga Guuba.
Aloow Guulee Wiilka Xabashi Diilaa.
Aloow Guulee Wiilka Xabashi Jabiya.
Eee Aloow Guulee Dhamaan Gabdhaha Reer Toolkeey.