Page 1 of 1

Djibouti president ina Cumar geel is for the recognition of

Posted: Sat May 22, 2010 11:20 pm
by Goljano Lion
http://www.haatuf.net/2009files/156961.html
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Oo Bidhaamiyay Jidka Loo Marayo Ictiraaf Somaliland Ka Hesho Caalamka, Kuna Amaanay Dimuqraadiyada Ka Jirta

“Madax-banaanida Way Qabaan Oo Taladooda Way U Madaxbanaan Yihiin Dawladdoodii Way Maamulaan, Baarlamaankoodii Wuu Jiraa, Guurtidoodii Way Jirtaa, Taas Haddal Kama Joogo”

Re: Djibouti president ina Cumar geel is for the recognition

Posted: Sat May 22, 2010 11:21 pm
by Goljano Lion
Washington, May 21, 2010 (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Somaliland ku amaanay hanaanka Dimuqraadiyada iyo doorashooyinka ay in muddo ahba ku soo dhaqmayeen, kaas oo sheegay in aanay wax cusub ahayn in Somaliland Doroasho ka dhacdo, balse hore loo soo harkay siddii wanaagsanayd ee ay uga qabsoomeen doorshooyinkii hore.

Sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waxa uu sheegay inuu isagu u arko dad iyo masuuliyiin niyad wanaagsan, isla markaana waxa uu ku amaanay haddii uu khilaaf ku yimaado sida wadahadalka ah ee ay ku xaliyaan.

Ismaaciil Cumar Geele Waxa kale oo uu sheegay in masuuliyiinta Somaliland ay yihiin dad dadkooda iyo dalkooda maamulay oo dhibaatana iska dheereeyey.

Re: Djibouti president ina Cumar geel is for the recognition

Posted: Sat May 22, 2010 11:21 pm
by Goljano Lion
BBC-da laanta Afka Somalia Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan:-

“Somaliland Waxaan u arkaa dad niyad qaba, ma suuliyadoodiina qaaday, dadkoodiina maamulay, dhibaatana iska dheereeyey, khilaaf haddii uu yimaadana wada hadal ku xalinaya, is bedela nina ka baxa nina soo gala, waana in tilmaan laga qaato, Soomaalidiina tilmaan kamay qaadan. Dhibaatada walalahood ayay iyaguna daraadood dhibaato kale galeen aanay helin gargaar iyo wax gurmad ah, dhibaatadaasina way taalaa”.

Mdaxweyne ismaaciil Cumar Geele mar uu ka hadlayey wada hadal ay yeeshaan Somaliland iyo Somalia ayaa waxa uu yidhi “Wada hadalkood iyo inay isku imanayaan iyo haddii ay kala noqonayaan hawl iyaga u taala weeyaan, doorashooyin madaxtooyo way dhici jireen, markii u horaysay maaha markaa waxa imika jadiid ah.

Markaa madax banaan way qabaan oo taladooda way u madaxbanaan yihiin dawladdoodii way maamulaan, Baarlamaankoodii wuu jiraa, guurtidoodii way jirtaa, taas haddal kama joogo imika ee waxa weeyaan Ictiraaf duwaliya weeyaan waxa meesha ka maqan “Sawmaaha”, taasina waxa weeyaan asluubta la yaqaano ee adduunku waxa ay tahay in dadkii kolkii hore isku biiray inay wada hadlaan oo ay kala baxaan, weeyaan process-ku. sidaa weeyaan, anigu ma lihi ee dunidaa sidaa leh”.ayuu yidhi madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele

Re: Djibouti president ina Cumar geel is for the recognition

Posted: Sun May 23, 2010 5:24 am
by salafi_student
Goljano walaal don't you ever get it?

Is almost June and is about time when you use to run around with empty washing-boulder-box, for your wishful elections. How somalidiidnimo !

Anyway, my point is; Djibouti press only wants your adopted father stays in the chair as long as it takes....that is all.



Bye walaal