Gabay for Buhoodle/SSC
Posted: Sun May 23, 2010 6:19 am
INAAD LABA CANLAYSAAN GUNNIMO KAGAMA CAAGTAAN!
Gabaygan waxaa curiyey Abwaan Muxamed Xussein Tabaarak.waxaana la sameeyey,2010/3/27-31/
wuxuuna si gaar ah u khuseeyaa bulshada ku dhaqan deegaanada ssc, si dhab ah ayuuna uga turjumayaa xaaladda runta, ah ee maanta ka jirta gobolada ssc,iyo dadka ku noolba waxaana ka dhex muuqda tilmaamo aad u xeel dheer kumana jiro gabaygan wax qadaf ah oo cid gaar ah lagu wax yeellaynayo waxaase laga yaabaa inay jiri doonaan dad badan oo aan jeclaysan miisaanka culus ee uu leeyahay.kuna soo dhawaada gabaygii oo aad si degen uga bogataan-------------------------
Odayaal cadaadiyo duqay caaqil iyo shayba
Caadada wixii soo jiraybay cilinka baadhaane
Cilladii masaaraan falaan cidi kasheekayne
Cirroolihii umuur kow ah een curanin loo sheegay
Calaacalo dhafoorada qabtiyo yaab la caga jiidye
Cimrigeed Masalo aan la arag ciriqna kuu Kenta
Xaajadii cusubi waa inay kaa cajabisaaye
Cudud iyo xoog la’ayn ciindan iyo gaasas
Oo aan cashiiriyo la’ayn ciisri iyo hiilo
Jihaduu caraababa nimaan ciilka mudanaynin
Oo sida caleentii doheed cimidh la moodaayo
Qayrkii inuu ka cabsadaa waa cir soodumaye
Nimankii ciyaartiyo bullada caga cagaynaayay
Wajigoo hagoog lagu cammiro maro cutaybaada
Nimankii cimaamad iyo shaal camal la luudaayay
Nimankii is coofaadhin jiray sida CISMAANIINTA
Ciiddiyo dhulkoodii Haddaa lagu canshuuraaye
Hambo ciir ka soo baaqatiyo cadey la leefsiiye
Ceeshaan nin ragi qaadanbey curubo moodeene
Ma calaacashey hoorsadaan nimankii laas caano
Nimankii qabaal lagu cabo cuurarka u laayay
Cillad yar oo dhexdooda ah kuwii ciisaska is ruubay
Cawa weerta nimankii is qubay ciiradiyo boodhka
Nimankii cidaadaha ka dhigay horimo ceegaaga
Tafa dhiigna sida caws la jaray coosh is kaga yeelay
Nacab koodu goortuu caddibay ee cidhbaha saaray
Caarad dhuub ha joogtiyo inay gumuc ku ciirshaane
Cidla iyo banaan haystuben sida ciyoowgii.
Cuudkuba haduu kaa bukoo kaa cashiyo waayo
Cudurkiyo dhukaankii helaa laga cirbeeyaaye
Qamuunyadu cadho ugama darto lagu cabsiiyaaye
Cambaar xoqid u baahani jidhkeey caabuq galisaaye
Markis ay cidhiihdiga tagtey ee car iyo way gaadhay
Ma calaacalbey reer garaad xaajo kaga ciirtey
Curun cuurraybaa looga dhigay cooflihii bahale
LO’ gisida inay cay dhahaan lagu cuslaysii.
Nimankii kufaartiyo caddibay caarre iyo koofil
qarnigii cishriinaad raggii gaalada ciqaabay
Ingiriis raggii caydhiyee laga cashayn waayay
Cutubyadii jidbaaliyo dal dala coommirada laayey
Nimankii cagaar wayne iyo Caado laga quustay
Haddaa cayn duleed iyo nugaal lagu cadaadshaaye
Wakaa caaradkoodii xabsiga cawda loo dhigaye
Sidii Caada qaataha u baqe curaddadii soole
Calan baradkii buuraha ka yimid calas ha moodeen
Caqiidkii Ismaaciil miriyo Carab ma joogaane
Ina Aadankii caan baxaybaa ciida hoos maraye
Hal kii Ina cameey iyo la waa gaas cilmiyo qoore
Af xakamiyo Cali duullaniyo caabbigii madhaye
Haddeey cirriradii noolyihiin lama cilleeyeene
Cawo li,idu waa waxaan nin raga loo cifanahayn.
Cisigaad dhulbahantoow lahayd caara xuub noqoye
Cad ceeddii dhacdaba uunku waa kugg caweeyaaye
Cisha noolba waa lagu sugaa inad cargaagtaaye
Cirdigaaga inad daafacdiyo caa,ilada qoyska
Calayk inay dushaadii ku tahay waa caddaan Dhaba,e
Qabiilkaan ku soo cuuriyee ceegta kugg taagay
Ee caabudliyo kaaga yimid duudihii cadayga
Haddi aad cardaadduuqdo,ood carato,oo layso
Cadaab kuma galayside xaqbaa caadda kaa maray
Cunfigiyo nacaybkaa socdaa Caaman waa jiraye
Cuqdaddaad illoowdeen darbey wali cegaagtaaye
Wax la guu cunsuriyeeynayaa waa ciddaad tahaye
Caydiga ma laayeen nimaad carun wadaagtaane
Canfarbaa Isaaq kaa xigtee taa cindiga gee.
Wuxuu caalamkuba diiday ee caalaq uga jeestay
Carshigiyo arlada dawlad aan la citiraafaynin
Caal waaga Qaran aan la hayn lagu cataabaayo
Idinkuba Haddaad caariddaan shay carqaladaysan
Oo,aad cuddada Qarqan sugtaan loo ciddiyo dhiigay
Ma cusbey gasiin kaaga dhigi culanba maayaane.
Waxa calanka kuu qaatay ee kuu caskariyeeyay
Ee sida casraa,iil ka dhigan waa ciddaad garane
Idinkaa is caansiiriyee caad ma soo degin
Cusrigaba yusribaa lagu baddaley suu casiis yidhiye
Ma casillo ilaahay dadkii ceesa sharaftoode
Wax cawaaqib xumo kugu Rida oo kuu cubmaa badane
Coomaadigaan saaxil iyo caawiyaha Awdal
Ma cirkeey wakiil kaaga Noqon caaadilbaa jira,e
Warsan Galiba ceelaayo iyo ciin ka socon waaye
Wakaa ceerigaabiyo fadhiya cal iyo haay laane
Cumar iyo dubbays wayagaa tuban carmaaleeye
Carshin laas qoreey iyo mareeg haatan laga caagye
Ninna caga jugleeyn ulama tago laysma caasiyo,e
Casharaad marraadbaa dagaal loo carcooriyaye
Caaqibo miyaa loogu tudhey wayska celiyeene?
Inaad laba canlaysaan Gunnmo kagama caagtaane
Abtiyaal cadaha Qaar kamidi caafimaad male
Cooddida margigu waa ku yaal cunisna loo diidye
Waa lagu cabeebaa xubnaha caariyaadka ahe
Calooshada waa laga jiraa caanihii baqa’e
Cawradiyo naanaysta waa laga curraaftaaye
Ceebeey tacaal waa sadkaad caasha galiseen
Canbaruugta xanankaa ku taal Calaf jin weeyaane
Curdan idinka oo heli Kara iyo kayn cosoba oo dhan
Allaylehe inaad Caraq sugtaan waa cibriyo yaab
Caqli iyo awood wada jirtaa cadaw ka waabtaaye
Rag cuddoonta kala jeediyay oo ciidho kala gaysay
Oo ciriqu seedaha u galay ceel Ma soo shubo’e
Carabkiyo ilkuhu ways qabtaan waana cayn qudha’e
Hadhowbay calaashaan wixii coobaha u gala’e
Maydinkaan caqiil iyo ahayn warasadii caamir
Kaca oo casuusta iska tira caadka iyo luunka
Candadowlayohow kala firxaday soo rogaal celiya
Caruurtiyo haweenkii ka qaxe kurihii cayneede
Maxamuud garaad kii cantaray caluula sii dhaafye
Cuqaashii shir shooraa togdheer lagu canaantaaye
Wax kaliyo cirfiidbow shanqadhay cawshii habarwaaye
Cabdi iyo siyaad waa kuwaa caynka loo xidhaye
Cudhaadh bay galeen bah ararsame cees la’aan timide
Culaabta idin saarani ka daran calawgii miireede
Cakuye sow inad wayraxdaan cadanyo laab Dooxa
Oo caabuqani idin bogsado caaddif kuma qaado.