Ugaas Faarax-Caytame

ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Ugaas Faarax-Caytame

Post by ina aadan »

Nuur-Jiir Ibraahim

Inaaderow sheekadiisa ma haysaa



Haddaan Caynabow col iyo guluf, caato kugu raagin

Waxaad cooddi weynayd haddaadan, caday ka dhuubnaanin

Casar galay sidiisii haddaadan, dhidid ku caaryeysan



Haddaan cududahoodou isku jabin, cuurka Bah Xawaadle

Oon maydku cagahaaga noqon, sida cagaar seexday

Geeddiga cedceedsaday haddaan, caga jab loo guurin

Cad la quuto mooyee haddaan, caano laga dhaaran



Sida laga calool qabo haddaan, Cali ka weynaanin

Hadaan nabadda ceelkaan ku rido, cidi ka soo saarto

Caallaan ahay oo caallaa i dhalay haddaan, dunidu ciiryaamin


---------------------------------------------------------------------------

Mar kalana waa kii lahaa:

Feedhaha miyaan uga qablamay, siddii libaax qoodh ah
Last edited by ina aadan on Sun May 23, 2010 4:23 pm, edited 1 time in total.
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Ugaas Faarax-Caytame

Post by ina aadan »

Tawaawacayey toban jeer miyaan, xalayto soo toosey

Tiiraanyo iyo ciil miyaan, tima madoobaadey

Sidii adhi tigaad cuney miyaan, taaha ku caweeyey



Ma tunkaa i buuxsamay sidii, toban jir awr-geel ah

Ma talaabadaydaan haldhaa, orod wax tuugeynin

Laba saanac ii tumay miyaa, tiirsan garabkeyga



Miyey tabaraday laba qabiil, taws dhex dhigi weyday

Balayadan i taaba leh miyaan, toosin kari waayey

Halkaa ayuu joojiyey Nuur gabayga. Markii uu aarsaday ayuu kusoo

noqday oo dhamaystiray tixdii. Wuxuu yidhi:

Ma Cabdaa turaabta isku rogay, waa tabtaan rabaye

Markii aan ku taagsaday miyuu, talalay oo reemay

Ma tummaatadii baan wadnaha, tahan wax weydaarshay

Ma tawaawicii buu i yidhi, taa ha ii celine



Tunka xil iga saarraa miyaan, tuurey galabtiiba

Libaaxuba dhurwaa toban-kunuu, tulud ka qaataaye

Ma rag baa la tiriyaa hadduu, toban kol weydaarto



Ninkii farayaan lagu tuhmey, talo ka hoostaaye

Wallee aniga waa lay tixgelin, tiirinimadeyda
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Ugaas Faarax-Caytame

Post by Faarax-Caytame »

Sheekadiisu way badneyde oo wuu taarriikho badnaaye, qaybteed rabtaa ama dhankee ugaas? bal ii soo sheeg, weynu isla eegi taariikhdiisee inshallah.

mida kale.. Gabayga aad ka qortay halka meeris,isagu malaheyne ee waxaa lahaa ina adeerkii Faarax-Afeey.
Feedhaha Kolkaan uga qablamay sida libaax qoodh ah
Waa Anigii Xamar-Qaayiboow Qoorta kaa rogaye
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Ugaas Faarax-Caytame

Post by ina aadan »

Faarax-Caytame wrote:Sheekadiisu way badneyde oo wuu taarriikho badnaaye, qaybteed rabtaa ama dhankee ugaas? bal ii soo sheeg, weynu isla eegi taariikhdiisee inshallah.

mida kale.. Gabayga aad ka qortay halka meeris,isagu malaheyne ee waxaa lahaa ina adeerkii Faarax-Afeey.
Feedhaha Kolkaan uga qablamay sida libaax qoodh ah
Waa Anigii Xamar-Qaayiboow Qoorta kaa rogaye
Inaar waxaan doonayaa inaad ii sheegto, sheekadu ma isaga iyo mataan ciided bay dhex martay (gabayga kor ku qoran) mise wuu ga gabyay uun.
isaguna sow ma ahayn reer warfaa uun
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”