Ugaas Faarax-Caytame
Posted: Sun May 23, 2010 3:55 pm
Nuur-Jiir Ibraahim
Inaaderow sheekadiisa ma haysaa
Haddaan Caynabow col iyo guluf, caato kugu raagin
Waxaad cooddi weynayd haddaadan, caday ka dhuubnaanin
Casar galay sidiisii haddaadan, dhidid ku caaryeysan
Haddaan cududahoodou isku jabin, cuurka Bah Xawaadle
Oon maydku cagahaaga noqon, sida cagaar seexday
Geeddiga cedceedsaday haddaan, caga jab loo guurin
Cad la quuto mooyee haddaan, caano laga dhaaran
Sida laga calool qabo haddaan, Cali ka weynaanin
Hadaan nabadda ceelkaan ku rido, cidi ka soo saarto
Caallaan ahay oo caallaa i dhalay haddaan, dunidu ciiryaamin
---------------------------------------------------------------------------
Mar kalana waa kii lahaa:
Feedhaha miyaan uga qablamay, siddii libaax qoodh ah