DARWISHLAND


Northern Somali Unionist Movement (NSUM)
2010-05-23
Waxa maanta an la soconnaa in Soomaali ku kala firirtay adduunyadda dacaladeeda, in Soomaaliya meelkasta dab ka holcayo oo umaddii lagu kala dhex abuuray cudur qabiil iyo mid farac diineed, in badihii iyo kheyraadkii Soomaaliya cadow is ka guranayo, dadkii soomaaliyeedna meel kasta ku rafaadsan yahay.
Haddaanu nahay ururka NSUM Waxaanu aad u cambaaraynayna dawlada Itoobiya iyo Somaalidiika la baxay magaca Somaliland oo xasuuq u geestay dad Somaaliyeed oo ku kala nool Buhoodle, Widhwidh iyo Ballihadhac oo intuba ka tirsan degaanka SSC ee Somalia.
Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxa aan ugu baaqaynaa haddaanu nahay ururka NSUM in meel looga soo wadajeesto cadowga Soomaaliya oo ah Itoobiya iyo maamul kooxeedyada Hargeysa, Garoowe iyo Xamar. Cadowyadan oo u adeega shisheeye iyo Itoobiya waxa ay ummada Soomaaliya ku rideen god dheer oo Soomaaliya illaa hadda ka soo waaqsan la’dahay.
•21 Maajo 2010 ciidamo Itoobiyaan ah ayaa si naxariis daro leh u xasuuqay dad shicib soomaaliyeed oo ku dhaqan magaalada Buuhoodle ee gobollada SSC.
Waxaa wax laga naxo ah in maanta dad waxmagarato ah wadankii Soomaaliya hoos geeyeen Itoobiya, danta keliya ee ka leeyihiina tahay hunguri & xukun jaceyl. Dawladda kumeelgaar ah illaa hadda kama hadal mashaqadan ay ku nafwaayeen dadkan faraha badan ee sida xaq darrada ah loogu laayey dhulkoodii hooyo.
Waxaa kale oo nasiib darro ah in maamulka Puntland ay sheegteen saaxiibtinimo ka dhaxeysa Itoobiya, iyada Itoobiya xasuuqday dad soomaaliyeed dhulkoodii loogu yimid.
•22 maajo 2010 maleeshiyada ka amarqaata Riyaale ayaa si naxariis daro ah oo bini’aadanimadda iyo muslinimada ka baxsan dad shicib ah oo carruur iyo dumar uur leh ku jiraan ku xasuuqay Widhwidh & Balihadhac oo ka tirsan gobollada SSC.
Waxaa wax laga naxo ah in qof Soomaalinimo sheeganaya oo islaam ah uu damiirkiisu siiyo inuu xasuuqo dumar iyo carruur oo beebe marsiiyo, iyagoo kuu raadsanya wax la yiraahdo ictiraaf oo ku g´an hal qabiil.
Waxaa nasiib darro ah in umadda Soomaaliyeed ay arki waayeen dhibta maleeyshiyada Riyaale iyo hogaamiyo kooxeedyada kale ku hayaan umadda soomaaliyeed. Waxa aan shaki ku jirin in godka dheer oo lagu ridey Soomaaliya ay ka danbeeyaan hogaamiye kooxeedyo waxmagarato ah oo aan u naxayn umadda Soomaaliyeed.
Umadda Soomaaliyeed waxa keliya ee maanta la gudboon waa in laga shaqeeyo midnimo iyo sidii Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa masraxa adduunka.
Ugu danbeyntii waxa aan tacsi u diraynaa hadaanu nahay ururka NSUM ehelladii ay ka geeriyoodeen dadkan Soomaaliyeed ee sida xaqdarada ah loogu laayey dhulkoodii hooyo. ILLAAH samir iyo iimaan dhamaanteen ha inaga siiyo, iyagana EEBE janaddii fardowsa ha ka waraabiyo.