
Dr. Cabdi Aw Daahir Cali wuxuu ku dhashay tuulada Ceelsame ee Degmada Oodweyne 1955, Dugsigiisi hoose wuxuu ka galay Magaalada Duruqsi 1962, halkaas uu ka bilaabay dugsigiisi dhexe magaalada Oodweyne 1966. Dugsigiisi sare wuxuu ka bilaabay dugsiga sare ee Amuud ee magaalada Boraame sannadki 1970-ii. Sannadku markuu ahaa 1973, ayuu u soo weeragay dugsiga sare ee Sheikh Bashiir ee magaalada Burco, halkaas oo uu ku dhammaystay waxbarashadiisa dugsiga sare sannadku marku ahaa 1974. Sannadku marku ahaa jan 1975, ayuu galay Jamaamacada Ummadda Soomaaliyeed (JUS) Kulliyada Daawada iyo Qallinka,Halkaas oo uu dhamaystay waxbarashadiisi Jaamacadeed ee Dhakhtarnimo 19 december 1979. Wuxuu Ka bilaabay shaqada dhaktarnimo Isbitaalkii Guud ee Digfer ee ku yaala Mogadishu, qaybta Qallinka jan 1980. Dhammaadkii 1980kii wuxuu noqday Isuduwaha Caafimaadka Xeryaha Qaxoontiga ee Gobolka Shabeelada Hoose. July 1981, wuxuu noqday dhakhtarka Guud ee Qallinka ee Isbitaalka Burco. 1987kii- wuxuu noqday Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Togdheer. 1988 wuxuu noqday dhakhtar qaliin ee Ururka Xoraynta (SNM), Xarumihiisa kala duwan, 1991-kii markii SNM dalka Xoraysay, wuxuu noqday Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Togdheer iyo dhakhtarka qalinka ee Gobolka.
May 27-keedi 1997, wuxuu noqday Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada ee JSL. Hawshaash oo uu hayey ilaa dhammadkii bishii september 2001. June 30, 2001 wuxuu ka mid noqday Guddiga qabanqaabada ee shirweynihi Aasaaska Xisbiga UDUB, halkaas oo uu noqday xubin Aasaase ah. Isla Sannadkaa, july 10- keedi shirweynihi Aasaaska UDUB wuxuu Dr.Cabdi Aw Dahiir Cali u doortay in u noqdo Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB.
