Wilaayada Islaamiga Banaadir oo Saxaafadda usoo bandhigtay deegaanadii ay Shabaabul Mujaahidiin kala wareegtay Maleeshiyaadka Kooxda Riddada (Daawo Sawiro).
Wilaayada Islaamiga Banaadir ayaa maanta saxaafadda madaxa banaan kusoo wareejisay deegaanno ay dhawaan Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin kala wareegeen Kooxda Riddada.
Saxaafadda Maxaliga ah iyo kuwa Dibadda ayaa maanta indhahooda kusoo arkay dhufaysyadii ay mujaahidiinta Al Shabaab kala wareegeen Ciidankii kooxda Riddada.
Deegaanada maanta saxafaadda booqatay waxaa kamid ah Maanabooliyo,xarunta degmada Shibis,Daarta Habar Khadiijiyo, gurigii hore ee nabad sugidda iyo deegaano farabadan oo dhaca Bariga magaalada Muqdisho.
Waaliga Wilaayada Islaamiga Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen Abuu Jabal oo shir Jaraa'id ku qabtay Guriga habar Khadiijo ayaa sheegay in ay kala firxadeen Maleeshiyaadkii Riddada islamarkaana ay is hor fadhiyaan Ciidamada Gaalada AMISOM iyo Mujaahidiinta.
"waad arkaysaan Mujaahidiintu waxay cadawga ugasoo durgeen Nus KM way jabeen Murtadiinta waxaan ishor fadhinaa waa gaaladii AMISoM, insha'alaah maalmaha soo socda waxaan ku taqadumi doonaa Qasriga Madaxtooyada"ayuu yiri Sheekh Cali Jabal.
Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa maanta soo xaqiijisay in Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay maamulaan dhamaanba degmooyinka dhaca dhanka Bari ee magaalada Muqdisho oo ay horay u joogeen Maleeshiyaad Murtadiin ah.
Ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay dagaallo culus ka waday deegaanada dhaca Bariga magaalada Muqdisho waxayna Mujaahidiinta shabaab ganiimaysteen hub farabadan oo ay lahaayeen kooxaha Ridada.
http://www.andalusnews.com/somnews/saxa ... qabtay.htm