Page 1 of 1

Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Tue May 25, 2010 8:06 am
by Khalid Ali
Maagalad Karachi ee dalka Pakistan oo si weyn looga xusay maalinta 18ka May

SDWO (Pakistan 22/05/2010) Xafladii loogu dabaal dagayay maalinta qaaliga aha ee 18 may oo 19 jirsatay ayaa dhawaan ka dhacday magaalada Karachi ee wadanka Pakistan, xafladaasoo si aad u weyn loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen dhamaan bulshweynta reer somaliland ee ku dhaqan wadanka Pakistan oo aanay u kala hadhin dhlinyaro iyo ciroolaba muujiyayna sida ay ula ciidayaan walaalahooda reer somaliland ee ku nool daafaha dunida ayaa lagu qabtay Hotel Mehran dhisme weyn oo ku yaala Sharac Fazal ee magalada Karachi.

Image
Xafladu waxa ay bilaabantay 9 fiidnimo waxana lagu bilaabay sida caadada ahayd ayadaha quraanka karimka ah oo u noo akhriyay walaalkeen Axmad Rage, ka dibna waxa bilawday khudabadihi loogu talo galay maalinta qiimaha weyn ugu fadhida shacab weynaha reer somaliland waxa khudabad ka hadlaysa sidii lagu helay xornimadan aan hoos hadhsanayno halkaas oo uu ka soo jediyay Mudane:C/raxman Cabdilaahi ( Alfaas ).. isagoo ka hadlay halgankii dheeraa ee lixdankii ilaa maanta aan joogno iyo horumarka dalku gaadhay, sida doorashooyinka xorta ah ee ka dhacay iyo wax-barasha,caafimaadka,adeega bulshada,iyo dimuquraadiyada hanaansocodka leh.

Image

waxana ku xigay heestii calanka somaliland Halkaasi oo si fiican ay iskula wada qadeen dhamaan ka soo qayb galayaashii Munaasabada Xafladaasi 18 May,

Hadaba halkaasi waxa kahadlay gudoomiyaha Jaaliyada reer somaliland ee Dalka Pakistan Mudane C/kariin siciid Yuusuf. ( Yoga ) kaasi oo marka u horaysa hambalyo udiray dhamanba umada reer somalialnd meel kasta oo ay jogaan Gudomiyuhu waxa uu ka hadlay 18may inay tahay maalin taariikhi ah oo ay reer somaliland u tahay maalin qaaliya taasi oo uu yidhi inaynaan waligeen ilaabayn waxa ay mudan tahay 18may Dabaaldega sanadguurada 19naad ee Somaliland ee habeenimadii xaley ayaa si weyn loogu duceeyey walaalaha Soomaaliya, in Alle xasilooni lamid ah takajirta Somaliland, ku soo dabaalo magaalo madaxda Muqdisho.

Image

wax isna sidoo kale goobtaasi ka hadalay Mudane Ayaanle Muxmad Diiriye oo sigaar ah uga hadley dhibaatada ka taagan Somalia guud ahaan in Dawlada cusub ee ka dhalan dooonta somaliland doorashada ka dib inay wax-kala qabtaan dhibaatadan sii dheeraaray isagoo tusaale ka dhiganayay ( Gurigaaga jaarka ah oo gubanaya haddii aad baaldi biyo ah aad la gaari waydid in dabku ku soo gaadhayo... isagoo sii raaciyay in loo fididiyo gogol walaalaheena koonfurta Somaliya taasoo lagu heshiisiinayo dadka walaalaheena ee Somaliya..waxa intaas uu ku sii daray in Illaahay doorashadan qabsoomi doonta 26 june ee sanadakan nabad ku bilbaanto nabadna ku dhamaato. kuwa ku guulaysta ay ka shaqeeyaan hor-u-marka dalka iyo iksu duubnimada bulsha-waynta reer Somaliland.

C/raxaman Shabuuti ayaa isna kahadley goobtaasi oo ahaa martida walaalaheena somaliyeed isagoo ugu horeyntii hambalyo iyo salaam gaadhsiiyey shacabweynaha Reer Somaliland, “Wixii kadanbeeyey 1988kii iyo burburkii Somaliya ayaa wuxu sababey in cidkasta ey aayaheeda katashato xaqna wey u leedahey Somaliland madaxbanaanideeda , horumarka kajira Somaliland sida waxbarashada, adeegyada cafimaadka, kaladanbeynta waa mid aan ugu hambalyeynayo Reer.Somaliland, Somalida kabarakacdey Muqdisho hoy ayey unoqdeen Reer.Somaliland. Shacabweynaha Reer.Somaliland waa in ey kumitidaan nabada iyo jiritaankooda, waa in aaney iloobin walaalhooda Soomaaliyeed, dadka Soomaaliyeedna waa in ey kudeydaan Somaliland,”

Image

Waxay soo bandhigeen dhalintii soo qabanqaabisay xafladan ruwaayad aad loola dhacay ka sheekaynaysa doorasha qabsoomi doonta, ciyaarihii hiddaha iyo dhaqanka, iyo suaalo ay ku gudoonsiiyeen jaa'isado cidii si saxa uga jawaabta.

Image

Re: Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Fri May 28, 2010 8:12 am
by Mr_Alfaas
Karachi.............Pakistan....Somaliland Party.

qof garanayo ma jiraa ninka ugu danbeeya ee khudbadeenaya .................. :lol: ee calanka somalilandta xidhan,. :D

Re: Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Fri May 28, 2010 8:36 am
by hargaysaay
waar ninkaasi ma adigaa aflaas sxb

Re: Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Fri May 28, 2010 11:13 am
by zingii
More like a house party.

Re: Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Sun May 30, 2010 7:30 am
by Mr_Alfaas
hargaysaay wrote:waar ninkaasi ma adigaa aflaas sxb

haa hargaysaay waa Alfaas... :lol: :lol:

Re: Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Sun May 30, 2010 7:31 am
by Mr_Alfaas
zingii wrote:More like a house party.
even if its house party.......whats wrong with it.......waar inagaa wax aragney.... :o

Re: Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Sun May 30, 2010 8:54 am
by Keyse_0208
Mr Alfaas, adiga weeyaan ninkani, i didnt know inaad pakistan joogtey, all this time waxaan u malaynayey inaad reer-uk ahayd :up:

Image

Re: Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Sun May 30, 2010 8:58 am
by Mr_Alfaas
Keyse_0208 wrote:Mr Alfaas, adiga weeyaan ninkani, i didnt know inaad pakistan joogtey, all this time waxaan u malaynayey inaad reer-uk ahayd :up:

Image
maya inader reer pk ayaan ahay...........interview hore uu suldaanka guud ila yeeshay ayaan ku sheegay meshan joogo....

Somaliland Ha noolaato. :sland: :up:

Re: Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Sun May 30, 2010 9:00 am
by SahanGalbeed
:up: good job alfas , good job .
Bal maxaad se dadka ku akhrinaysay niyow ? :lol:

Re: Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Sun May 30, 2010 9:05 am
by Mr_Alfaas
SahanGalbeed wrote::up: good job alfas , good job .
Bal maxaad se dadka ku akhrinaysay niyow ? :lol:
lol.....dee suuq-geyn ayaan ka dhex waday,somalinet meel la yidhaahda jirta ee xagasaanu office ku lenahay e na soo booqda ayan laha...

wanan ushegay mid empr iska ilaaliya ayan idhi. :lol: :lol:

Re: Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Sun May 30, 2010 9:54 am
by SahanGalbeed
:lol: :up:

Re: Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Sun May 30, 2010 9:19 pm
by Siciid85
Mr_Alfaas wrote:
Keyse_0208 wrote:Mr Alfaas, adiga weeyaan ninkani, i didnt know inaad pakistan joogtey, all this time waxaan u malaynayey inaad reer-uk ahayd :up:

Image
maya inader reer pk ayaan ahay...........interview hore uu suldaanka guud ila yeeshay ayaan ku sheegay meshan joogo....

Somaliland Ha noolaato. :sland: :up:
is that you? :up:

Re: Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Tue Jun 01, 2010 7:17 am
by Mr_Alfaas
haa siciid inader. :sland: :up: :D

Re: Somaliland 18 may party Pakistan pics

Posted: Tue Jun 01, 2010 8:22 pm
by Siciid85
So you live in Karachi tu'yar oo pakistaniiyaad ah ma ku qabatay. :D :up: