Wounded SSC shacab being brought to Galkacyo
Posted: Wed May 26, 2010 3:42 am
{Galkacyo}26-05-10 Wararka ka imanya Caasimada G.Mudug ayaa sheegaya in dhaawacyadii shacabka ka soo gaadhay dagaaladii Ethopia iyo SNMta ku soo qaadeen cayne in laga soo wado Gaalkacyo loogana diyaar garoobey. Waraka ayaa intaas ku daraya in saacadihii ugu danbeeyey heegan buuxa lagalayey Shaqaalaha Isbitaalka weyn ee
Waxaa Saacadihii ugu danbeeyey heegan buuxa lagalayey Shaqaalaha Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo kadib markii Dhaawacyo badan oo laga soo daabulayo gobolada SSC gaar ahaan gobolka Cayn la sheegey in loo soo wado magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Dhaawacyadan oo mudo saacado ah loo diyaar garoobeyey ayaa sida uu qorshuhu ahaa waxay ahayd in Xalay la keeno magaalada,laakiin Roobab mahiigaan ah oo ka da'ay gobolka mudug ayaa sababay in uu dhaawacyaadaasi dib u dhac,Shaqaalaha Isbitaalka guud ee Gaalkacyo oo wata gawaarida gurmadka deg dega ah ayaa saacado badan oo xalay & saaka ah waxay sugayaan dhaawacyadaas.
Maamulka cusub ee dhawaan loo magacaabay caafimaadka gobolka Mudug & qaarkamid ah madaxda gobolka Mudug ayaa dhaawacyadan inay soo kaxeeyaan u diyaar garoobey waxayna kusugan yihiin meel gaalkacyo u jirta 20-Km,waxaana ay sheegeen in wadadu ku xirantay Dhaawacyada.
Galkacyo Soomaliya
http://www.radiowidhwidh.com/html/modul ... e&sid=1571