faisal cali waraabe gets a warm welcome in Wajaale pics

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

faisal cali waraabe gets a warm welcome in Wajaale pics

Post by Khalid Ali »

Weftiga Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Maanta Si Layaab Leh Loogu Soo Dhaweeyey KALA-BAYDH Iyo WAJAALE + SAWIRO


Wajaale (Oodweynenews)- Weftiga ballaadhan ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha xisbiga mcaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa saaka si layaab leh loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaaale ee ka hoos yimaada gobolka gabiley

Image

Weftiga xisbiga UCID oo saaka ka ambabaxay magaalada Gabiley oo ay xalay u hoydeen, ayaa waxa ay ku horayeen Kalabaydh oo si diiran loogu soo dhaweeyey, iyaga oo uga sii gudbay magaalada Wajaale oo uu ku eekaa safarka weftigu.

Image

Soo dhawayn balaadhan ka dib gudoomiyuhu wuxuu kala hadlay dadwaynaha reer Wajaale barxada hore ee xafiiska guud ee dagmadaas wajaale ee xisbiga UCID, isaga si weyn uga mahadceliyey dadweynaha Wajaale sida cajiibka ah ee ay u soo dhaweeyeen, isla markanaa waxa uu ku adkeeyey inay marka la gaadho xilliga doorashada inay u codeeyaan xisbiga UCID, oo uu ku tilmaamay xisbiga keliya ee wadi karaya Somaliland, isla markaana gaadhsiin karaya horumar wax-ku-ool ah.

Image

Waxa kale oo uu Gudoomiyuhu dadweynaha reer Wajaale ku booriyey inay qaataan kaadhadhka codaynta, isla mar ahaantaana ay ilaashaadan oo ay yihiin kaadhadhkii aqoobsiga

Image

Waxaa iyaguna halkaas dadweynaha kala hadlay masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga UCID, kuwaas oo ka dhaawiyey in xisbiga UCID ay ka go’an tahay inuu u hagar-baxo horumarinta Somaliland haddii ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa.


Image

Weftiga uu hogaaminayo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaa la filayaa inay caawa dib ugu soo noqdaan caasimada Somaliland, ka dib marka ay u soo dhamaadaan hawlaha xisbi ee ay u tegeen Wajaale.

Oodweynenews.com/Hargeysa Office
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”