UDUB Supporters Attack Cismaan HIndi
Posted: Wed May 26, 2010 11:39 am
Guddoomiyaha Olalaha Doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal ayaa la sheegay inay gacan dhaawac culusi ka soo gaadhay ka dib markii uu bakoorad ku dhuftay nin ka mid ahaa muraaqibiintii xisbiga UDUb ee ka qeyb qaatay hawsha kaadhadh bedelka ee dhawaan dalka laga fuliyay oo ka cabanayay inaanay xisbigaasi siinin guno maalmeedkiisii uu ku shaqaynayay.
Siday Shabakada wararka ee Hadhwanaag News u xaqiijiyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga UDUB oo dalbaday inaan magacooda la shaacin oo goobtaasi ku sugnaa ayaa sheegay in ninkaasi oo la yidhaahdo Khaalid Cabdilaahi Fallaago uu yimid xafiis cusub oo Cismaan Hindi ka furtay xaafada Goljano ee magaalada Hargeysa, ka dibna uu weydiiyay dadkii meesha joogay Cismaan Hindi mee, waxaanay dadkii xaruntaasi ku sugnaa ay u sheegeen inaanu joogin balse uu iman doono.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in ninkaasi uu Cismaan Hindi sugayay qadar daqiiqado ah isla markii uu soo galayna isagoo aan la hadal ayuu Bakoorad uu sitay gacanta Midig kaga dhuftay illaa uu dhulka ula dhacay ka dibna wuxuu Cismaan la soo baxay Baastoolad isagoo sida la sheegay rasaas riday hase yeeshee cid kumay dhicin.
Ninkaasi iyo koox kale oo la socotay ayaa la sheegay inay iyaguna rasaas rideen oo meeshaasi dadkii joogay ay kala yaaceen iyadoo Boqolaal qof ay halkaasi iskugu soo baxeen. waxaana la sheegay in Cismaan oo dhiig ka dayo gacanta gaadhigiisa la saaray ka dibna lala cararay. isagoo saldhiga dhexe ee Booliska ka dalbaday in lala soo gaadho ciidan suga ammaankiisa.
Ninkan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaataageereyaasha xisbiga UDUB waxaanu ka mid ahaa muraaqibiintii xisbigaasi ee ka qeyb gashay hawshii kaadhadh bedelka oo uu ka cabanayay in la siin waayay gunadiisii.
Source Hadhwanaagnews