Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -1988

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -1988

Post by Siciid85 »

Hargeysa (Waaheen) 27 May 1988 oo ay maanta ku beegntahay 22 guuradeedii, waxay ahayd maalin xusuus gaar ah u leh guud ahaan dadka Reer-Somaliland, gaar ahaanna dadka Reer-Burco, waayo maalintaasi waxay ahayd maalin uu si lama filaan ah dagaal culusi uga qarxay gudaha magaalada Burco, ka dib markii ay cutubyo ka tirsan ciimadii dagaalyahanka ururka SNM ee mudada tobanka sannadood gaadhaysa halganka hubaysan kula jiray dawladdii Siyaad Ba rre salaad hore guluf milateri ku soo galeen xarunta gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo ay dagaal faraha lagaga gubtay foodda isku dareen ciimadii taliskii Siyaad Barre ee Burco fadhiyey iyo cutubyadii SNM,waxayna taasi keentay jawi Siyaasadeed cusub iyo xaalado milateri oo hor leh oo ka aloos-may mandaqadda bariga Afrika, gaar ahaan labadii dawladood ee Itoobiya iyo Somaliya.
Sidoo kale saddex maal-mood ka dib oo ahayd 31-kii may 1988, waxay cutubyo kale oo ciimadii SNM ahi weeraro milateri oo kaa la mid ah ku soo qaadeen gudaha magaalada Hargaysa iyo jiido kale.

Weeraradaa milateri ee ay xoogaggii ururka SNM ku soo galeen gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxay, ahaayeen kuwo miidaamo ah, waxayna taasi ka dambaysay markii ay labadii dawladood ee ka kala talin-jiray dalalkii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed iyo Itoobiya ay isla gaadheen heshiis dhigaya inay qolo waliba dhinaceeda joojiso taageeradii ay siin jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray, iyadoo dawladdii Siyaad Barre taageeri jirtay jabhadii Ereteriya, halka ay dawladdii Mingistu Haile Mariam-na taageeri jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray taliskii Siyaad Barre sida: SNM iyo SSDF, waxaana waxyaalihii ay labada talis ku heshiiyeen ka mid ahaa in ciimadii SNM laga soo raro jiidaha hore ee dagaalka ,islamarkaana uu ururka SNM joojiyo hawl-galadii milateri ee uu ku hayey dawladdii Siyaad Barre. Sidaa darteed heshiiskasi waxa uu ururka SNM soo taagay marxalad aad u adag iyo mawqif xaraj ah, taas oo ay arintoodu noqotay “kala dooro laba daran”, waxayna taasi keentay inuu ururka SNM qaato mawqif xaraj ah, taas oo uu hogaankii ururka SNM go’aansaday wax lama filaan ah oo aad uga duwan wixii ay labada dawladood ku heshiiyeen, waxayna SNM talo ku gaadhay inay ciidamadeedu madax-madax isugu tuuraan gudaha, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganaya saldhigyadii waaweynaa ee ciimadii qaybtii 26aad ee taliskii Siyaad Barre ee fadhigoodu ahaa goboladii waqooyi ee Jamhuuriyaddii Somaliya.

Sidaa awgeed waxay ciidamadii dagaalyahanka SNM gulufkoodii u horeeyay ku galeen magaalada Burco, subaxdaasina waxay guud ahaan dadkii ku dhaqnaa goboladii waqooyi (Somaliland), gaar ahaan dadkii reer-Burco, talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre, mandaqadda iyo guud ahaan dunida ku noqotay amakaag iyo qaadan-waa.

Ciidankii SNM ee Burco galay waxa uu xaddigiisu ahaa tiro aan ka badnayn ilaa 1200 oo dagaalyahan, taasina waxay ahayd tiro aad uga yar cududii milateri ee gaaskii ciimadii taliskii Siyad Barre ee fadhiyey jiidaha gobolka Togdheer iyo xarunta gobolkaa ee Burco,ee gaaskii Qaybdiid la odhan jiray, laakiin iswaydiintu waxay tahay maxaa dhacay, maxaase ururka SNM ku kelifay weerarkaa is miidaaminta ah.
Ciidamadii SNM ee Burco galay waxa uu ahaa taliyahoodii u sareeyay Muj: Axmed Mire Maxamed, iyadoo ay talayayaashii ku xigayna kala ahaayeen labada Marxuum: Aadan Saleebaan iyo Xuseen Axmed (Xuseen kharash-yare).

Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii sar-sare ururka SNM, gaar ahaan garabkii milateri, gaar ahaanna waqtigaa ka mid ahaa guddigii dagaalka ee loo xil saaray hawl-galkaa, madaxna ka ahaa saldhigii Itoobiya ee ay ka soo dhaqaaqeen ciimadii Burco galay.
oo arintaa ka waramay ayaa yidhi

“Waxyaalihii ay dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre ku heshiiyeen waxa ka mid ahaa inay ciimada SNM dib uga kacaan jiidaha hore ee dagaalka oo ay dib ugu guuraan gudaha Itoobiya, taasna waxay SNM u aragtay inuu dhabar-jab ku yahay halgankii ururka SNM”ayuu yidhi Maxamed Kaahin, wuxuuna intaa ku daray “ waqtigaa ururka SNM labo mid ayey isu soo taagtay inuu halgankii ururka SNM halkaa ku baaba’o iyo inuu go’aan adag qaato oo uu halgankii sii socdo, sidaa darteed hogaankkii ururka sida: Gudoomiyihii, guddigii fulinta ,golihiii dhexe, talisyadii ciidamada , waxgaradkii iyo waayeelkii ururku wada tashi ballaadhan ka dib waxa la go’aansaday in hawlagal ballaadhan oo milateri lagu galo gudaha”.
Muj: Maxamed Kaahim isaga oo ka waramaya xaaladii Ciidan ee ururka SNM iyo sidii wax loo qorsheeyey iyo sidii ay ahayd isu dhiganka cududda labadii Ciidan ee SNM iyo ciimadii Siyaad Barre ee ay is-waajahayeen, waxa uu yidhi “ Ciidankii SNM labo qaybood baa loo qaybiyey oo kala ahaa aagga galbeed iyo aagga bari oo la kala odhan jiray MAKA iyo MADIINA, iyadoo ay ciimadii SNM ee weeraray aagga Cadaadley oo uu hogaaminayey Muj: Xuseen dheere ay ciidamo laga soo dheegay labada qaybood, intaa waxa dheeraa taliskii ciidamada SNM, ciidankii Burco galay ee SNM-na waxay tiradiisu ahayd ilaa 1200 oo nin iyo midhadh ,waxayna wateen labo qori oo jiibab ah, labo qori oo suugag ah, 6 qori oo siikow ah ,islamarkaana ciidanka umaanu hayn wax taakulo ah oo xataa baabuurtii ay wateen qaar baa shidaalku ka go’ay markii ay magaalada soo galeen, halka uu ciidankii gaaska 3aad eeSiyaad Barre ee Burco fadhiyey ay ka koobnaayeen 4guuto oo ciidanka dhulka ah, guuto taangiyo ah, laba guuto oo madaafiicda goobta ah, urur PM. Ah , laakiin anaga waxa PM iyo tangiyo u ahaa tayo iyo moral, waxaanuna hawlgalkaa ku gaadhay guul weyn oo milateri iyo mid Siyaasadeed-ba waayo khasaare kasta oo na gaadhay waxa ka weynaa khasaarihii gaadhay ciimadii taliskii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre”.

Muj. Maxamed Kaahin, isaga oo tilmaamaya sidii ay xaaladda ururka SNM u ekayd maalmihii la qaadanayey go’aanka is-miidaaminta ah waxa uu yidhi “Runtii xaalad adag iyo go’aan adag ayey ahayd, laakiin waqtigaa ururka SNM wuu u bislaa inuu qato go’aamo ad-adag siyaasiyan iyo milateri ahaan-ba, waayo waxaanu soo maray marxalado ad-adag oo hore”.
Last edited by Siciid85 on Thu May 27, 2010 7:29 am, edited 1 time in total.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Today - The day the SNM karbashed Siad Bare's army in Bu

Post by Siciid85 »

Oxford House waxa lagu qabanayaa Xuska Guda-galkii Waddanka ee SNM 1988.‏




Jaaliyadaha Somaliland ee London waxay si wada jir ah kuugu martiqaadayaan maalinta Sabtida, 29ka Meey 2010, Xuska Guda-galkii Waddanka, 1988. Waa kulan isugu jira aqoon iswaydaarsi iyo xus taariikheed oo lagu lafa guri doono dhacdooyinkii ku xeernaa ayaamihii ururkii Somali National Movement (SNM) ay go’aansadeen inay soo galaan gudaha waddanka ee sannadkii 1988-kii.

Sida taariikhdu dhigayso, laga soo bilaabo siddeedankii, maamulxumada, xaqdarrada, xorriyad la’aanta iyo axmaqnimada baahday ee uu ku kacayay maamulkii kali-taliska ahaa, waxay keentay in ummadda Somaliland ay la soo daristay xaalad adag oo leh xadhig, dil, dulmo iyo xaqdaro fara badan oo aan lasoo koobi karin. Arrintaasi waxay sababtay in 6dii abriil 1982 lagu dhawaaqo urur waynihii SNM oo la abaabulo kasoo horjeed hubaysan. Kadib markii lagu jiray dagaal debedyaal ah muddo 6 sanadood ah 27kii May 1988, waxay ciidammadii SNM si badheedh ah usoo galeen, dibna u xoreeyeen, magaalooyinkii waawaynaa ee Somaliland .

Magaalooyinkaas oo ay ugu horeysay magaalo madaxda labaad ee waddanka, Burco, oo lasoo galay 27kii Meey, dhawr casho kadibna waxaa dib loo galay magaalo madaxda Hargeysa, 31 meey Halgankaas iyo dib u xorayntaas oo ku soo afjarmay ku dhawaaqida dib ula soo noqoshadii Somaliland, 18 May 1991, waxa farxad ah in bishan loo dabbaaldagay 19 tobban-guuradiisii.

Fadlan kala soo xidhiidh wixii faahfaahin ah:
Maxamed Yusuf 07946363211 ama Maxamed casayr 07534876005
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32743
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -198

Post by Khalid Ali »

May allah bless SNM al mujaheediin :up: :sland: Kuwii nool iyo kuwi dhintay ba
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -198

Post by GENERAL_SNM »

Mujahid Mohamed Kahiin. The real deal :up: :sland:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -198

Post by The_Emperior5 »

Mujaheed Axmed mire Mujaheeed Maxammad kahin , Both of the mujaheeds are allive ilahay cimriga ha u dhereyeyo Amiin
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -198

Post by udun »

Maxay been isugu sheekeeyeen. Waa ku be'een oo garabka ku dhigeen. Ma qixii iyo ba'ii la ogaa baad ku faanaysaan? You guys put the record of boasting non-existant victories. Ninkii joogay uun baa og wixii dhacay.
User avatar
abdalla11
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8228
Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one

Re: Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -198

Post by abdalla11 »

Horta dadkaan ma ka dhab baa mise they live in lalaland? Do they actually think that they defeated the Somali army? War even the USC got karbaashed by darood millitia, Gen. Morgan alone karbaadhed them in Luuq, Baardheere and kismayo and they were 100 times stronger than SNM, riyada iyo faanka beenta ah inaga dhaafa
The_Emperior5 wrote:Mujaheed Axmed mire Mujaheeed Maxammad kahin , Both of the mujaheeds are allive ilahay cimriga ha u dhereyeyo Amiin
Did Riyaale put them in prison?
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -198

Post by Siciid85 »

Abdalle, the SNM did karbash the SNA many times first they briefly captured burco and hargeysa in 1988 and then again captured and finally liberated it in 1991 and the remains of the SNA were finally cleansed from every city was liberated, how do you think cities like hargeysa, burco, berbera, erigavo and many other towns were liberated?
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32743
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -198

Post by Khalid Ali »

abdalla11 wrote:Horta dadkaan ma ka dhab baa mise they live in lalaland? Do they actually think that they defeated the Somali army? War even the USC got karbaashed by darood millitia, Gen. Morgan alone karbaadhed them in Luuq, Baardheere and kismayo and they were 100 times stronger than SNM, riyada iyo faanka beenta ah inaga dhaafa
The_Emperior5 wrote:Mujaheed Axmed mire Mujaheeed Maxammad kahin , Both of the mujaheeds are allive ilahay cimriga ha u dhereyeyo Amiin
Did Riyaale put them in prison?

sxb no One put ina kahin in prison axmed mire lives in london ina kahin lives in Somaliland
As for ciidanki somaliya wuu burburay we did our part we invaded Somaliland Killed their saraakill.in burco and hargeisa and kept on fighting AND IN 1989 axmed cumar jeess oo ordaya ino yimid , And caydiid came from india was at baligubudle he asked abdiraxmaan tuur then the chairman of the snm he said i want soldiers to go to Southeren somalia abdiraxmaan tuur said i have All the hawiyes soldiers For u who were part of the SNA kaxayso kuwaas laakin ciidan snm ku siin mayo ciidanka sna kaxayso la gal somalia sidasey ku dhacday abdiraxmaan tuur had a real vison he said there is no point in fighting inside somaliiland , fidmadu xammar bay ka socotta xammar xabbadu haka dhacdo xabadii na xamar waanu geyney :clap: And bye bye afweyne.
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -198

Post by ToughGong »

Image

Mujaahidiintii SNM ugu magacweynaa ka bilow midig, Muj. Max'ed Cali, Muj. Jaamac Gaaweyto, Muj.Aden Shiine, Muj. Gacmo dheere. Muj. Max'ed H. Hurre, Muj. Ibrahim Koodbuur, Muj. Max'ed H. Lixle, Muj. Axmed Dhagax, Muj. Ibrahin khaliil, Muj. Ibrahin F. Dawaare, Muj Siciid A. Yasin, Muj. Max'ed Mooge, Muj. Mahdi Yusuf, A/qadir Kosaar, Muj. Hassan Yonis

Image

Image
mvp
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 387
Joined: Wed Jan 23, 2002 7:00 pm

Re: Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -198

Post by mvp »

Most of the what is left Mujaahidiinta are in Mandhera Jail since those in power now are the same they fought for back in the days. what ironic.
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -198

Post by HooBariiska »

mvp wrote:Most of the what is left Mujaahidiinta are in Mandhera Jail since those in power now are the same they fought for back in the days. what ironic.
go and learn some english you moron
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -198

Post by ToughGong »

Timo_Case wrote:
mvp wrote:Most of the what is left Mujaahidiinta are in Mandhera Jail since those in power now are the same they fought for back in the days. what ironic.
go and learn some english you moron
He only speaks broken England dee
mvp
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 387
Joined: Wed Jan 23, 2002 7:00 pm

Re: Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -198

Post by mvp »

Timo_Case wrote:
mvp wrote:Most of the what is left Mujaahidiinta are in Mandhera Jail since those in power now are the same they fought for back in the days. what ironic.
go and learn some english you moron

Image


Have some garaabo, then yo will recognize that we ain't in school were they teach drugholics how to write
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Today - The day the SNM karbashed SNA army in Burco -198

Post by HooBariiska »

i dont chew naanaabyahow laakin i get high dissin and karbaashin laangaabs like u
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”