True living Somali Patriots- Al-Furqaan Secondary (Badhan)

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

True living Somali Patriots- Al-Furqaan Secondary (Badhan)

Post by oldenglish »

Image

Image


Ardayda Isu Diyaarinaysa Imtixaanka Kama Danbaysta ah (Form Four ) ee Dugsiga Sare ee Al-Furqaan oo Xaflad Qabsaday + Sawiro

Badhan : Ardayda dugsiga sare ee Al-furqaan ee isu diyaarinaysa imtixaanka dugsiga sare ay kaga qalin jebinayaan ayaa xaflad isugu jirtay qado sharaf iyo kulan ballaadhan ku qabsaday xarunta dugsiga qaybtiisa H/dhexe maalinamadii Arbacada.




Ardaydan oo noqonaysa dafcaddii 5aad ee ka qalin jebisa dugsiga sare ee Al-Furqaan ayaa ah tiradii ugu badnayd ee dugsiga ka qalin jebisa tan iyo markii la asaasay 1997-kii. Ardaydan oo dareenkooda wadan jacayl muujinayey ayaa waxay ku gaaddeysnaayeen calanka buluugga ah ee Soomaaliyeed , waxayna si wada jir ah hoolka xafladdu ka dhacday uga wada qaadeen heestii " Soomaaliyey Toosoo " oo dadkii qiiro wadaniyadeed ku abuurtay.





Xafladdan ayaa waxa kasoo qayb galay maamulka dugsiga, bareyaal ka socdey dugsiyada kale , waalidiintooda , xubno ka mid ah qurbe joogta , culimaa'udiin uu ugu muhiimsanaa Shiikh Faysal Xuseen Mire iyo Shiikh Cabdixayi Aw-Muuse, aqoon yahan kale iyo arday ka socotey dugsiyada sare ee magaalada qaarkood.




Maxamuud Cabdi Maxamed oo ku hadlay magaca ardayda ayaa waalidiinta iyo bareyaasha ka codsaday iney guul ugu duceeyaan , sidoo kalena ballan qaaday iney waxbarashadooda jaamacadeed sii wadan doonaan , wadankana abaalkiisa gudi doonaan haddii ilaahay idmo.




Waxgaradkii halkaas ka hadlay ayaa ardaydaas ku boorriyey in aqoonta ay baranayaan ay ku dhaqmaan, kuna darsadaan edeb iyo akhlaaq, maadaama aan aqooni waxba tarayn haddii aan qiyam iyo akhlaaqi jirin , sidoo kale waxay ku dhiirri geliyeen dulqaadka dhibta waxbarashada iyo joogtaynteedaba.




Waxa fursad ka qayb gal khadka telefoonka ah la siiyey Faa'iso C/laahi Maxamed oo ka mid ahayd ardaydii sanadihii hore ka qalin jebisey dugsiga Al-Furqaan, haddana Jaamacadda Al-Axfaad ee dalka Suudaan ka barata cilmiga dhakhtarnimada ( Medicine ), taasoo u noqotay guubaabo iyo dhiirri gelinba , gaar ahaan gabdhaha oo tiradoodu dhamayd 17 gabdhood.




Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa : Maamulaha iskuulka C/casiis Axmed Saalax , Shiikh Faysal Xuseen Mire , Shiikh Cabdixayi Aw-Muuse, iyo Shiikh Axmed Shiikh Saalax.



http://dhahar.com/article.php?articleid=9239
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: True living Somali Patriots- Al-Furqaan Secondary (Badh

Post by sheekh-Farax-zero »

Masha-allaaaah, but aren't they ethnic Makhirs?
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: True living Somali Patriots- Al-Furqaan Secondary (Badh

Post by udun »

Masha-Allah, I am happy for the students, the teachers, the school administrators, the whole Warsangeli community and every one else who contributed to this great effort.

Long Live Badhan
Long Live Warsangeli
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: True living Somali Patriots- Al-Furqaan Secondary (Badh

Post by SahanGalbeed »

:up:
User avatar
wagardhac
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 617
Joined: Sat Jan 02, 2010 9:28 pm
Contact:

Re: True living Somali Patriots- Al-Furqaan Secondary (Badh

Post by wagardhac »

:som: :up:
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: True living Somali Patriots- Al-Furqaan Secondary (Badh

Post by udun »

wagardhac wrote::som: :up:
Absolutely. Wagardhac is the real deal brother.
:som: :up:
Galmeygaag
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 488
Joined: Tue Feb 16, 2010 6:42 pm
Location: 2 the Angleofdeath..Seefta-Sade is drawn, N by Allah the slaves of Amxaar will pay for their crimes.

Re: True living Somali Patriots- Al-Furqaan Secondary (Badh

Post by Galmeygaag »

nice
oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Re: True living Somali Patriots- Al-Furqaan Secondary (Badh

Post by oldenglish »

Patriotic ethnic Maakhiris.

Long Live Maakhir and Somalia :som: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”