Maalintii Khamiista ee 27 May 2010 ayaa waxaa magaalada Rome ee dalka Italy ka furmay shirweynihi 10aad ee ururka UNPO ee u dooda Shucuubta aan ku lahayn kursi QM.
Waxaa shirkaas u matelayay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha jabhadda Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oy la socdaan Hogganka Arrimaha Dibedda mudane C/raxmaan Sh.Mahdi iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee siyaasadda iyo Diblomaasiyadda Mudane Axmed Gurxan.
Shirka ayaa lagu qabtay aqalka Senetka Talyaanig. Waxaa furay shirka Senator Marco Perduca oo ka tirsan xisbiga Radical-ka oo iyagu shirka martigelinayay.
Waxaa ka dib shir-guddoonka la wareegay Mudane Ledum Mitee oo ah guddoomiyaha ururka UNPO oo warbixin dheer ka jeediyay xaaladaha shucuubta dulman.
Waxaa kale oo Goobtaas ka hadalay madax badan oo ka kala tirsan baarlamaanka iyo senetka dalka Talyaaniga oo ay ka mid yihiin Mrs Emma Bonino, Senator Marco Panella oo ah hoggaamiyaha xisbiga Radicalka, Senator Pietro Marcenaro oo ah guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamaanka talyaaniga.
Dhamaan madaxdaas waxay ballan qaadeen in ay taageeri doonaan shucuubta dulman oo ay Soomaalida Ogaadenya ka mid tahay fagaarayaasha Yurub iyo adduun weynahaba.
Shirka qaybtiisa labaad waxaa lagu ansaxiyey ajendayaasha iyo warbixintii guud ee maamulkii hore. Waxaa kale oo cod loo qaaday oo si buuxda uu u ansaxiyey golaha guud ee UNPO iyadoo uu halkaas ku saxiixay heshiiska guddoomiyha jabhadda.
Shirka oo socon doona dhowr maalmood waxaa lagala socon karaa oo laga daawan karaa si live ah http://www.radioradicale.it .
Xigasho----ONA/Rome
ONLF-JWXO attends UNPO meeting in Rome, Italy.
- hanqadh
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2786
- Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
- Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!
ONLF-JWXO attends UNPO meeting in Rome, Italy.
Re: ONLF-JWXO attends UNPO meeting in Rome, Italy.
the Man on the far right is the Foreign Minister for the ONLF ansd his name is Abdirahman Mahdi, very nice chap!hanqadh wrote:
Maalintii Khamiista ee 27 May 2010 ayaa waxaa magaalada Rome ee dalka Italy ka furmay shirweynihi 10aad ee ururka UNPO ee u dooda Shucuubta aan ku lahayn kursi QM.
Waxaa shirkaas u matelayay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha jabhadda Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oy la socdaan Hogganka Arrimaha Dibedda mudane C/raxmaan Sh.Mahdi iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee siyaasadda iyo Diblomaasiyadda Mudane Axmed Gurxan.
Shirka ayaa lagu qabtay aqalka Senetka Talyaanig. Waxaa furay shirka Senator Marco Perduca oo ka tirsan xisbiga Radical-ka oo iyagu shirka martigelinayay.
Waxaa ka dib shir-guddoonka la wareegay Mudane Ledum Mitee oo ah guddoomiyaha ururka UNPO oo warbixin dheer ka jeediyay xaaladaha shucuubta dulman.
Waxaa kale oo Goobtaas ka hadalay madax badan oo ka kala tirsan baarlamaanka iyo senetka dalka Talyaaniga oo ay ka mid yihiin Mrs Emma Bonino, Senator Marco Panella oo ah hoggaamiyaha xisbiga Radicalka, Senator Pietro Marcenaro oo ah guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamaanka talyaaniga.
Dhamaan madaxdaas waxay ballan qaadeen in ay taageeri doonaan shucuubta dulman oo ay Soomaalida Ogaadenya ka mid tahay fagaarayaasha Yurub iyo adduun weynahaba.
Shirka qaybtiisa labaad waxaa lagu ansaxiyey ajendayaasha iyo warbixintii guud ee maamulkii hore. Waxaa kale oo cod loo qaaday oo si buuxda uu u ansaxiyey golaha guud ee UNPO iyadoo uu halkaas ku saxiixay heshiiska guddoomiyha jabhadda.
Shirka oo socon doona dhowr maalmood waxaa lagala socon karaa oo laga daawan karaa si live ah http://www.radioradicale.it .
Xigasho----ONA/Rome
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 398 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 7 Replies
- 835 Views
-
Last post by manaxe88
-
- 28 Replies
- 2251 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 0 Replies
- 346 Views
-
Last post by Coeus
-
- 2 Replies
- 560 Views
-
Last post by Scarletmoon1
-
- 2 Replies
- 510 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 1 Replies
- 454 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 3 Replies
- 503 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 7 Replies
- 995 Views
-
Last post by Django
-
- 0 Replies
- 548 Views
-
Last post by hanqadh





