May 27, 2010 (QOL) Fanaanada caanka ah ee Qaranka Soomaaliyeed Saado cali Warsame ayaa 26 May 10 ka soo dagtay gagida caalamiga ah ee Kastrup International Airport ee magaalada Copenhagen ee dalka Denmark saacadu markay ahayd 20:15 PM.
Fanaanada oo ka soo socdaashay wadanka Ingiriiska ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey wadanka Denmark iyadoo ay garoonka kaga hortageen boqolaal qof oo sitay sawirada fanaanada lulayayna ubaxyo iyo labada calan ee Jamhuuriyada Soomaaliya iyo midka Ogadenya.
Kadib markay fanaanad Saado ka soo baxday garoonka ayaa hal mar waxaa garoonka dhexdiisa is qabsaday sawaxan isugu jiray soo dhaweyn iyo u riyaaqid imaatinka Saado,waxaana si diiran loogu soo dhaweeyey halka ama afaafka ay ka soo baxaan dadka soo dagaya(Arrival ).
Soo dhawynta Saado oo aad u xamaasad badnayd kadib ayaa waxaa Fanaanada lagu qaaday gaadhiga raaxada iyo sharafta ee loo yaqaano LOMASIIN oo loogu talagalay soo dhaweynteeda waxaana lagu geeyey Hotel loogu tala galay in ay daganaato inta ay Denmark joogto kadibna waxaa isla baabuurkaas loogu sii qaaday Hotel cunto oo loogu sameeyey casho sharaf halkaas oo ay Saado kula damaanshaadaysay ilaa iyo 23:00 pm dadkii soo dhaweeyey iyo boqolaal kale oo gadaal ka yimid, iyadoo Fanaanaduna aad uga mahad celisay sida qiimaha iyo qadarinta leh ee loo soo dhaweeyay aadna ugu riyaaqday labada Calan ee loo ruxayay kuwaas oo kala ahaa Calanka Buluuga ah ee Qaranka Soomaaliyeed iyo Calanka sadexda midab leh ee Ogaadeenya, Fanaanad Saado oo baryahan socdaalo ku kala bixinaysay qaar ka mid ah wadamada Yurub ayaan la soo koobi karin farxada ka muuqata iyo weynaynta ay dadka Soomaaliyeed u muujiyeen.
Habeenka Jimcaha ah ee soo socda 28 May 2010 ayay Saado ku qaban doontaa magaalada Copenhagen xaflad iyo bandhig faneed in muddo ahba laga sii shaqaynayay.