Xaflad Balaadhan Oo Loo Sameyey Suldaanka Guud Ee Beesha Sacad Muuse
Hargeysa (TVSLE)-Waxa maanta si rasmi ah magaalada Hargeysa loogu caleemo saaray Suldaan cusub oo la yidhaahdo Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur, oo ah Suldaan beelaha Sacad Muuse, ka dib markii shalay uu geeriyooday aabihii Suldaan Sulub Nuur
Xafladii loo sameeyay caleemo saarka Suldaanka Cusub oo lagu qabtay Gurigiisa oo ku yaala degmada 26-ka June ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro), Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha olalaha doorashada xisbiga KULMIYE ee gobolada galbeedka Somaliland Md. Baashe Cabdi Gaboobe, Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID, Salaadiin iyo cuqaal tiro badan oo lagu soo casuumay.
Waxa ugu horayn xafladaasi ka hadlay Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan, oo sheegay in munaasibadani iskugu jirto laba duco oo is xambaarsan waxaanu yidhi “Munaasibadani waxay iskugu jirtaa laba duco oo is huwan oo kala ah inaynu u ducayno Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee Marxuum Suldaan Sulub Nuur, oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu marxuumka naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Munaasibada labaad waxa weeye duco kale oo ah caleemo saarka Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur, oo ah wiil uu dhalay Suldaanka geeriyooday. Waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu suldaanka cusub u fududeeyo xilkiisa isla markaana uu noqdo Suldaan ka shaqeeya danta guud ee dalka iyo adkaynta nabadgelyadaba.”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay munaasibadaasi waxaanu dhambaal Hambalyo ah u diray Suldaanka cusub ee la caleemo saaray Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur, waxaanu ilaahay uga baryay inuu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday.
Guddoomiyaha UCID wuxuu u soo jeediyay inuu ka shaqeeyo danaha guud ee dalka horumarkiisa ku wajahan.
Waxa kale, oo xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Olalaha doorashada madaxtooyada ee xisbiga KULMIYE u qaabilsan Gobolada Galbeedka dalka Md. Baashe Cabdi Gaboobe, waxaanu Bogaadiyay Suldaanka cusub waxaanu ilaahay uga rajeeyay inuu xilkiisa u fududeeyo.
Suldaanka cusub Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur, oo ka hadlay munaasibadii caleemo saarkiisa ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono danaha dalka Somaliland waxaanu u mahad celiyay cuqaashii iyo bulsho weynta u garatay inuu buuxiyo xilka Suldaanimo ee uu baneeyay Abihii Suldaan Ibraahim Nuur.
Waxa kale, oo Suldaanka cusub booqasho sharafeed ugu imanayay dad aad u tiro badan oo ay ku jireen masuuliyiin ka tirsan xukuumada, Goleyaasha iyo asxaabta Somaliland.
http://www.tvsomalilandeurope.net/?page ... etail=1127
Caleemo saar
Moderator: Moderators
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: Caleemo saar

- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Caleemo saar
^
Also AUN to his father (Rer Shirdoon weeyi)
Also AUN to his father (Rer Shirdoon weeyi)
-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Caleemo saar
Since when Sacad Muse have Suldaanka Guud Ee Beesha Sacad Muuse ? is Suldanka Sacad muse and H-awal Suldan the same?seemeyer wrote:^
Also AUN to his father (Rer Shirdoon weeyi)
- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Caleemo saar
It's news to me too,I only heard of him shalay
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Caleemo saar
I think they did a mistake , I mean the person reporting this news is obviously not SM and has no clue about it .
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 96 Replies
- 822 Views
-
Last post by AwdalPrince
-
- 33 Replies
- 1475 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 1 Replies
- 325 Views
-
Last post by koohi
-
- 2 Replies
- 502 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 18 Replies
- 1194 Views
-
Last post by kaliil
-
- 1 Replies
- 577 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 0 Replies
- 434 Views
-
Last post by Suldaan_JC
-
- 0 Replies
- 318 Views
-
Last post by Siciid85