SIDEE WAX U DHECEEN 27 MAY 1988

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

SIDEE WAX U DHECEEN 27 MAY 1988

Post by Siciid85 »

Image




QALINKII: Sulayman yusuf dhakhtar



29/05/2010



ka hor 27 may 1988 waxay ahayd wakhti aad iyo aad ugu adag jabhadii S.N.M iyo taageerayaasheediiba, waayo waxaa heshiiyay labadii hogaamiye ee Somalia iyo Ethiopia, Siyad barre iyo Mengistu,waxaa dallow ka dhacday rejadii shacabka,waxkastana waxay ka fisheen dhinaca guuldarada,werwerka,malo awaalka,anfariirka iyo rajo xumadu waxay noqdeen kuwo wehel u ah dadkii ku noolaa Gobolada Waqooyi ee SOMALIA. Maalmahaas heshiisku dhacay xitaa Gudoomiyihii S.N.Mta Ahmed Siilanyo oo dareensan rajo xumada jamhada S.N.M iyo shacabdkeeda soo wajahay,dhinaca kalena iska diid siinaya heshiiska labada dawladood gaadheen ayaa la hadlaaya idacada BBCda laanteeda afsomaliga bal si uu in uun rajada umada usoo nooleeyo,wuxuuna bixinayaa waraysigii fariinta xambaarsana
ee ay ereyadiisa ka midka ahaayeen DAWLADUHU HADII AY DOONAN HA HESHIIYEEN LAKIIN INTA DULMIGII AANU KA DAGAALAMAYNEY JIRO HALGANKA JOOJIN MAYNO!!!.
Isla maalmahas waxaa la isugu yimi jiida hore ee Dagaalka magaalada DHUUBO-GUDUUD,hadii ay tahay gudoomiyihii ururka
iyo dhamaan garabkii ciidamada iyo kii siyaasadaba iyo waxgaradkii kale ee uruka taageeri jiray oo dhanba.
wakhtigu aad ayuu cidhiidhi u ahaa waxkastaana si degdeg ah ayay ku soconayeen ajandaha keliya ee meesha yaalayna wuxu
ahaa KALA DOORO LABA DARAN,qofkasta oo maalmahaas jiida hore joogay maskaxdiisu aad ayay u shaqaynaysey oo intaas oo kun oo fikradood ayay daqiiqadiiba soo tuuraysey,habeenkii marka la gaadho hurdadu cirka ayay ku laalmaysey,waxaa xad
beelay qaadka la cunaayo,si fikradaha saxan loo helo,mashquulka kalena maskaxda looga ilaaliyo,waana la wada jibaysnaa
waxay talo ku soo ururtay in gudaha la isugu shubo,gudidii dagaalka ayaana la iska dhexdoortay.
gudidii dagaal gelinta S.N.M ee kaartada dagaalka dejisay waxay kala ahaayeen.

1.Muj. Jaamac cali cilmi (gudoomiye)

2.Muj. Maxamed kaahin axmed

3.Muj. Xasan yonis Habane

4.Muj. C/samad Xaaji C/laahi

5.Muj. C/laahi maxamed

Gudidani wakhti aad u kooban gudahood ayay ku soo diyaariyeen,kaarto dagaal tii ugu quruxda badnayd,weliba sidii ay ugu talo galeen hadii ama u dhigeen hadii ay u dhici lahayd oo burco iyo hargeysa isku maalin lagu dhufan lahaa,guul aad u baaxad weyn iyo khasaare ka yar kii markii markii danbe dhacay ayaa soo hooyan lahayd,lakiin si ay ku dhacdayba afar cisho ayuu ciidankii kala danbeeyay.
Waxaa meel la isugu wada keenay ciidamadii S.N.M,iyo wixii hub iyo gawaadhi iyo shidaal la hayayba,labadiii eeg ee S.N.M ee aaga galbeed iyo aaga bari,waxaana magac ahaan loo bedelay aaga makka iyo aaga madiina.
Waxaa dhamaan deegaanka S.N.M isa soo dul taagtay daruurta GEERIDA waxaase ku lamaanayd daruurta XORIYADA,qofwal wuxuu go,aan saday inuu nafta iyo maalkaba huro,waxaana caloosha lagu adkaysanayay gabayo qarniyo hore la mariyay oo ay ka mid ahaayeen, hadaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye,dhaqashiyo marbay kaa yihiin dheregu xaaraane
iyo gobanimo bilaash looma helo ban iska taal taale, iyo gobanimadu waa geed ku baxa dhiiga geesiga.
tabaabushe degdeg ah ka dib waxaa meesha la yidhaahdo Samatar Axmed,lagu diyaariyay 1200 oo mujaahid,waana ciidankii aaga MADIINA, ee burco weeraraayay,waxayna kasoo dhaqaaqeen Samatar Axmed 26.5.1988.
Ciidankaas aaga Madiina waxaa hogaankooda guud ahaa,Muj. Axmed Mire Maxamed, abaanduulena waxaa u ahaa Muj.Aadan Saleeban Cali. (Ma gubte), taliyaha hawlgelinta waxaa ahaa Muj.Xuseen Axmed (kharash yare).
Waxaana weliba ciidankaas loo sii qaybiyay laba qaybood oo ka koobnaa qaybta 1aad iyo qaybta 2aad waxaana kala hogaaminayay labadaas qaybood.
QAYBTA 1aad waxaa hogaaminayay Mujaahidiinta kala ah.

1.Muj. Xasan Cali Abokor
2.Muj. Muuse xasan Dhunkaal (Muuse Bidaar)
3.Muj. Ibraahim jaamac Dhiif (HA LIQIN)
4.Muj. jaamac Digale Ducaale
5.Muj. Maxamed Yusuf


QAYBTA 2aadna waxaa hogaaminayay mujaahidiinta kala ah

1.Muj. Axmed Macalin Haaruun
2.Muj. Maxamed Cali Faarah
3.Muj. Maxamud Maxamed Xandulle ( oo ahaa saraakiishii ugu da,da weyneyd S.N.M, 77kiina gacan wax ka noday)
4.Muj. Cumar maxamed

Ciidankaas S.N.M ee burco galay waxay wateen.

4 Siikaawe
2 beebee
2 Jiib
2 ZUU 23
Iyo 30 gaadhi oo xamuul ah, waxayna wajahayeen ciidamadii gaaska 3aad ee qaybta 26aad ee xooga dalka somalia oo ka koobnaa.

4 Guuto oo Ciidanka dhulka ah.
1 Guuto oo Tankiyo ah ama KAARAYAAL sida aad u taqaanan
2 Guuto oo Madaafiicda Goobta ah
iyo hal urur oo ah hubka wax gumaada ee PMka loo yaqaan.

Ciidankaas S.N.M ee ka soo dhaqaaqay Samatar Axmed waxay xuduuda ka soo galeen meesha la yidhaahdo SIBIDHLEY waxayna soo mareen DHOQOSHEY, marka ay marayaan meesha la yidhaahdo XAYDH DUCATO ayay iska heleen xooga faqash ah lakiin baabuurta loogama degin ee markiiba way kala yaaceen faqashtaasi markii la rasaaseeyay, waxay habeenkii oo dhan soo socdaanba ciidamadii S.N.M waxay dul yimaadeen magaalada burco intaan waagu beryin,halkaas ayayna ku kala qaateen go,aamadii ugu danbeeyay ayna isku kala qaybiyeen.
Markeliya ayay subaxnimadkii 27 may 1988, maalin jimce ah ay burco ku waa bariisatay ALLAHU AKBAR iyo sanqadha rasaasta
daqiiqado gudahoodna hugunka hubka noocyadiisa kala duwan ayaa burco is wada gaadhay,hadii ay mujaahidiinta S.N.M ahayeen 1200 nina,daqiiqado gudahood ayay burco oo dhami S.N.M ku wada noqotay, ALLAAHU AKBAR, dhalinyaradii hubka ayay wada qaateen oo boobeen, hooyooyinkii quraacda ayay S.N.M la daba ordayaan, islaamihii waaweyna ama ayeeyooyinki
Ciida ayay S.N.M ka daba saydhayaan iyaga oo in ilaahay beleda iyo xabada ka xijaabo iyo inay guulaystaan ilaahay uga baryaaya.
Waxaa cagta la mariyay dhamaan ciidamadii FAQASHTA ee gaaska 3aad ee burco ku sugnaa,waxana la laayay dhamaan saraakiishoodii oo dhanba oo ay ka mid ahaayeen
1. gashaanle sare CADCEED oo ahaa hagoomiyihii ciidanka gaaska 3aad
2. Captain maxamed abshir (kabtan faalso) oo ahaa taliya bilayska burco
iyo boqolaal kale oo aynaan halkan ku soo koobi karin,iyo kumanaan ciidamadoodii ahaa,waxayna noqdeen wax dhinta,wax is dhiiba iyo wax yaaca oo oo firdhadkii meelay mareen la waayay.
Jabkii maalintaas Faqash ku dhacay kamay soo kaban,waxayna bilaabeen inay shacabka diyaarado ku duqeeyaan, xabadii maalintaas BURCO ka bilaaban tayna laba sano iyo badh gudahood ayay SOMALIA oo dhan ku wada gaadhay,xukunkii siyad barrena ku soo afjar tay, waxayna sheekadu ku danbaysey maansadii Hadraawi ee DAALALEY.
Dusduskay ku dheregtee
haddaan daalku dheeraan
gabbal baas u dumin nabad.

Nin dalleensi lagu cunay
haddaan guuto loo dilin
dakharkiiba toban noqon.
Nin kastoo dun iga qaba

haddaan daab-cad lala dhicin.
Janannada durduurta ah
Haddaan daadku soo qubin.
Aqallada derbiga dheer

haddaan daaqad laga gelin.
Ninka dabin ka boodka ah
haddaan diirad lagu helin.
Haddaan duubka gogoshiyo

lagu dhuuman dalowyada.
Haddaan shaashka derejada
dallacaadda laga nixin.
Dar Allay u kibirtee

haddaan iilka lagu degin.
Haddaan meydku duurkiyo
derrimaha ka fara badan.
Sanqadhaa dabayshiyo

haddaan fiinta laga didin.
Fadhigay ku daaqdee
haddaan soodhku dalandalin
halka diibi lala maro

haddaan raacdo daba gurin.
Dacfalaanka mahaddiyo
dardarsiga barwaaqada
iyo doosha subagga leh

haddaan laysu dacarayn,
inata daran intaw daran
haddaan duulal lagu falin.
Haddaan deebta gumuciyo

lagu guban dabkaan shido.
Duhur laysla wada jiro
haddaan guusha lay deyn
Allay-lehe docdaydii
ha goblamo dal weynuhu.




Sulayman yusuf-dhakhtar



http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=18700
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”