Mandheera (Oodweynenews)- Waxaa markii ugu horeysay lagu guulaystay muddo ku dhawaad 20 sannadood ah in dayactir iyo dib u hagaajin lagu sameeyo wadada Jarato ee isku xidhidha degmooyinka Mandheera iyo Go’da-weyn ee Gobolka Saaxil.
Wadadan oo iyada aan la isticmaalin tan iyo markii ay Somaliland mar labaad xornimadeeda la soo noqotay sannadkii 1991-kii, wakhtigaas oo ay ciidamadii jabhadii dib u xoreynta Somaliland ee SNM iyo ciidamadii dawladii faqashta ahayd dagaalo qadhaadhi ku dhexmareen wadada iyo deegaanada ku xeeran, kuwaas oo waxyeelo culus u geystay wadada, isla markaana sabab u noqotay xidhidhtaankeeda.

Jidka Jarato oo dhawr jeer oo hore la isku dayey in wax laga qabto, ayaan suurtogelin. Iyada oo deegaanka ay isku xidhaa yihiin buuroley, waxaanay u samaysan tahay qaabka uu dowga Sheekh u samaysan yahay.

Haddaba iyada oo ay sidaas ahayd xaalada ay mudadaas ku soo sugnayd wadada Jarato, ayaa wakhtigan waxaa lagu guuleystay in dayactir iyo dib u hagaajin ballaadhan lagu sameeyo taas oo durba keentay iany isticmaalaan gaadiidka dadweynaha ee iskaga kala goosha deegaanadaas.

Dib u hagaajinta iyo dayactirka wadada ayaa waxaa markii u horeysay sabab u ahaa oo bilaabay Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil Md Cabdiraxmaan Cartan Geeddi, isaga oo shaqada kaligii dabar adayg ku bilaabay markii hore, waxaana marka uu badhtanka uu marinayo gacan aad u ballaadhan ka geystay kharashka ku baxaya samaynta jidka Maareeyaha Dakedda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed [Cali-xoorxoor] iyo Xoghayaha Fulinta dawlada hoose ee magaalada Berbera oo wakiil ka ahaa maamulka dawlada hoose.


Md Cartan oo isagu noqonaya masuulkii ugu horeeyey ee ku guuleysta wax ka qabashada wadada, isla markaana mudadii ay hawshu socotay ku dhawaad bil ah mar kaliya aan ka dul-dhaqaaqin isaga oo muujiyey adkaysi badan, dareen wadaniyadeed iyo in dadka bina’aadanku waxqabsan karaan, taas oo meesha ka saartay in dadkeenu waxqabad ka sugaan dadyow shisheeye.

Samaynta Jarato ayaa iyadu meesha ka saaraysa dhibaato badan oo soo haysatay mudo ku dhawaad 20 sannadood ah bulshadda ku dhaqan deegaanka ay isku xidho. Iyada oo ay durba dhibtaasi meesha ka baxday oo ay isticmaalayaan gaadiidkii markii hore meelaha fog uga soo wareegi jiray degmooyinkaas, isla markaaha wakhtigan si dhib yar iyo wakhti aad u kooban ku gaadhaya meelahaas.



Dareenka dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi ay ka bixiyeen dib u hagaajinta wadada Jarato.
Dadweynaha ku nool deegaanada kala duwan ee hoos yimaada degmooyinka Mandheera iyo Go’da-weyn, ayaa iyagu dareen aad u fiican iyo farxad aan la soo koobi karin ku qaabilay samaynta wadada, kuwaas oo ay dhibaato aad u ballaadhani ka haysatay ku dhawaad 20 sannadood. Waxaanay mahadnaq aad u ballaadhan u jeediyeen dhammaan masuuliyiintii isku xilqaamay inay wax ka qabtaan dhibtii ka haysatay isticmaalka wadada, waxaanay dadweynahani si gaar ah ugu mahadceliyeen Maareeyaha Wakaalada biyaha Berbera Md Cabdiraxmaan Cartan Geedi oo isagu ahaa masuulkii markii ugu horeysay bilaabay samaynta wadada, waxaanay ku tilmaameen masuulkan nin ka danqaday dhibtii haysatay, iyaga oo sheegay in aanay ilaabi doonin taariikhda waxtarkiisa oo ay ugu qoran yahay baal-dahab ah.



Wadadan ayaa sida aynu hore-ba u soo sheegnay xidhnayd ku dhawaad muddo 20 sannadood ah, ayaa waxaa waxyeelo aad u weyn soo gaadhsiiyey isla markaana sababay in la mari waayo dagaaladii ku dhexmaray ciidankii kaligii taliye Siyaad Barre hogaaminayey iyo mujaahidiintii ururkii SNM ee horseedka u noqday gobonimada ay maanta ku naaloonayso jamhuuriyada Somaliland iyo roobab laxaad leh oo intaas-ba ka da'i jiray..


LA SOCO SAWIRRO KALE OO AAD U QURUX BADAN OO OODWEYNENEWS.COM IDINKA SOO DIYAARIYEY DEEGAANNO KALA DUWAN OO KA TIRSAN GOBOLKA SAAXIL
Khadar Ali Hussein [Shiine]
Oodweynenews.com/Harg/Office