SHEEKH YUUSUF INDHO-CADDE: "Qaraxii Aniga iyo Wasiirrada Dowladda ka tirsan lagu weeraray waxaa ka dambeeyay Ciidanka Dowladda"
Sabti, May 29, 2010 (HOL) − Wasiir u dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxmaed Siyaad (Indho-cadde) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho maanta oo Sabti ah ayaa sheegay in qaraxii miino ee lala beegsaday baabuur ay isaga iyo wasiiro kale wateen ay ka dambeeyeen Ciidamada Dowladda.
Sheekh Yuusuf Indho-cadde wuxuu sheegay in qaraxaas la doonayay in lagu dilo isaga iyo Mas'uuliyiintii kale ee la socday, lagana soo abaabulay Madaxtooyada isagoo sheegay inuusan jirin cid uu ku eedeynayo oo ka tirsan Mas'uuliyiinta sare.
"Qaraxii nalagu weeraray wuxuu ka dhacay meel ay aad u ilaaliyaan ciidamada Dowladda suurogalna ma ahan inay miino dhigeen xoogagga naga soo horjeeda, waxaa ka dambeeyay ciidamada Dowladda, baaritaan ayaana socda" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde.
Wasiir u dowluhu wuxuu sheegay inay ka yimaadeen Madaxtooyada markii qaraxa ay kula kulmeen inta u dhexeysa Hotel Wehliye iyo Dabka, uuna ahaa mid laga hagayay Madaxtooyada, isagoo sheegay inaysan wax khasaare ah kasoo gaarin.
Qaraxan ayaa dhaawacay saddex askari oo ilaalo u ahaa Wasiirrada lagu weeraray ee kala ahaa Sheekh Yuusuf Indho-cadde, C/raxmaan C/shakuur iyo Sheekh Max'ud Garweyne, waxaana ku dhintay laba cunug oo yaryar iyo aabahood oo meel ku dhow qaraxa ku sugnaa.
Xarrakatul Shabaab ayaa iska fogeysay inay lug ku lahayd qaraxaas lagu weeraray Sheekh Yuusuf Indho-cadde iyo wasiirrada la socday, waxaana qaraxan uu burbur gaarsiiyay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen wasiirrada.
which means the other 4 ministers were also killed in the same way.
