Ciidamadii Itoobya

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Ciidamadii Itoobya

Post by SahanGalbeed »

Ciidanka dawlada Itoobiya ayaa si badheedh ah u kaxaystay gawaadhidii ay lahaayeen shacabka reer Buuhoodle,gawaadhidaas oo dhan 17 gaaadhi,iyagoo ula kacay xagaa iyo xeryaha ciidamada Itoobiya.Ilaa iyo hada ma cada meesha ay gawaadhidaas la qabteen,waxaase la filayaa inay ula sii jeedaan xagaa iyo xarunta jig-jiga.


Ciidanka Itoobiyaanka ah oo weli ku sugan magaalada ayaa mar keliya gawaadhidii xerada laga waayey,waxaana dadkii gawaadhidaas lahaa oo filayey in gawaadhidooda loo soo celiyo ay markay saaka tageen xarunta itoobiyaanka loo sheegay in gawaadhidii aanay oolin oo ay sugaan ilaa amar danbe.

Arinkan ayaa yimid kadib markii masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland ay qayb ka noqdeen heshiiskii ay odayaashu la gaadheen Itoobiyaanka,iyadoo la khayaameeyey dadka shacabka ah oo lagu beerlaxawsaday,hadii qoryihii la keeno in gawaadhida la sii deyn doono,arintaas oo aan horey uga dignay inay Itoobiyaanku khayaamo la damacsan yihiin dadka oo aan la aaminin,ayaa maanta la ogaaday arinkaasi inuu ahaa been la rabay in marka hore ay qoryahooda helaan,arintaasoo si shuruud la'aan ah logu fuliyey,iyada oo khayaamadaas ay qayb ka ahaayeen hoos-galada maamulka Puntland ee ka soo jeeda deegaanka.

Xaqiiqdu waxaa weeye saraakiisha Itoobiyaanka aha waxaa hogaaminaya sarkaal soomaali ah oo u dhashay beesha Geri-koonbe,iyada oo dhinaca siyaasadana uu hogaaminayo sarkaal ka soo jeeda Buuhoodle oo u dhasahy magaaladaas,ahna masuulka xaga siyaasada u qaabilsan Itoobiyaanka,waxaana ciidanka Itoobiyaanka ahi u badan yihiin soomaali,iyada oo ciidankaas ay ka mid yihiin qabaa'ilada soomaaliyeed oo dhan,oo ay weliba ugu badan yihiin beesha Daarood,sida Ogaadeen,Geri,Dhulbahante,Majeerteen iyo weliba ay ka mid yihiin ciidamo ka soo jeeda beesha Isaaq.

ILaa iyo hada dhacaas ay geysteen Itoobiyaanku kama aanay hadal maamulada Somaliland iyo Puntland-toona,waxaana arinkaasi keeni karaa,inay mar kale isku dhacaan shacabka iyo ciidanka Itoobiyaanku.

Afnugaal News Desk.
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Ciidamadii Itoobya

Post by Mr_Alfaas »

....what..............

war whats going on ther ...mesha maxa eithopian keenay maanay somaliland aheyn magaaladu.....

war rayaale fulaysana ......mise maamul xumaan idhaahda ayaa haysa...


waxa la gaadhay chanceki rer buuhodle laga dhaa dhicsiin lahaa Somaliland...

cidamada qaran somaliland si degdeg ah ha ula hadlan cidamada ethopia oo soo celiya ha yidhahdan kadib haku wareejiyaan shacabka buuhoodle......

haday sida sameyaan rer buhoodle somaliland ayey wada noqonayan am sure that . :lol:
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Ciidamadii Itoobya

Post by Goljano Lion »

Siduu warku sheegayo Geri-kombo AYAA BILILIQAYSTAY reer Buuhoodleh
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”