TAAGEERAYAAL KUSOO BIIRAY XISBIGA KULMIYE OO SI WAYN LOOGU SOOO DHAWEEYEY MAGALADA OODWAYNE
Oodweyne (HWN) Xafladan soo dhawaynta ee loo sameyeey taageerayaashan ku soo biiray xisbiga kulmiye oo isagu jiray Haween iyo Kooxo dhalin yaro ah, ayaa waxa goob joog ka ahaa Xildhibaan Maxamed xaji yusuf axmed Waabeeyo iyo Masuuliyiin kale oo ka mida Xisbigaasi .
ugu horay waxa munaasibaddda ka hadlay Xildhibaan Maxed Xaaji Yuusuf Waabeeyo sheegayna in taageerayaashani garab wayn siin doonaan Xisbigooda, halka aad Xisibgii aad ka soo baxdeen lumiseen jeex maadama aydun ahaydeen xubno miisaan wayn ku lahaa kaalin aad haduun haleesheen halka ay dantiinu ku jirtay.
Xildhibaan Waabeeyo ayaa sheegay in Oodwayne tahay meelaha uu Kulmiye ka haysto taageerada badan, ayna qorshaha noogu jirto in markaanu talada Dalka ku guulaysano aanu dhisidoono Wadad Oodawayne ee noqotay mashruuca marka Doorashadu soo dhatoo Codka la idinka doono Waabeeyo ayaa intaa ku daray in Xisbiga Kulmiye dhisnaa muddo 7 sano ah intaas ku dhisnaa taageerada dadkiisa waxa kale oo hubaal ah haddi aanu talada dalka ku guulaysano aanu sii jiri doonin Xisibga Udub hal sano waxaa uu taageero ku helaa dhaqaalaha Dalka.
Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku soo koobay reer Oodwaynaw Udub waxay tahay waynu araganay balankeenu waa Xisbiga Kulmiye oo aad Codka sii saan. Waanan hubaa in xafladani saamayn wayn ku yeelanayso Xukuumada iyo Xisibga Udub.
Sidoo kale waxa yaguna halkaa ka hadalay Basra Maxamed Cismaan iyo Saado cali sheegayna inay ka mid ahaayeen Asaasayaasi Xisbiga Udub ayna iminka u soo digarogteen Xisbiga Kulmiye aanu yahay Xisibga maanta isbed samayn kara Taageerayaashan ayaa Carabka ku dhuftay inay Xisbiga Udub ka soo baxeen , ka dib markii uu noqday Xisbi aan wadin Dant a Dadka Reer Oodwayne.
Waxa kale oo yaguna halkaasi Ka hadlay Mr yamaarug iyo Haybe oo ka mid Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye, ugu danbayntaa Xildhibaan Waabeeyo ayaa qalab Isboortis gudoonsiiyay dhalinyaradii ciyaar toyga ahayd ee ku soo biirtay xisbiga Kulmiye.