Siilaanyo Xaraashay gaadhi dawladu lahayd
Posted: Sun May 30, 2010 7:35 pm
Axmed Siilaanyo oo Gaadhii Xukumadu ay Iibisay Markuu Wasiirka ahaa Xaraashay
Written by Qarannews
May 30, 2010 at 10:34 AM
Hargeysa-(Qarannews)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo isla markaana ah Musharaxa jagada madaxtinimada ee Xisbiga Kulmiye ayaa la sheegay inuu Gaadhigii Xukuumadu siisay wakhtigii uu Wasiirka ahaa xukuumadii Cigaal dhawaan uu ka Iibiyay niman Itoobiyan ah oo baabuurta ka baayac mushtareeya.
Guddoomiyaha Kulmiye ayaan la garanayn sababta uu u iibiyay gaadhigii ay Dawladu lahayd iyadoo Xisbiga Kulmiye uu ku eedeeyo Xukuumada talada haysaa inay iibsato Hantida Ummadda
Gaadhigan oo ahaa gaadhi qaali ah, loona iibiyay wakhtigii uu wasiirka Maaliyada ahaa ayay marar badan Saxaafadu wax ka weydiisay Guddoomiyaha Maadaama uu xilka ka tagay sababta uu iskaga wareejin waayay, taasoo ay u arkayeen Sumcada Guddoomiyaha inay u wanaagsanayd, maadaama oo aanay jirin baahi u haysaa, balse wakhtigaasi su'aalahaasi waxay ku abuureen cadho.
Hase yeeshee arrintan ayaa daah furaysa Xisbigiisu haddii uu talada ku guuleysto inaanu Hantida Ummadda badbaadinaynin, iyadoo arrintani dhaawac ku keeni doonta Ololahiisa Doorashada oo inta badan uu ku celceliyo "Hadii aanu talada ku Guulaysano waxaanu ilaalin doonaa Hantida Ummadda ee ay imika Xukuumadda Ina Rayaale maalin walba Xaraashayso"
Gaadhiga uu Guddoomiyuhu iibiyay ayaa ahaa mid uu Ololihii hore ee Doorashada uu ku galay balse intii ka danbaysay wakhtigaas aan isha dadku qaban oo meel lagu xareeyay, balse dhawaan uun laga war helay inuu Iibiyay,taasoo ay Waaheen u xaqiijiyeen Ilo kala duwan oo Xogogaal u ah dhacdadan
Fadeexadan la sheegay inuu Guddoomiayaha Kulmiye ku talaabsaday ayaa waxay ku soo beegantay wakhti ay Doorashadii ka hadhay muddo gaabani, isla markaana waxa ay ku soo beegantay maalmo kadib markii uu Guddoomiyaha Ololaha Dooarashada ee Xisbiga UDUB u soo jeediyay eedo la xidhiidha isticmaalka Biyaha Gurigiisa oo uu sheegay inaanu Bixinin Biilkooda iyadoo inta badana dhibaatada biyo yaraanta eedeeda ay mucaaradku saaraan Xukuumadda, halka ay maamulka Wakaaladduna kaga doodaan inay dhibaato ka haysato dadweynaha oo aan bixinin lacagayowga ay Biyaha ku cabaan iyadoo taasi keento inay iska bixin kari waayaan Dayactirka Mishiinada
Waaheen