X.Aweys should stop copying al-nacasiin
Posted: Mon May 31, 2010 10:45 am
Ururka Xisbul Islaam oo maanta amar ku bixiyay in la xiro Xafiisyada Telefishinka Universal uu ku leeyahay dalka Soomaaliya
Isniin, May 31, 2010 (HOL) − Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta amar ku bixiyay in la xiro dhamaan xafiisyada uu Telefishinka Universal ku leeyahay dalka Soomaaliya, kaddib markii uu sii daayay habeen ka hor sawir-gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed (NNKH).
Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam Macallin Xaashi Maxamed Faarax ayuu ku sheegay in go'aankan uu yahay mid salka ku haya warkii laga sii daayay Telefishinka Universal.
"Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 31-May, 2010 waxaan faraynaa Maamulka Universal TV inay xiraan dhamaan xafiisyada ay ku leeyihiin dalka, gaar ahaan Muqdisho, Hargeysa iyo Puntland, haddii la xiri waayana waxaa laga qaadid doonaan talllaabo cad" ayuu yiri Macallin Xaashi Maxamed Faarax.
Mar la weydiiyay sida ay ugu suurogalayso inay xiraan Xafiisyada Universal ee ku yaalla Somaliland iyo Puntland ayuu sheegay inay ku sugan yihiin dad Muslimiin ah ayna kuwaas xiri doonaan, isagoo sheegay in sidoo kale ay dad u joogaan London.
"Telefishinka Universal wuxuu ahaa mid aan aad u jecel nahay, balse kartoonnadii uu sii daayay awgood ayaa sababtay inaan ku amarno in la xiro Xafiisyadooda ku yaalla Soomaaliya" ayuu yiri isagoo sheegay in maamulka laga doonayo inay towbad dhab ah la yimaadaan.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in haddii la xiri waayo xafiisyadaas ay la beegsan doonaan gaadiid ay ka buuxiyeen walxaha qaraxa, isagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan wariyihii ka tirsan Universal Tv ee dalka iyo dibadda ka dira war.
Agaasimaha guud ee Telefishinka Universal Eng. Axmed Abuubakar oo saxaafadda la hadaly ayaa sheegay inaysan ujeedadoodu ahayn inay aflagaadeeyay Nebi Muxammed (NNKH), balse ay ahayd inay cambaareeyaan wargeyska soo saaray Kartoonnadaas.
See, this is the problem of zoomalia. These two groups are the same in everything, ideology, clothes and how they want to rule zoo-malia yet they are two different powerhungry groups.
If shabab says today wearing yellow socks is haram, X.aweys will come tomorrow with the same verdict however adding something new: wearing yellow and blue socks waa xaraam.