Taageerayaal Ka Soo Diga Rogtay Xisbiga Kulmiye oo Maanta Ku Soo Biiray UDUB oo Xaflad Loogu Sameeyay Magaalada Burco+Wasiiro Xukuumada Ka Tirsan oo Xafladaasi Ka Hadlay+Sawiro
Xisbiga Talada haya ee UDUB ayaa maanta u sameeyay xaflada balaadhan taageerayaal cusub oo ku soo biiray kuawaasi oo ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye.
Xafaladani soo Dhaweynta ah ee maanat loo sameeyay taageerayaashan cusub ee ku soo biiray xisbiga Udub wasiira Dawlaha Arimaha Gudaha,Wasiirka Madaxtooyada,Wasiira Dawlaha Macdanta iyo Biyaha iyo madax sarsare ee xisbiga udub ka tirsan.
Waxaana ugu horayn xafladas ka hadlay gudomiyaha xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer Ayaanle Cismaan waxaanu sheegay in xisbiga UDUB ay taagerayaashan cusubi kala kulmi doonan soo dhawayn balaadhan yahayna xisbigani mid lo simanyahay dhamaan madax iyo mijaba waxaanu beniyay gudomiyuhu warar shegaya inayUDUB ibsato kaadhadhka cod bixinta dorashada madax waynaha ,sidoo kale waxa uu wax laga xishoodo ku tilmamay inay urur sado xisbiga kulmiye dadka aanu xilalaka ka qaadnay kuna timaman buu yidhi dad ka soo diga rogtay xisbiga Talada haya ee UDUB kuwaasi oo huwaya darajooyin aanay ka hayn xisbigan.
Waxa isaguna soo dhawayntan ka hadlay wasirka madaxtoyada Xasan Macalin waxanu sheegay inay aad iyo aad ugu faraxsanyihiin tagerayasha tirade badan ee maanta xisbiga Udub waxaanu ugu hanbalyeeyay wasiirku taageerayaashiisa inuu xisbigoodu u soo diyaarindoono buuga barnaamijka waxqabadkooda kaas oo noqondoona mid dalak horumar gaadhsiinaya.
Waxa kale oo uu sheegay Wasiirku inuu hanbalyo halkanu diraayo dadwaynaha reer somaliland sida fiican ee ay uga qayb qaaten nabad galyada iyo waliba badalada kadhadhka codbixiyayaasha ee lagu copdaynayo doorashada madaxtooyada ee 26june ka dhacaysa dalaka.
Waxaa kale oo isna xafaladan ka hadalay wasiiro Dawlaha Macdanta iyo Biyaha Farxaan Jaamac waxaanu tilamaamay in Xisbiga Udub yahay mid aan dhaj jalaqsi u sii nayn fadeexadaha ay wadeen xisbiyada mucaaridka ahi kuwaasi oo soo dhoodhoobaya waxaan jirin mahara habaabinayana umada reer Somalioland balse waxa uu sheegau Farxaan In dadku ay kala garanayaan qofkuu u danata ah iayaga.
Geesta kale waxaa iyana ka hadalay xafladaasi qaar ka tirsan taageerayaashii cusbaa ee ka soo baxay xisbiga kulmiye kuwaasi oo tilmaamay inay maanta uun soo galeen xisbigay onta badan doondoonayeen oo ah Xisbiga talada haya ee UDUB kaas oo mid aaan cid gaari lahayn balse waxay ku tilmaameen xisbiga kulmiye inuu yahay mid u gaara dad tirasn waa siday hadalalkooda u dhigeene.
Taageerayaashan cusub ayaa soo bandhigay kaadhadhkoodii aqoonsiga ee ka mid haanshaha xisbiga kulmiye taas oo isla goobtaasba ay ku wareejiyeem madaxda UDUB kamna codsadeen inay u soo sameeyaan kaadhadh cusub.
Ugu danbayntiina waxaa xaflaadaasi ka hadalay Xubno badan oo ka tirsan xisbiga talada haya ee UDUB heer Gobol iyo Heer Qaranba waxaanay dhamaantoodba soo dhaweeyeen taageerayaashan cusub eek u soo biiray kuwaasi oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwo aakhirkii garaty cid dalaka iyo dadkaba u danta ah.
Maaha markii ugu horayasay ee taageerayaak intaasi leega ay ku soo biiraan xisbiga UDUB balse xafaladan maanta ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee maamulka xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer ay qabtaan tan iyo waqtigii ay gudiga Komiishanka Doorashooyinku ay ku dhwaaqeen xilga Ololaha Doorashada Madaxtooyada oo dalka ka bilaabmayasa maalinta khamiista ee inagu soo foolka leh.
Maxamed Cawed Maxamed
Oodweyne News/Burco Office
E-mail:cawad05@hotmail.com
taageerayaal hore uu taageeri jirey Kulmiye oo UDub so galay
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: taageerayaal hore uu taageeri jirey Kulmiye oo UDub so g




bohol hadu silanyo baddiyo ha ku biirin uun koonfurianska please

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 227 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 1 Replies
- 325 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 5 Replies
- 1414 Views
-
Last post by kanadiid90
-
- 0 Replies
- 345 Views
-
Last post by Abdi-Samatar
-
- 12 Replies
- 645 Views
-
Last post by salafi_student
-
- 2 Replies
- 443 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 1 Replies
- 351 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 45 Replies
- 1611 Views
-
Last post by Awe
-
- 7 Replies
- 518 Views
-
Last post by fagash_killer