
London Shirkii ay isugu yimaadeen wadanka Ingiriiska Beel ka tirsan beelaha dega Gobolada dhexe ayey ku dhawaaqeen iney sameeynayaan maamul goboleed la magacbaxey Maamulka Gobolada bartamaha ee Soomaaliya.
Wareysi uusiiyey VOA Mohamed Xaashi Cabdi oo ah madaxa gudiga loosaarey ineysoo dhisaan maamulka ayaa sheegey la sameeyey gudi kakooban 57 xubnood oo kasoo shaqeeya dhismaha maamulka.
Wuxuu kaloo sheegey in dhulka maamulka loosameynayo uu yahey dhulka ay beeshu ka degto Gobolada dhexe oo dhan sida kuwa hada beeshu degantahey iyo kuwo kale oo beeshu deegaan ahaan u leedahey balse gacantooda hada ka maqan oo kamid ah Gobolada Bartamaha Soomaaliya.
Mohamed Xaashi Cabdi mar waxlaga waydiiyey goobaha uu maamulkaan ka jiri doono wuxuu yiri "Way badanyihiin sida Dhuusamaree.dhabad,balanbale,Galinsoor,Caabudwaaq,Xeraale iyo dhamaan deegaanadaas oo dhan oo beesha deegaan ahaan u laheyd xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya(Dowladii Maxamed Siyaad Bare)".
Maxamed Xaashi Cabdi oo ah afhayeenka Gudiga loo xilsaarey ineysameeyaan Maamulkaan wuxuu kaloo sheegey iney Beeshu sameyneyso maamulkaan oo noqondoona sida maamulka Puntland oo kale.
Another provocative act

Yes to Ahlusunnah Maamul , no to baboon maamul
