Beesha Reer Shirdoon - Sacad Muse again supports UDUB
Posted: Wed Jun 02, 2010 11:03 am
Xisbiga UDUB oo Xaflad Balaadhan U Sameeyay Boqolaal Ka Mid Ah Taageereyaashooda Magaalada Hargeysa
(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 02, 2010

Hargeysa(HWN)- Xaflad balaadhan oo lagu xoojinayay taageerada xisbiga UDUB ayaa maanta lagu qabtay oo lagu qabtay Barxada Huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Boqolaal qof oo ka mid ah taageereyaasha xisbiga UDUB gaar ahaan Beesha Reer Shirdoon oo ka mid ah beelaha Galbeedka Hargeysa.
Huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa. Waxaanay sheegeen inay waligood ahaayeen xisbiga UDUB balse ay dhawaan koox yar oo beeshaasi ka soo jeedaa ay ku biireen xisbiga KULMIYE.
Xafladaasi waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi gelinta Md. Axmed X. Daahir Cilmi, Guddoomiyaha olalaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo lagu qabtay Barxada Huteelka dhexdiisa waxa ka soo qeyb galay Boqolaal qof oo ka mid ah taageereyaasha xisbiga UDUB gaar ahaan Beesha Reer Shirdoon oo ka mid ah beelaha Galbeedka Hargeysa.
Guddoomiyaha olalaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay taageereyaashaasi xisbigiisa waxaanu tilmaamay in beesha reer Shirdoon ay hore u ahaayeen xisbiga UDUB oo ay ka soo saareen Xildhibaan C/Kariim Aw- Cali Shabeel doorashadii Golaha Wakiilada.
“Waxaan leeyahay beeshan go’aankeedu waa mid waxaanay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin xisbiga UDUB hase yeeshee waxaan maqlayay in rag ka soo jeeda beeshan oo faro ku tiris ahi ay ku biireen xisbiga Ardaaga KULMIYE, anagu waxaan xisbigaasi u aqaanaa xisbi reer oo ay siyaasadiisu tahay mid ku salaysan qabyaalad iyo kala fogaynta shacbiga Somaliland,”ayuu yidhi Cismaan Hindi.
Cismaan Hindi wuxuu taageereyaasha xisbiga UDUB ugu baaqay inay maalinta barri si weyn ugu soo baxaan olalaha doorashada madaxtooyada oo si rasmi ah u bilaabmaya khamiista isla markaana lagu furayo xisbiga UDUB.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay beesha reer Shirdoon oo uu tilmaamay inay muujiyeen go’aankooda la xidhiidha taageerada xisbiga UDUB.
Wasiirku wuxuu sheegay in beeshu ay beenisay inay ku biirtay xisbiga KULMIYE waxaanu shacbiga ugu baaqay inay u diyaargaroobaan doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoomaysa 26-ka bisha June.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Hadhwanaag News/Hargeysa