Ceerigaabo:Taageerayaal Cusub oo Kusoo Biiray Xisbiiga Ucid

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Ceerigaabo:Taageerayaal Cusub oo Kusoo Biiray Xisbiiga Ucid

Post by Siciid85 »

Ceerigaabo:Taageerayaal Cusub oo Kusoo Biiray Ucid iyo Furitaanka Laanta 43-aad.


Ceerigaabo(Oodweynenews)- Munaasibad si weyn loo soo agaasimey oo ay soo abaabuleen madaxda xisbiga Ucid heer gobol iyo degmoba lagun qabtay magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa waxa halkaas si weyn loogu soo dhoweeyey taageerayaal aad u tiro badan islamarkaasna muuqaalkoodu ahaa kuwo aqoonyahan dhallinyaro u badan oo bilicsan kuwaas oo sida ay halkaas ka sheegeen kaddib markii ay isweydiiyeen mustaqbalka dhallinyarada Somaliland iyo samata-bixinta maammul ee gobolka Sanaag .

Sidoo kalena waxa halkaas (C/gaabo) manta laga furay laantii 43-aad ee xisbigan Ucid oo ah tii ugu ballaadhnayd inta la ogyahay laamaha axsaabta ee ka jira Ceerigaabo.

Waxa hadal dheer oo siyaasiyan iyo nolosha bulshadaba wax weyn ka taabanay halkaas ka yidhi guddoomiyaha Ucid ee gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur waxana hadalladiisii ka mid ahaa“Xafladdan ballaadhan ee xisbigan Ucid soo abaabuley oo aynu ku gunaanadayno geeddi socodkii dheeraa ee aynu soo wadney ka hor inta aanu bilaaban ololaha axsaabta qaranka oo xisbigan Ucid leeyahay maaliinta Sabtida ee innaku soo fool leh Xafladdani waa xafladdii lagu furyey xafiiskii 43-aad ee xisbigan Ucid islamarkaasna lagu soo dhowaynayey taageeerayaalkii ugu qiimaha badnaa ee dhallinyarada haweenka iyo waayeelkaba lahaa ee go’aansday in ay kusoo biiraan xisbigan”.


Image




Isagoo hadalkiisa sii watana guddoomiyaha Ucid gobolka Sanaag wuxu yidhi “Runtii xisbigan dadka taageersan waad aragtaan jawigooda qurxoon oo aad moodayso dad si gaar ah loo soo soocay xisbiganna waxa ugu weyn ee lagu dooranayaa waa diinta oo calaamaddiisa ku taalla wax ka qiimo weynina aanay jirin labada xisbi ee kalena calaamadohooda waad aragtaan in ay circa iyo dhulka oo kale isu jiraan waxa kaloo calaamaddiisa ku yaalla miisaanka oo caddaaladdii u taagan iyo wank badhida weyn oo dhaqaalaha ka turjumaya”.

“Sida xisbigan calaamaddiisu uga duwan tahay axsaabta kale ayaa barnaamijkiisa oo ka kooban 84 bog oo horena aannu u qaybinay imminkana qaybin doonno uu uga duwan yahay axsaabta kale maantana labada xisbi-mucaarad ee lakala dooranayo waa Ucid iyo Kulmiye markaa barnaamajyadooda ayaa lagu kala dooranayaa innakana barnaamijkeennu waa mid ku salaysan caafimaadka waxbarashada biyo la’aanta waddo la’aanta iyo dhammaan baahiyaadka nolosha aasaasigeenna ah waxaynuna u diyaargaroobaynaa maalinta sabtida iyo bannaan bexeenna xisbiga Ucid oo laysugu iman doono xarunta guud ee xisbigan Ucid halkaas ayaynuna awooddeenna ka muujinaynaa”.

Isagoo ugu danbayn ka hadlaya ku biiritaanka bulshadu inta badan kula dhaqanto axsaabta ee magac ahaan beelaha ku salaysanna wuxu yidhi

“Xisbigani dhaqan uma laha beel heblaayo ayaa soo gashay iyo beel heblayo ayaa ka baxday markaa ballanteennu waa caddaalad Ilaahayna barwaaqada haynoo siyaadiyo wyo waynu aragnaa foolxumada kala daadsanaanta iyo qabyaaladda manta ka muuqata xukuumadda iyo xisbigeeda Udub markaa taas in aynu la wadno looma baahna laakiin isku duubni iyo caddaalad iyo nabadgelyada oo aynu ilaashanno doorashadana qaybteenna ka qaadanno ayaa innoo ballan ah”.


Image


Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xubno xisbiga Ucid ka tirsan oo si weyn ugu hanbalyeeyey taageerayaalkooda cuusb ee kusoo biiray iyo weliba xubno ka mid ah taageerayaalka cusub oo iyaguna sheegay in ay kalsoonidooda iyo talo midaysan ku go’aansadeen ku biiridda iyo taageeradooda xisbigan Ucid.

Dhinaca kalena arrintn ayaa u muuqata in ay qayb ka tahay is-abaabulka axsaabta qaranka iyo kala jiidashada bulshada wax ku oolka ah eek u waajahan ololaha iyo doorashada foodda innaku soo haya.

Ceerigaabo

Oodweynenews.com
:sland: :sland:
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Ceerigaabo:Taageerayaal Cusub oo Kusoo Biiray Xisbiiga U

Post by Somalistan »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”