lool look at this liers

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

lool look at this liers

Post by abdisamad3 »

Markii ay midowga Africa beeniyeen sida ay wax uga jiraan in gaadiid dagaal oo ay lahaayeen lugu gubay dagaaladii khamiistii todobaadkan (03- June- 010), ka dhacay caasumada Soomaaliya, ayay qaar ka mid ah Warbaahinta caalamiga ah iyo Xarakada Shabaab ay soo bandhigeen gaadiidkan Sawiradooda iyo Saxaafada oo la tusay.
Al- Shabaab ayaa wariyaal ka tirsan saxaafada caalamiga ah ee Soomaaliya, waxa ay geeyeen qeybo ka mid ah goobihii ay ka dhaceen dagaaladu, oo lugu arkayay gaadiid kala gedisan oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM, taasoo ay cadeyn unoqotey markii ay si bayaan ah usoo muuqdeen calaamadaha gaadiidka Midowga Africa.

Sidoo kale Al- Shabaab ayaa soo bandhigay gaadiidkan oo gubanaya sawiro laga qaaday, waxa ayna arrintan waji gabax ku noqotey Saraakiisha Midowga Africa iyo dawladda KMG ah ee Soomaaliya, oo shalay sheegay in aysan waxba ka jirin in laga gubay gaadiid dagaal oo ay lahaayeen.

Xubnaha Al- Shabaab ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgaladan, ay uga hortagayaan ciidamada AMISOM iyo dawladda KMG ah ee Soomaaliya, waxa ayna tibaxeen in aysan dagaalada joojin doonin ilaa Shareecada Islaamka lugu dhaqo guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan.

Sawirada la helay ayaa muujinaya Askarta Al- Shabaab oo gubaya gaadiidkan oo ka kooban 4 baabuur, oo kala ah 3 ah gaadiidka dagaalkaoo ay qoryo saran yihiin iyo mid ka mid ah gaadiidka wadooyinka fura ama CAGO-CAGAF, waxaana sidoo kale ka soo muuqday sawirka askarta Al- Shabaab oo aad ugu faraxsan talaabadan.

Midowga Africa ciidamada ka jooga caasumada Soomaaliya, ee ilaalada ka haya xarumaha dawladda KMG ah ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey qeyb ka ahaa dagaalada qaraar ee ka jira magaalada Muqdisho, waana markii labaad oo la helo gaadiid ay leeyihiin AMISOM oo la gubo.
I guess the stupid fufu's wont admit jabka loo geeystay even when clear evidence is presented.. :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”