Maamulkii Xisbul Islaam ee degmada Jalalaqsi oo ku biiray Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Sabti, 5, Jun, 2010 (HOL) Maamulkii degmada Jalalaqsi ee Ururka Xisbul Islaam ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay shaaca ka qaaday in ay ku biireen Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab kadib kulan meel fagaaro si wada jir ah ay ugu qabteen Guddoomiyaha Goballka Hiiraan eeXarrakada Al-shabaab Shiikh Yuusuf Cali Ugaas iyo Guddoomiyihii Xisbul Islaam ee degmada Jalalaqsi Shiikh Cali.
Sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyihii Xisbul Islaam ee degmadaJalalaqsi Shiikh Cali isku biiristan ayaa timid kadib kulamo is daba jooga ah oo ay wada qaateen Saraakiisha ugu sareysa Al-shabaab iyo Xubnahii ka joogay Xisbul Islaam degmada Jalalaqsi, waxaana uu intaa ku darray in wixii hadda ka danbeeyay Maamulka degmada Jalalaqsi yahay mid hoostaga Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Shiikh Yuusuf Cali Ugaas Guddoomiyaha Xarrakada Al-shabaab ee GoballkaHiiraan oo dhinaciisa Warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaan go'aanka ay qaateen Mas'uuliyiinta degmada Jalalaqsi, waxaana uu intaa ku darray in in wixii hadda ka danbeeyay ay wada shaqeyn doonaan Maamulka degmada Jalalaqsi iyo Mas'uuliyiinta horkaceysa.
Isku biiristan dhaxmartay Maamulkii Xisbul Islaam ee degmada Jalalaqsi iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa ka dhigan in hadda Maamulka Xisbul Islaam uu ku soo haray oo kaliya Degmada Baledweyne, islamarkaana Shabaab-ku Maamulaan dhamaan Goballka intiisa kale, ilaa haddana ma'jiro wax war ah oo ay arinta ka soo saareen Mas'uuliyiinta Xisbul Islaam ee ku sugan Magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Xisbul Islam gives full support to Shabab
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 21 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 0 Replies
- 3 Views
-
Last post by Kanada
-
- 6 Replies
- 687 Views
-
Last post by Xaaji_Waraabe-
-
- 0 Replies
- 9 Views
-
Last post by Jam Street
-
- 5 Replies
- 873 Views
-
Last post by ModerateMuslim
-
- 144 Replies
- 8960 Views
-
Last post by abdalla11
-
- 0 Replies
- 5 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 1 Replies
- 557 Views
-
Last post by muslim-man
-
- 16 Replies
- 980 Views
-
Last post by Murax
-
- 3 Replies
- 592 Views
-
Last post by Kanada