Isu soo-baxa Maalinta 1-aad Taageerayaasha UCID ee Ceerigabo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Isu soo-baxa Maalinta 1-aad Taageerayaasha UCID ee Ceerigabo

Post by Siciid85 »

CEERIGOOBO(OODWEYNENEWS)- Waxa maalintoodii 1-aad fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo isugu soo baxay taageerayaalka xisbiga Uicd oo aad u tiro badan.


Fagaarahan laysugu soo bxay oo ay ka muuqanaysey jawi nabdoon iyo xasillooni ayaa waxa taageerayalka kala qayb galay guddoomiyaha xisbiga Ucid ee gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur iyo xubno kale oo xisbigan ka tirsan oo isugu jira heerar kala duwan.

Image


“Xisbigeenna halku dheggiisu waa nabadgelyada iyo tacliinta oo midkoodna la’aantiis aanay dhallinyaradu ka maarmi Karin ama horumar samayn karin markaa waxan idinkula dardaarmayaa in aad taageerada codkiinna siisaan Ucid”. Sidaas waxa yidhi guddoomiye-xigeenka guud ee garabbada dhallinyarada xisbiga Ucid Mubaarik Axmed Saalax.


“Maalinba xukunka cid baa haysee manta idinka gacantiinnuu ku jiraaye gacantiinna haysku gawricina codkiinnana siiya xisbiga caddaaladda iyo sinnaanta ee Ucid iyo madaxweynaha xisbigan Feysal Cali Waraabe”. Sidaas waxa yidhi Saalax Barre oo isaguna fagaarahaas ka hadlay.



Image


“Xisbigani waa xisbiga sida aad ku maqlayseen barnaamijkiis waxqabad u adeegaya aqoonta caddaladda iyo daryeelka bulshadeenna codkiinnuna waa waraaqaha/kaadhadhka guryaha iyo shendedeheenna ku jiree isaga aynu dooranno”. Sidaas waxa tidhi guddoomisada garabka haweenka Ucid ee gobolka Sanaag.


Image


Guddoomiyaha Ucid ee gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur oo ugu danbayn fagaarahaas hadal kooban ka yidhi ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa
Ad iyo aad ayaan idiinkaga mahad celinayaa sedan ballaadhan ee aad isugu soo baxdeen una muujiseen dareenkiinna iyo shucuurtiinna ku waajahan taageerada xisbigan Ucid”. “Waxan kaloo idiin sheegayaa labada xisbi ee kale midkoodna kan kale wax uma oggola laakiin labaduba innaga (Ucid) waa oggolyihiin markaa waxan rajaynayaa in aynu kuu guulaysanayno doorashada madaxweynaha ee innaku soo fool leh”. “Mabda’eennuna waa in aynu wanaagga xaqa iyo caddaaladda ka shaqayno waxana la gaadhey xilligii caddaaladda iyo daryeelku shaqayn lahaayeen qolyaha walaalaheen ee la qaldayna warkeenna gaadhsiiya”.


Image



Intaas kaddibna dadweynihii taageerayaalka Ucid ee fagaarahaas ka dareeray iyagoo isku duuban oo ay weheliyaan baabuur ta yar yar islamarkaasna ruxaya calaamadaha/boodhahdhka halku-dhegyada iyo sawirrada ladaba murashax ee xisbigan waxay socod ku mareen dhammaan suuqyada ,agaalada Ceerigaabo iyagoo markii danbena isugu tegey xarunta guud Ucid ee magalad Ceerigaabo kaddibna lan iyo qayb waliba si deggan goobohoodii ugu dhaqaaqeen.


Weriiye-Darwiish

Oodweynenews.com/ Ceerigaabo
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Isu soo-baxa Maalinta 1-aad Taageerayaasha UCID ee Ceeri

Post by Siciid85 »

Mashallah UCID this elections has a good support everywhere. :up: :sland:
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Isu soo-baxa Maalinta 1-aad Taageerayaasha UCID ee Ceeri

Post by Bohol iyo karaman »

Ceelafweyn Degaanka ku xeeran iyo isusoo bixii manta

kumaanaan Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee Degaanka Ceelafweyn ayaa siwayn isugu soo baxay manta haseeyeeshee taageerayaashas ba gebi ahaan baa ahaa Sacad Yoonis soocla. Beesha Sacad Yoonis ayaa uu qaybsan labada xisbi ee kala ah UDUB iyo UCID marka lagaa reebo labaa jilib oo yaryar oo ka tirsan Beesha s/Yoonis oo uu hugaaminaayo shaqsilagu magcaabo Bukhaari oo uu ololaynaayaa xisbiga Kulmiye, Bukhaari oo hore uga tirsanaa Xisbiga UCID ayaa doorbiday in uu qaato shilimo lacag ah oo dhulkaa loogu daadiyeey.

Dhanka kale xisbiga Udub ay 70% beelaha Reer Ceelafweyn Taageersanyihiin Idarays, Reer Barkad , Boho iyo Axmed Farax.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Isu soo-baxa Maalinta 1-aad Taageerayaasha UCID ee Ceeri

Post by Siciid85 »

Bohol, gartay what about Oog? are they for UDUB or UCID or mainly divided between those two?
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Isu soo-baxa Maalinta 1-aad Taageerayaasha UCID ee Ceeri

Post by Bohol iyo karaman »

Sacad Yoonis Bohol, OOg, Xudun, Garadag iyo Degaanka Ku xeerani 80% wa Ucid
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Isu soo-baxa Maalinta 1-aad Taageerayaasha UCID ee Ceeri

Post by Siciid85 »

Gartay sxb, this time Sacad Yoonis should come out with good politicians not a nacas like bukhari, but Omaane of the somaliland supreme court seems better, but Abdiqadir Askar of UCID must be even better.
Last edited by Siciid85 on Sat Jun 05, 2010 7:46 pm, edited 3 times in total.
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Isu soo-baxa Maalinta 1-aad Taageerayaasha UCID ee Ceeri

Post by Bohol iyo karaman »

waar oomane iyo bukhaari ismaa dhaamaan waa labaa dameer cidiinaa maa taageerto, siyaasad markay noqoto reerka hal ninbaa ugu taageero badan his name C/qaadir Askar UCID
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Isu soo-baxa Maalinta 1-aad Taageerayaasha UCID ee Ceeri

Post by Siciid85 »

Gartay, so i guess most of beesha in Sool are with UCID with Abdiqadir Askar Xassan leading it.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”