Shirweynaha Beesha Garaad Cabdalle Ee Ingiriiska Oo Ka Dhici

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Shirweynaha Beesha Garaad Cabdalle Ee Ingiriiska Oo Ka Dhici

Post by oldenglish »

OGEYSIIS: Shirweynaha Beesha Garaad Cabdalle Ee Ingiriiska Oo Ka Dhici Doona Magaalada London



LONDON(SP): Waxaa Dhamaan la Ogaysiinayaa Jaaliyada Beesha Garaad Cabdalle Ee ku Dhaqan Carigan Ingiriiska inay kasoo qayb galaan shirweyne ay beeshu ku yeelan doonto magaalda London, Shirkaas oo la qaban doono maalinta Sabtida ee Fooda inagu soo haysa Ee Taariikhdu tahay 05/06/2010.



Hadaba Dhamaan qaybaha kala duwan Ee Jaaliyda Beesha Garaad Cabdalle waxaa laga codsanayaa inay kasoo qayb galaan shirkan oo lagu lafaguri doono isku xidhka guud ee Beesha iyo sidii wax looga qaban lahaa degaanada gaar’ahaaneed Ee Beeshu degto dhinacyada adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada Sida:- Waxbarashada, Caafimaadka iyo ka warhaynta dadka danyarta ah iyo sidii loo gaadhsiin lahaa taakulayn.



Waxaa mar labaad lagu adkaynayaa Jaaliyada Beesha Garaad Cabdalle ee Kusugan Britain inay kasoo Qayb galaan shirkaas, isla markaasna ay usoo lumiyaan wakhtigooda qaaliga ah danta guud ee Beeshooda.



Waa sidatan Hoos Ku Qoran barta kulanka Ee Shriweynaha Beesha Garaad Cabdalle Ka dhici doono Ee Kasoo Qayb Gal Wanaagsan



Goobta Shirku Ka dhici Doono:



78 White City Close



London W12 7EA



Maalinta: 05/06/2010



Saacada: 14:30 - 20.00 Galabnimo



Qaban Qaabiyayaasha Shirka:



Mahamed Mohamoud Ali Bileh ( M. Godane)



Yusuf Ali Fanax



Mahamed Abdillaahi Qabalan







kala xidhiidh Telephone kan hoos ku qoran waxii tafaasiil dheeraad ah ee ku saabsan amuuraha shirkaas.



Tel: 0044 7949564381







Sanaagpost News Desk/London
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”