Wararkii Wargeyska OGAAL, Cadadkii Axada, 06/06/10

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Wararkii Wargeyska OGAAL, Cadadkii Axada, 06/06/10

Post by Siciid85 »

Eng. Faysal Cali Waraabe oo baaq u diray reer Buuhoodle



Isu-soo-baxyadii taageerayaasha UCID oo ruxay magaalooyinka Somaliland



“Itoobiya laba arrimood isku heli mayso, Jabuutina waxaan leeyahay….” Murashaxa UCID



“UDUB way saqiirtay oo ka hadli maayo, balse labada xisbi Mucaarid waxaad ku kala dooranaysaan…” Aadan Mire Waqaf



Burco 06, June 2010 (Ogaal)- Taageerayaasha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa shalay isu-soo-baxyo balaadhan ka dhigay magaalooyinka waawayn iyo degmooyinka dalka.



Isu-soo-baxaas oo qayb ka ah ololaha doorashada Madaxtinimada oo xisbiga UCID shalay maalintiisii koowaad u dabaal-degay, waxay taageerayaashu ku muujiyeen cududooda iyo taageerada ay u hayaan xisbigaas.



Burco:



Murashaxa jagada Madaxweynenimo ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa khudbad u jeediyay kumanaan ka mid ah taageerayaashiisa ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.



Fagaaraha Burco oo ay hadalo ka jeediyeen xubno ka tirsan hoggaanka UCID, waxay taageerayaashooda uga warameen barnaamijyada ay dalka ku hagi doonaan haddii ay qabtaan talada dalka. “Walalayaal, waxa mihiim ah in aynu taariikhda dib u milicsano, 26 June waxaynu u dabaal-degaynaa 50 sanno guuradii ka soo wareegtay markaynu xornimada ka qaadanay Ingiriiska, kontonkaa sannona wax inaga dhaca mooyee wax inoo kordhay may jirin, waxaana sababay hogaanka oo inaga xumaday,” ayuu yidhi Murashaxa UCID. Wuxuuna ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland tan iyo 1960-kii. “Anagu UCID ahaan waxa aanu nahay iyadoo la leeyahay shir Beeled hala qabto raggii diiday qabyalada ee Xisbigi u horeeyay fura oo UCID ah, maantana waxa aanu wadnaa Kitaabka iyo in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka. Maxkamadda dalka waxa aanu dhigaynaa Kitaabka Quraanka ah, waxaanuna Maxkamadaha fadhisinaynaa Culimada waaweyn ee dalka haddi aanu talada dalka ku guulaysano ma arki doontan Madaxweyne iyo qof shicib ah oo isku haysta neef Adhiya, ma jirayso Maxjar dambe oo dadka lagu dhaco, ma jiri doonto TOTAL dambe iyo ganacsi kooto la galiyaa. Waxanu dalka ka dhigaynaa mid loo siman yahay iyo cadaalad ku wada noolasho iyo in aanu ka shaqayno horumarka dalka,” ayuu raaciyay. Wuxuuna taageerayaasha Togdheer ka codsaday in si isbedelkaa loo hirgeliyo la taageero xisbiga UCID.



Murashaxa UCID waxa uu baaq u jeediyay bulshada ku dhaqan degmada Buuhoodle iyo dawladdaha jaarka la ah Somaliland. “Reer Buuhoodle waxa aanu u fidinaynaa gacan walaalnimo iyo wadahadal ee ma doonayno dagaal. Somaliland ma kala go’i karto, markaa walaalayaal gacan wanaagsan baanu idiin soo fidinaynaa wixii aad tabanaysaan waynu wada dhamaynaynaa. Laakiin, Somaliland uma baahna dhiig dambe, uma baahna dagaal dambe, waxaana inoo cibaaro ah waxa ka socda Xamar. Dawladaha jaaraanka ah waxa aan leeyahay Jabuuti waxaanu leenahay waanu idiin soo halganay oo idiin dhimanay ee iska daaya koruboodada aad Soomaaliya ugu boodaysaan. Waxaan leeyahay, Somaliland way jiraysaa ee imaansada oo dhawra wada noolaanshaha iyo walaaltinimada. Itoobiya waxa aan leeyahay laba isku helimaysaan, in wixiinu si fudud dalkayaga u soo galaan, waxa dalkayaguna kootarabaan noqdaan, haddii aanu talada qabano arrintaa waanu kala hadlaynaa dawladda Itoobiya, anagoo dhawrayna jaar wanaaga,” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID. Wuxuuna intaa ku daray, in xisbi ahaan ay doonayaan in Itoobiya qaataan Milixda iyo Kalluunka Somaliland.



Murashaxa UCID waxa uu sheegay in maalintooda labaad oo ku beegan 8-da bisha, in aanay qaban doonin isu-soo-baxa ololaha, isla markaana kharashka maalintaas ku baxaya ay ku caawin doonaan Carruurta Agoomaha iyo Bukaan-jiifka Cusbataalada.



Waxa uu balanqaaday in haddii ay talada qabtaan ay wax ka qaban doonaan adeegyada bulshada oo uu sheegay inay dayacan yihiin, wuxuuna sheegay in waxbarashada ilaa heer dugsiga Sare ay bilaash ka dhigi doonaan.



Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in haddii ay talada qabtaan ay jaar wanaag kula noolaan doonaan Koonfurta Soomaaliya oo uu sheegay in aanay Somaliland dib ula midoobi doonin. "Dawladda Soomaaliya ee aynu walaalaha nahay , daris-wanaagsan ayaynu ka dhiganaynaa, laakin Soomaliland laba u dulqaadan mayso mar dambe UDUB ma dooran doonto waana ka mamnuuc, dadka reer Somalilandna mar dambe Xamar ku noqonmayso oo waa inaga xaaraan,” ayuu raaciyay. “Reer Burcow qabiilkiinu waa reer Togdheer, waxa laydinka doonayaa isku duubni iyo wadajir. Markaa waxaanu idiin wadnaa hadaanu nahay xisbiga UCID isbedel dhab ah iyo barnaamijka xisbiga ee aad aragteen oo aanu sidiisa u fulinayno. Sidaa awgeed, waxaan idiin sheegayaa UDUB way saqiirtay oo ka hadli mayo, balse labada xisbi Mucaarid waxaad ku kala dooranaysaan barnaamijkooda siyaasadeed iyo dadka ku jira. Xisbiga cadaalada iyo daryeelku maanta waxa uu idiin wadaa barnaamij aanu doonayno inaad ku doorataan, kaasoo aanu isbedel ku keeno. Waxaanu idiin wadnaa dad cusub oo musharixiin ah oo uu kaw ka yahay Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo ku-xigeenkiisa Dr. Maxamed-Rashiid iyo rakaabka ay soo wadaan ee wasiirada noqonaya,” sidaana waxa yidhi guddoomiye kuxigeenka UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo isna hadal ka jeediyay fagaarahaas.



Waxa kale oo iyana halkaas ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Burco, ahna Xoghayaha Beeraha UCID Prof. Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale, guddoomiyaha gobolka Togdheer ee UCID Cusmaan Ibraahim Nuur, Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, Axmed Xuseen Fagfagaash iyo masuuliyiin kale.



Isu-soo-baxii UCID ee Hargeysa:



Taageerayaashii ugu badnaa oo isugu yimi fagaaraha Beerta Xorriyada, waxa hadalo ka jeediyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbigaas oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Murashaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, Madaxa ololaha doorashada Madaxtooyada UCID, Xildhibaano golaha Wakiillada ka tirsan iyo masuuliyiin kale. “Waxa ay maanta (shalay) ugu horaysaa maalintii xisbiga UCID loo qorsheeyey, waana maalintii ololihiisa la xidhiidha doorashada Madaxweyenimada ee ugu horaysay, waa maalin taariikh leh. Waxaa kaloo maalintani tahay maalintii xabsiga Mandheera laga jebiyey ee laga sii daayay dadkii xaqdarada ku xidhnaa ee 5-tii June 1983-kii,” ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne kuxigeenka UCID.



Waxa uu ku dheeraaday barnaamijka hogaamineed ee xisbiga UCID iyo sida loogu baahan yahay in bulshadu uga fiirsato masiirkeeda, wuxuuna ka codsaday inay garab istaagaan xisbigaas. “Xisbi UCID waxa uu dhisi doonaa dawlad kooban oo tayo leh, annaga oo ka turjumayna rabitaanka shacabka, waxa aanu goo’aansanay inaanay tirada Wasiiradu ka badan 18 Wasiir. Xisbiga UCID waxa uu si aqooni ku dheehan tahay ku maamuli doonaa xilliga kala-guurta ah haddii ilaahay nagu guuleeyo doorashada. 12 maalmood ee ugu horeeya waxa aanu qabanaynaa laba arrimood oo muhiim ah oo ay isu imanayaan aqoonyahanka wax-garadka Somaliland oo aanu u soo bandhigi doonoo barnaamijkayaga wax-qabad. Waxa kale oo aanu qabanaynaa shirka kale oo muhiim ah oo aanu ku casuumayno baayac-mushteriga Somaliland, kuwa Soomaaliyeed iyo Ajanabi kasta oo doonaya inay wadanka maal-gashato,” ayuu raaciyay.



Dr. Maxamed-Rashiid waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay muhiimad gaar ah siinayaan dhalinyarada iyo Haweenka, si ay uga qaybqaataan talada dalkooda.



Guddoomiyaha ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga UCID Saleebaan Daahir Cabdilaahi oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu taageerayaashaa uga mahadceliyay siday ugu soo baxeen xisbiga, una muujiyeen taageerada ay u hayaan. “Dadlka Somaliland isbedel uun uma baahnee, waxa uu u baahan yahay badbaado oo meel halis ah yaynu maraynaa, idinka ayaana badbaadin karaya,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.



Xildhibaan Cabdiraxmaan Cusmaan Caalin oo isna hadal kooban ka jeediyay isu-soo-baxaas, waxa uu dadweynahaa ku booriyay inay taageeraan xisbiga UCID, si loo hirgeliyo himilooyinka horumarka dalka.



Gebo-gebo:



Dhinaca kale, isu-soo-baxyo la xidhiidha ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga UCID, ayaa shalay ka dhacay magaalooyinka Ceerigaabo, Boorama, Berbera, Gabiley iyo Wajaale.



Dibad-baxa Boorama oo kumanaan taageerayaal ahi isugu soo baxeen, waxa hadalo ka jeediyay Afhayeenka xisbiga UCID Xasan Xuseen Codyare iyo masuuliyiinta xisbigaas ee gobolka Awdal, kuwaasoo dadweynaha ku dhiirigeliyay inay taageeraan xisbigaas.



Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Muuse Xaaji Muxumed Guulleed (Inji), ayaa isna shalay dadweynaha ku dhaqan Gabiley iyo Wajaale kala qaybgalay isu-soo-baxyo ay dhigeen, kuwaasoo ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbigaas.



Mr. Inji waxa uu sheegay in haddii ay talada qabtaan ay dalka ku hagi doonaan Shareecada diinta Islaamka, isla markaana ka shaqayn doonaan horumarinta dalka.






Guddoomiyaha Wakiillada oo qodob-qodob u jaro-raacay hadaladii M/weyne Rayaale



“Sharci-jabintaa iyo waxaas oo boob ahaa weli kumay filaan Madaxweynaha”



Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland



“…Waxa kale oo uu nagu soo celiyey kaabista iyo wax-ka-bedelka xeerka doorashada Madaxtooyada iyo deegaanada oo muddaynaysay habka doorashada”



Hargeysa 06, June 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedayn Madaxweyne Rayaale Khamiistii aynu ka soo gudubnay u jeediyay Shirguddoonka golaha Wakiillada.



Guddoomiyaha oo shalay hadal u jeediyay kumanaan ka tirsan taageerayaasha xisbigiisa UCID oo isugu soo baxay Beerta Xorriyadda ee Hargeysa, waxa uu sheegay in Madaxweyne Rayaale ku tuntay shuruucda dalka, isla markaana boobay hantida umadda reer Somaliland.



Cabdiraxmaan-Cirro oo aan hore hadalo adag looga baran, waxa uu qodob-qodob uga jawaabay eedaymo hore oo Madaxweynuhu u jeediyay golaha Wakiillada.



Khudbadda guddoomiyaha Wakiillada oo u badnayd jawaabtaa uu u jeediyay Madaxweynaha, wada-shaqaynta golihiisa iyo golaha Xukuumadda, xeerar uu Madaxweynuhu ku soo celiyay iyo qodobo kale, waxay u dhignayd sidan; “Walaalayaal, waxaan idiin sheegayaa inay caado u ahayd Madaxweynaha Somaliland 2006-dii ilaa 2010-ka inuu aflagaadeeyo golaha Wakiilada ee umaddu soo dooratay, laakiin anagu umaanaan jawaabin. Waxaan maanta jecelahay inaan dhawr arrimood ka idhaahdo khudbadii Madaxweynaha ee ugu dambaysay. Ta hore, waxaan leeyahay Madaxweyne waxaad kala garan wayday inaad Shirguddoonka la tartamayso iyo inaad Axmed Siilaanyo iyo Faysal la tartamayso. Shirguddoonku musharaxiin maaha, markaa waxay ahayd haddaad cid u jawaabayso inaad nimanka kula tartamaya u jawaabto.



Walaalayaal, golaha Wakiilada ee aanu masuulka ka nahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa carqalad wayn ku ahaa oo mar uu diido go’aanadiisa, mar uu xeerarka ku soo celiyo iyo mar uu si toos ah shaqada golaha u faro geliyo. Dadweynow waxaad ogaydeen wixii maalin kasta ka dhacayay golaha idinka oo ka daawanayey Tv-yada ilaa markii dambe ay gaadhay inuu Madaxweynuhu amro in golaha quful lagu xidho. Hase yeeshee, shacbiga reer Somaliland ee sharafta badan ayaa ka dhiidhiyey oo ka dagaalamay, shacbigu waxay suurto-galiyeen in golaha loo soo celiyo karaamadiisii iyo haybadii uu lahaa, waxaanu u mahadnaqaynaa shacbiga reer Somaliland, waxaanu tacsi u diraynaa ehelkii ay ka baxeen labadii dhalinyarda ahaa ee ku geeriyooday rasaastii arxan-darrada ahayd ee Madaxweynuhu amray in shacbiga soo doortay lagu furo.



Madaxweynaha waxa ugu dambeeyey farogelinta iyo curyaaminta shaqada golaha ee uu sameeyey inuu ku soo celiyey lix cisho ka hor xeerkii Miisaaniyada qaranka, waa xeer muhiim ah oo umaddu 20 sano sugaysay, waxa ka horeeyey oo uu ku soo celiyey xeerka Xuquuqal-insaanka , waxaanu u soo celiyey xeerka Xuquuqal-insaanka inuu ku tacadiyo oo uu ku xadgudbo xuquuqda shacbiga reer Somaliland. Waxa kale oo uu nagu soo celiyey kaabista iyo wax-ka-bedelka xeerka doorashada Madaxtooyada iyo deegaanada oo muddaynaysay habka doorashada.



Madaxweynaha wuxuu Dastuurku waajibiyay inuu sanad kasta khudbad u jeediyo labada gole Baarlamaan, afar sano ayaanu xilka haynay oo hal mar oo keliya ayuu golaha horyimi. Waxa Dastuurku farayaa Madaxweynaha inuu barnaamijkiisa keeno Baarlamaanka sanad kasta, welina muu keenin, wuxuu farayaa Dastuurku in Xukuumaddu heshiiska ay gasho Baarlamanka la horkeeno, Madaxweynuhu waligii muu horkeenin. Waxa Dastuurka si cad ugu qoran in ganacsigu xor yahay, waxaynu ognahay in Madaxweynuhu ganacsiga si gaar ah ugu xidhay dad gaar ah.



Sharciga iyo xeerarka Maaliyada Somaliland waxay ina farayaan in dakhliga Xukuumadda soo gala lagu shubo khasnada dawlada, waxaynu ognahay lacag badan oo khasnada dawlada aan galin oo Madaxtooyada toos u tagta.



Walaalayaal, Madaxweynaha Dastuurka jabiyey ee diiday ku dhaqanka xeerarka dalka ee ku takrifalay hantida qaranka ee dhagaxa dhigay warshadaha aan jirin ee ballanqaaday dhismayaal iyo mashaariic ee aan dhamaantood hirgalin ee iibiyey dhulkii hantida guud ee aan ku shubin lacagtii khasnada dawlada ee ilaa maanta aan sheegin lacagta Maxjarka ku baxday intay tahay ee haddana ilaa maanta umadda ka doonaya cod, ma aamini kartaan? Nin gabyey baa yidhi ‘God la iga qaniinay ku sii hiradkiisa, inaan ka haariyo ayaa ka hagaagsan’ Mar I dage Alle ha dago, mar labaad idagase anaa is dagay.’ Waxaas oo ballanqaadyo ahaa ama sharci jabin ahaa ama hanti boob ahaa wali kumay filaan Madaxweynaha. Wuxuu inoo sheegay dhamaanteen isaga oo halkan aan taaganahay (fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa) ka hadlaya inuu inaga rabo codkeena, si shan sano oo dambe uu inoo xukumo, 13 sanadood miyey ka yeelnaa arrinkaa? Waa maya.



Haddaba, ha ina xukumee muxuu inoo qabtay Madaxweynuhu? umaddii dooratay ee shacbiga ahayd iyo golayaashii kale ayuun buu caayay sideedaa sanadood ee uu xukunka hayey, wuxuu yidhi, ‘golaha Wakiiladu waa beenalayaal’, umaanaan jawaabin, wuxuu yidhi golaha Wakiiladu waa jaahiliin, umaanaan jawaabin anaga oo eegayna inuu Madaxweynaha umdada yahay, wuxuu yidhi ‘Saxaafaddu waxba ma taqaano ee waa jaahiliin, wuxuu yidhi Mucaaradku waxba ma yaqaanaan.’



Ninbaa nin uu ka xishoonayey oo uu xaq dhawrayey ayuu ka yaabay beenta uu shubayey, wuxuu ku odhan kari waayey beenta naga daa, waxaanu ku yidhi ‘Ma taqaanid beentee, runta barashadeedaa belo kaa horjoogtaa’!.



Walaalayaal, markii golaha Wakiilada la doortay dhisme muu lahayn, guddoomiyayaashu dhisme may lahayn, waxaanu suurtogalinay inaanu dhisme u samayno golaha.”





Somalia: Nin la nool oo u taliya Yaxaasyo tiro badan


“Markuu magaciisa ugu yeedhay ayuu Yaxaaskii Biyihii ka soo baxay oo uu na soo ag-fadhiistay”




“Markii aanu tagnay Gurigiisa, waxaan arkay Yaxaas ilaalinaya cidda galaysa Guriga.”




Jawhar, 06 June 2010 (Ogaal)- “Waxaanu u socdaallay badhtamaha Deegaan dhaqan ahaan ilaa xad reer Miyi ah oo ah Soomaaliya, si aanu ula kulano Nin Yaxaasyo kula nool Webiga Shabeelle.” Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin lagu baahiyay Shabakadda wararka ee Sunatimes, taas oo la xidhiidha hab-nololeedka Nin Soomaali ah oo la nool Yaxaasyo.


Warbixintan oo uu qoray Cabdinaasir Maxamed Guuleed oo ah Suxufi Soomaali ah, isla markaana ku qornayd Afka Ingiriisiga, ayaa iyada oo dhamaystiran oo Wargeyska Ogaal idiin soo turjumay u dhignayd sidan;


“Waligaa ma maqasheen Qof bani’aadam ah oo hoggaamiye u ah Yaxaasyo? Had iyo jeer maan rumaysan jirin oo waxaan moodayay in ay arrintani tahay sheeko caruureed khiyaali ah. Laakiin, markii dambe waxaan go’aansaday in aan tago goobaha ay ku nool yihiin Yaxaasyadu.


Baadhistaydii waxay I geysay Magaalada Jawhar oo ah magaalo 55-Mayl Muqdisho ka xigta dhinaca Waqooyiga. Waxa jira Madaar ku yaala dhinaca waqooyi ee magaalada. Waa arooryo hore, waxaanan tegay tuulada Kulundi oo ilaa 4 Mayl dhinaca waqooyi-galbeed ka xigta Jawhar, halkaas oo aan kula kulmay nin dhinac fadhiya Webiga Shabeelle oo gacmihiisa mid ka mid ah ku haya Kalluun yar.


Salaan aanu isweydaarsanay ka dib, waxaan waydiiyay waxay shaqadiisu tahay. Wuu qoslay, waxaanu ii sheegay in uu yahay hoggaamiye Yaxaas oo uu la nool yahay. Ka dib markii in cabbaar ah aanu kaftanay ee uu faahfaahin iiga siiyay habka uu ula nool yahay iyo sida uu amarrada u siiyo Yaxaasyada sidii Masuul shaqaalihiisii kala diraya, wuxuu si kedis ah iiga codsaday in aan ka aqbalo in uu I tuso sida uu ugu imanayo mid ka mid ah Yaxaasyadu marka uu magac ugu yeedho. Aniga oo la amakaagsan, isla markaana waxoogaa yar naxsan, ayaan ka aqbalay in uu sidaa yeelo, isaguna wuxuu ku dhawaaqay magac. Si degdeg ah waxa Webigii uga soo baxay Yaxaas yar, waxaanu fadhiistay dhinacayaga. Aniga oo ka welwelsan in uu na weeraro Yaxaaska na ag-fadhiyaa, ayaan waydiistay in aan ka durko Yaxaaska. Laakiin, wuxuu ii sheegay in aan is-dejiyo.


Dabadeed, Yaxaaskii yaraa wuxuu saaray garabkiisa midig, waanu la istaagay, isaga oo ula dhaqaaqay dhinaca Gurigiisa, isla markaana uu iga codsaday in aan u raaco. Markii aanu tagnay Gurigiisa, waxaan arkay Yaxaas ilaalinaya cidda galaysa Guriga.


Hassey Muse (maaha magaciisa dhabta ah) ayaa ku-sii sime ka ahaa xilka hoggaamiyaha Yaxaasyada, waxaanu fadhiyay meel u dhaw Hoygiisa. Mid ka mid ah Yaxaasyadii, ayaa si cadho badani ka muuqato dhinacayga ugu soo dhaqaaqay, laakiin Hassey ayaa Luuqad uu garanayo ugu sheegay Yaxaaskii in aanu ka dhaqaaqin halka uu taagan yahay. ‘Wuxuu ku arkayaa in aad tahay qof qariib ah ama cusub, waxaanu doonayaa in uu ku weeraro, laakiin meelna uma dhaqaaqi karo amar la’aan. Yaxaasyadu waa qayb ka mid ah Qoyskayaga, sababtoo ah way nagu dhex nool yihiin’ Ayuu yidhi Hassey. ‘Qoyskayagu way ku faraxsan yihiin Yaxaasyada, balse Yaxaasyadu cidna ma weerari karaan ilaa aan amar siiyo in ay ciddaas weeraraan.’ Ayuu intaa raaciyay.


Markii aan waydiiyay in ay dhici karto weerar aan la filayn oo kaga yimaadda dhinaca Webiga, waxa uu sheegay in waxyaabaha ugu badan ee ay Yaxaasku ka feejigan yihiin tahay.


Waxaanu tagnay dhinaca Webi, si aan u arko habka uu amarrada u bixiyo. Hassey wuxuu ii sheegay in aanan cabsanin marka ay Yaxaasyadu qaataan amarada iyo hadallo macnahoodu yihiin in ay isaga u yimaadaan. Waxaana markiiba si degdeg ah dibedda Biyihii uga soo baxay saddex Yaxaas oo dhaadheer, waawayn, isla markaana dhiniciisa u soo dhaqaaqay.


Hassey oo hoggaamiye-dhaqameed ka ah Tuulada Kulundi, isla markaana Yaxaas yar garabkiisa midig ku sita, ayaa ii sheegay in hoggaaminta Yaxaasyadu ay tahay wax uu ka dhaxlay Awowyadii.


Deegaankan noloshu si hoose ayay uga socotaa, Hassey Caruurtiisu ma tagaan Dugsiyo, mana bartaan Quraanka. Waxay iska joogaan Guriga oo waxay bartaan sida loo dabbaasho, loo kalluumaysto, lana ugaadhsadaan Aabahood. ‘Sidaan rejaynayo mustaqbalka dhaw, Wiilashayda yaryari waxay noqon doonaan ugaadhsadayaal waawayn sidayda oo kale.’ ayuu yidhi Hassey oo wakhtigaa tuurayay Xadhig ka kalluumaysiga ahi.


Hassey wuxuu sheegay ficillo tiro yar oo kaga yimaada dhinaca Yaxaasyada. ‘Bishii hore Xaaskayga waxa ka go’ay afar farood, ka dib markii Yaxaas yari uu Lugteeda midig dhaawac gaadhsiiyay.’ Ayuu yidhi Hassey oo la waydiiyay in ay suurtogal tahay in ay khatar ugu jiraan weerar ay Yaxaasku ku qaadaan. Waxaanu sheegay in Yaxaasyadu ay tababaran yihiin oo aanay falalkaas ku kacaynin.


Magaalada Jawhar waxa kale oo aan kula kulmay Faadumo Ducaale oo ah Hooyo 31 jir ah, waxaanan wax ka waydiiyay arrimaha Hoggaamiyaha Yaxaasyada. Hase ahaatee, intay qososhay ayay ii sheegtay in kelmadahaas ay markay yarayd ka maqli jirtay Ayeydeed.


Weerarada Yaxaasyada ayaa caan ka ah Gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo caruur iyo dad waawaynba ay ku dileen ama ku dhaawaceen..Sanadkan oo kaliya inta la ogyahay hal qof ayay cuneen…”




Muqdisho: Doorasho loollankeedu socday 8 saacadood oo lagu doortay Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Baarlmaaanka


Muqdisho, 06 June 2010 (Ogaal)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loollan Golahaas ka dhex socday muddo siddeed saacadood ah lagu doortay aakhirkii Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Golahaas.


Kulanka oo ay fadhiyeen 325 Mudane, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh. Xasan Sh. Aadan oo xilkaas maalmo ka hor loo doortay, isla markaana wuxuu ka dhacay xarunta Golaha Shacabka oo Guddoomiyaha Baarlamaanka lagu doortay.


Jagada Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hore u hayay Maxamed Cumar Dalxa, ayay isu soo sharaxeen Xildhibaano dhowr ah, kuwaasi oo mid ka mid ahi ay ahayd Haweenay, Khadiija Maxamed Diiriye.


Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa waxaa u tartamay 9 mudane, kuwaasi oo ay wareeggii 2aad isugu soo hadheen 4 mudane, halka wareeggii ugu dambeeyayna ay isugu soo hadheen labo Mudane oo kala ahaa Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudey oo doorashada ku guuleystay iyo Khadiijo Maxamed Diiriye.


Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka ee cusub Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudey ayaa wuxuu helay 192 mudane, halka Khadiija Maxamed Diiriye ay ka heshay 130 mudane. Cabdiweli ayaa ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, halka Khadiija Maxamed Diiriye ay isku haysay jagooyinka Xildhibaan iyo Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, walow ay xilka Wasiirnimo iska casilay, markii ay xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ay isu soo sharaxday.


Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dhaariyay isla goobtii lagu doortay, ayaa hadal uu jeediyay doorashadiisa kaddib wuxuu mudanayaasha Baarlamaanka ka codsaday in ay la shaqeeyaan Guddoon Baarlamaan ahaan.


Waxaa xusid mudan in xarunta Baarlamaanka uu joogay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Maxamed Dalxa oo isagu doorashadan ku tilmaamay mid aan sharci ahayn maadaama aanu iska casilin xilkii uu hayay.


Dhinaca kale, maanta ayaa la filayaa in la doorto Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo uu hore u ahaa Cismaan Cilmi Boqorre oo isagu hore isaga casilay jagada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka.






Sharcigu siduu u arkaa Dacwadda la ogolaaday in lagu qaado Jen. Cali Samatar?


Garyaqaan Maxamed Faarax Xirsi




Wixii ka horeeyay dagaalkii labaad ee adduunka, may jirin qawaaniin caalimi ah oo ka hadlaysa masuuliyadda dhinacyada is-haya wakhtiga dagaalka. Qawaaniinta caalamiga ah iyo kuwa wadamada ay leeyihiin midkoodna si cad umuu qeexin in la dacwayn karo kuwa dhibta bani’aadamnimo gaysta. Hase ahaatee, waxa arinkani uu soo ifbaxay markii dagaalkii labaad ee adduunku dhamaaday, halkaas oo dad badan lagu laayay. Quwaddihii guulaystay ee reer galbeedka iyo midowgii Soofiyeeti waxay go’aansadeen in la sameeyo Maxkamado caadi ah oo la saarayo Naazigii Jarmalka iyo Jabbaan. Maxkamadan oo la kala odhan jiray, Nuremberg iyo Tokyo ayaa noqday Maxkamadihii u horreeyay ee Caalami ah ee qaada dembiyo ka dhan ah Bani’aadamnimada.


Dhibaatadii ka dhacday Rwanda, Seraleone iyo Yuguslafia, ayaa sababtey in Qaramada Midoobay samayso Maxkamad Caalami ah oo u gaara Wadamadaasi. Rwanda waxaa loo sameyey International for
Ciminal Court
for Rwanada (ICTR). Serrieloene waxaa loo samayay
Special Court
for Serrieloene, halka Yuguslavia-na loo sameeyay ICTY.


Dagaaladii ka dhacay Somaliland ayaa iyagu sababay in maxkamad lala beegsado kuwii dhibaatada ka gaystay Somaliland. Sanadkii 2004 ayaa Bashe Abdi Yusuf dacwad madani ah ku qaaday Maxamed Cali Samater oo ahaa Wasiirkii Difaaca ee Somalia. 2007 Ali Samater waxaa uu ku guulaysatay inuu tirtiro dacwaddaas, isaga oo ku doodaya inaan la dacwayn karin masuul hore oo dawlad ka tirsanan jiray. Waxaa uu taasi u daliilshaday xeerka u yaala Maraykan (FSIA) oo dhigaya inaan dacwad lagu qaadi karayn Masuul dawladeed. Maxkamadda Rafcaanka ayaa dib u furtay Kiiskaas sanadkii 2009kii, isla markaana Maxkamadda Sare waxay aqbashay inay dib u eegto kiiskaas ka dhanka ah Ali Samater. Dacwaysane Cali Samater waxaa uu Codsi dacwadeed u qoray Maxkamadda sare, si loo burburiyo dacwadda ka dhanka ah. hase yeeshee, Su’aasha la is-waydiinaya ee hortaalay Maxkamadda waxay ahayd, Maxkamadaha Maraykanku ma dacwayn karaan Masuul dawladeed oo hore? Arinkani wuxuu ahaa mid aad u culus marka la eegayo illaalinta Madax-bannaanida wadamada kale. Lakiin, waxaa qaalib noqotay illalinta xuquuqda Aadamaha. Sidaa darteed, Maxkamaddii sare waxay go’aamisay in la dacwayn karo masuul ka tirsanaan jiray Dawlad hore. Runtii waa guul u soo hoyatay ummadaha Dunida ee dhibaatooyinka dagaal ay ka dhacaan wadamadooda aan awoodda u lahayn in ay cadaalad ka raadsadaan Maxkamadaha ka jira Waddamadaasi, tani waxay kor u qaadaysaa inaan danbiile ka soo baxsaday Wadan kale aanu ku nolol ka helin Waddanka Maraykanka. Dad bad ayaa ku nool Maraykan oo intay danbiyo ka soo galeen wadamadoodii u nolol doontay dalkaas. Runtii waa guul u soo hoyatay dadka dhibanayaasha ah ee lagu dhibay wadamadooda.


Garyaqaan Maxamed Faarax Xirsi
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wararkii Wargeyska OGAAL, Cadadkii Axada, 06/06/10

Post by Siciid85 »

Image


Image


Image

Image


Image
Rooble90
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1391
Joined: Tue Mar 09, 2010 8:42 pm

Re: Wararkii Wargeyska OGAAL, Cadadkii Axada, 06/06/10

Post by Rooble90 »

UCID :clap:

Shareecatul Islaam :up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wararkii Wargeyska OGAAL, Cadadkii Axada, 06/06/10

Post by Siciid85 »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”