MASUULIYIIN KATIRSAN DAWLADDA PUNTLAND IYO SARAAKIIL ITOOBIYAAN AH OO KU KULMAY MEEL KU DHOW DEGMADA BUUHOODLE KANA WADA HADLAY DAGAALADII DHOWAAN KADHACAY BUUHOODLE.
MASUULIYIIN KATIRSAN DAWLADDA PUNTLAND IYO SARAAKIIL ITOOBIYAAN AH OO KU KULMAY MEEL KU DHOW DEGMADA BUUHOODLE KANA WADA HADLAY DAGAALADII DHOWAAN KADHACAY BUUHOODLE.
--------------------------------------------------------------------------------
Masuuliyiin katirsan Dawladda Puntland oo muddooyinka kusugnaa Gobolka Cayn iyo Saraakiil katirsan Ciidamada Itoobiya ee halkaasi kusugan ayaa waxa ay maanta kulan ku wada qaateen Xero ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya oo wax yar u jirta Demada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.
Shirkan ayaa waxaa dhanka Puntland u metelaayey masuuliyiin uu hoggaaminaayo Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda ee Dawladda Puntland Maxamed Faarax Aadan ayna kamid yihiin Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Xaaji Xuseen Yaasin, Maamulka Gobolka Cayn iyo Saraakiil kale.
Kulanka ayaa waxa uu ahaa mid ay labada dhinac uga wada hadleen dagaaladii dhowaan ka dhacay Degmada Buuhoodle ee dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo dad Deegaanka iyadoo kulanka lagu jeex jeexay sidii arrintaasi loo madhamayn lahaa isla markaana ay aanay dib ugu dhici lahayn wixii horay u dhacay.
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Cayn Maxamuud Sheikh Cumar oo kulankaasi uga warbixiyey warbaahinta gudaha kana mid ahaa masuuliyiintii ka qayb gashay ayaa waxa uu sheegay in ay kawada hadleen saraakiisha ciidamada Itoobiya sidii loo dhamayn lahaa raadka ay reebtay dhibaatadii dhowaan Deegaanka ka dhacday iyo sidii ay Puntland iyo Itoobaiya ay si wada jir uga wada qayb qaadan lahaayeen sugitaanka ammaanka ee labada dhinac.
"Waxaan ka wada hadalnay waxaa ugu muhiimsanaa in mardambe aanay Deegaanka ka dhicin wixii horay uga dhacay ee ahaa dagaalka lagu dhibaateeyey dadka rayidka ah, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay sidii aan uga wada qayb qaadan lahayn sidii aan si wada jir ah u sugi lahayn ammaanka guud, ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Cayn.
Maxamuud Sheikh Cumar ayaa mar uu kahadlaayey in ay saraakiisha Itoobiyaanka ah ay kala hadleen Gawaari gaaraysa 17 Gaari oo ay dhowaan ka kaxaysteen Deegaanka waxaana tibaaxay in ay saraakiisha Itoobiya ay arrintaasi kala hadleen balse ay ugu jawaabeen in ay ka xun yihiin talaabadaasi ayna amreen Saraakiisha karaysa jawaabteedana laga sugaayo Dawladda Itoobiya oo aan weli kahadlin.
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Cayn Maxamuud Sheikh Cumar ayaa mar uu kahadlaayey arrinta Gawaarida ay xoogga ku haystaan ciidamada Itoobiya ayaa waxa uu yiri "Waan kala hadalnay arrinta Gawaarida waxayna noo sheegeen in ay aad uga xun yihiin amarkuna uu ahaa mid uga yimi saraakiisha ka saraysa jawaabtana ay kusugaayaan iyaga oo aanay la'aantood hadal ka geli karin, Dawladana waan la xiriirnay waxayna noo sheegtay in Gawaaridaasi lasii dayn doono haddana waan sugaynaa".
Sikastaba kulankan ku dhexmaray Masuuliyiinta katirsan Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya xadka Somaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa uu u muuqdaa mid lagu qaboojinaayo xiisaddo muddooyinka Deegaanka ka taagnaa lamana oga sida ay u degi doonaan dadka Deegaanka oo marka laga soo tago dhibkii horay loogu gaystay ay ugu darsantay qafaalashada gaadiidkoodii.
MASUULIYIIN KATIRSAN DAWLADDA PUNTLAND IYO SARAAKIIL ITOOBIY
Moderator: Moderators
-
oldenglish
- SomaliNet Super

- Posts: 5673
- Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
- Location: The Kingdom of Maakhir Coast
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super

- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
Re: MASUULIYIIN KATIRSAN DAWLADDA PUNTLAND IYO SARAAKIIL ITO
Don't do it again,useless copy and paste news from websides are prohibited from this section.
p.s my congrats, you can read and understand afsomali
p.s my congrats, you can read and understand afsomali
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 244 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 467 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 325 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 4 Replies
- 812 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 5 Replies
- 325 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 5 Replies
- 22 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 0 Replies
- 393 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 233 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 322 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 0 Replies
- 316 Views
-
Last post by FBISOMALIA