
Guddoomiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID Eng. Faysal Cali waraabe waa murashax markii labaad u taagan doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto bishan June 26-da.
waa hogaamiye ka dib markii uu dalkii la isku odhan jiray somalia uu burbur iyo dagaal la soo gudboonaaday u baxay dalalka dibadaha, waxaanu in badan ku noolaa qaarada Yurub.
Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sida uu uu fagaarayaasha ka sheego xisbigiisa UCID uu ka dhashay burburkii iyo dagaalkii sokeeye ee somaliland ka qarxay.a
xisbiga UCID ee uu sanadkan murashaxa jagada madaxweynaha iyo guddoomiyenimada u hayo ayay isugu tageen rag xul ah, aqoon iyo waxbarasho sarena leh, waxaanu sanadkan olole xoogan ugu jiraa sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashada uu hada ololaheedu bilaabmay.
Faysal Cali Waraabe iyo dadnimadiisa
Akhrsitayaal marka la soo qaado Faysal Cali Waraabe, waxa markaaba maskaxdaada ku soo dhacaysa, in uu yahay guddoomiyaha xisbiga UCID iyo waliba murashaxa jagada madaxweynaha ee doorashada la filayo in ay dhawaan dalka ka qabsoonto.
In kasta oo aqoon ahaan aniga la iga badiyo shakhsiyada Guddoomiyaha xisbiga UCID, hadana waxa aan la gudbi karin hal ku dhiga ay soomaalidu ku qiimayso qofka bini´aadamka ah, kaas oo ay yidhaahdaan "Ninka hebel ah, wali jid ma la martay, jidiin ma la cuntay, jabadna ma la degtay............." ka intaaba haa kaga jawaabaa waa qof garanaya isla markaana og ninka la waydiiyay waxa uu galo iyo waxa uu gudo labadaba.
Faysal Cali Waraabe, waa hogaamiye aanu ku jirin kibir, isla waynaan, waxaanu ku caan baxay deeqsinimo, geesinimo iyo guud ahaanba inta ragga, ninimadiisa lagu qiimeeyo.
waa hogaamiye marka ay adkaato ama arrintu ay solo gasho, sida loo dhiraan-dhiriyo ilaahay baray, waa hogaamiye samir iyo dulqaadka la dhashay, waxaanu dedaalkiisa isugu geeyaa sidii ay somaliland dal la yaqaano u noqon lahayd.
Faysal Cali Waraabe iyo diinta Islaamka
Eng. Faysal Cali Waraabe waa nin ay diinta islaamku biyo dhigtay, wakhtiyada salaaduhu ay taagan yihiin ilaaliya isla markaana waxa uu dadka ku booriyaa in ay cibaadada badiyaan.
guddoomiyaha xisbiga UCID oo dhawaan socdaal qaatay saddex maalmood ku tagay qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada gobolka Oodweyne ayaa marka uu tuulo soo gaadhaba indho-indhaynayay masaajidada, isaga oo ku soo tukanayay, haddii uu waayana bar cidlo ah ku tukanayay.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, hadii aan idin xasuusiyo hadalkii uu shalay u jeediyay kumaanaan ka mid ah taageerayaasha uu xisbiga UCID ku leeyahay magaalada Burco "Walaalayaal waxa aad ku dedaashaan cibaadada, waxaanad xisaabta ku darsataan in aan ifka lagu waarayn oo la dhimanayo...." runtii waa hadal ama khudbad aan inta badan looga baran siyaasiyiinta, balse lagu ogaa culumada, waxaanu maskaxda dadka reer somaliland uu hadalka guddoomiye Faysal Cali Waraabe kaga tagaa raad iyada oo khudbadii uu shalay ka jeediyay Fagaaraha khayrida Burco uu noqday mid uu ku kasbaday taageerayaal aad u tiro badan.
"Walaahi maanta ka horow umaan qushuucin guddoomiyaha xisbiga UCID, waayo magaaladii oodhan ayuu jinkii ku jiray ka saaray markii uu ololihiisa ku bilaabay qur´aan, ducooyin iyo waliba gabayo, anigu isaga ayaan u codaynayaa" sidaas waxa isku lahaa raxan kuray ah oo xilligaa ka soo dareeray dhinaca khayriyada oo uu guddoomiye faysal cali waraabe kula hadlayay taageerayaasha xisbigiisa.
Faysal Cali Waraabe ma jecelyahay hogaanka
guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sidii aynu horeba u soo sheegnay ah murashaxa jagada madaxweynenimo ee doorashada madaxtooyada ee la filiyo in ay dhawaan dalka ka dhacdo, ayaa ilaahay ka barya in hadii aanu dadka reer somaliland iyo naftiisa toona haddii aanu khayr u lahayn aanu u soo bixin doorashada madaxtooyada, waxaana taas tusaale inoogaga filan weedhihii u dambeeyay uu shalay ka jeediyay khayriyada burco "Walaalayaal waxa aan ilaahay ka baryayaa in aanan u soo bixin doorashada madaxtooyada haddii aanan dalka, dadka iyo naftayda midnaba aanan khayr u lahayn" ayuu guddoomiye faysal Cali Waraabe inta badan khudbadihiisa ku furaa.
Faysal Cali Waraabe iyo khudbadahiisa siyaasadeed
dhinaca siyaasada, siyaasi kasta oo uu ku jiro tuhun ah in uu dal hogaamin karaa waxa uu ku hamiyaa sidii uu codadka iyo kalsoonida uga heli lahaa shacabka uu ku dhex jiro.
siyaasiga Faysal Cali Waraabe, waa nin dedaal u gala sidii uu u kasban lahaa dhagaha dadka uu markaa u khudbadaynayo, waa nin marka laga tago khudbad soo diyaarsashada aanu soo qaadanin buug iyo waraaqo midnaba, waxaanu qiyaastii si fiican uga soo baraan degaa isaga oo maanka ku haya dadka uu hortagayo, baaxada ay leeyihiin, miisaanka siyaasadeed ay ku soo kordhin karaan xisbigiisa iyo waliba muhiimada ay leeyihiin.
waa hogaamiye dhaliilo xoogan u soo jeediya xukuumada madaxweyne Rayaale, waxaanu ka dib ku dhex daraa khudbadiisa hadalo ay ku qoslaan dadka dhagaysanaya waxaana khudbadii ugu qosolka badnayd ee uu jeediyay ay ahayd tii ka wada qosliyay kumaanaan taageerayaashiisa ah oo uu shalay la hadlayay waxaanay ahayd "Walaalayaal haddii uu alle yidhaahdo waxa aanu ku dedaali doono sidii aanu bedeli lahayn xukuumadan diirta noqotay, ee ay reer miyigeenii isku haystaan wankoodii, waxaanan ku dedaali doonaa haddii aanu xukunka ku guulaysano in aanu idiin nabad gelino wankiina, idinku qabsan maynee sidaas u ogaada......"
si kastaba ha ahaatee Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sanadkan dedaal xoogan ugu jira sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa talada dalka, ka dib markii uu olole xoogan u galay in uu kasbado taageerayaasha.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland