Xisbiga UDUB had the Lowest Supporters turning up for the Campaign so far out of the 3 Parties in Hargeisa, while KULMIYE had the Most Supporters and UCID was in the Second place... Yesterday UDUB Showed a Huge Support in Hargeisa, people were taken from Oodweyne and Boorame!
Xisbiga UDUB, ayaa taageerayaashiisii ugu badnaa maanta isugu soo baxeen Magaalada Hargeysa ololaha doorashada, ka dib markii UDUB noqday Xisbigii tira ahaan taageerayaashiisu ugu yaraayeen Caasimadda Hargeysa 3-dii maalmood ee ugu horreeyey olola doorashada oo UDUB maalintii koobaad lahaa isu soo baxa. Halka UCID iyo KULMIYE kaga taageera badnaayeen Hargeysa.
news: UDUB2.jpg
Taageerayaashii ugu badnaa ee Xisbiga UDUB uga soo baxa Hargeysa intii ololuhu bilaabmay, ayaa isugu tagay fagaaraha Beerta
Xorriyada ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo Masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga UDUB kala hadleen
taageerayaashooda.kuwaasoo la sheegay in Baabuur lagaga soo raray Gobollada Galbeedka Somaliland ee Gabilay iyo Awdal, si ay u badiyaan tirada taageerayaasha UDUB ee magaalada Hargeysa isugu soo baxayay maanta oo ahayd maalintii labaad ee Xisbiga UDUB ololaha u soo baxo
news: UDUB3.jpg
Masuuliyiintii Beerta xorriyada kala hadlay dadweynaha waxa ka mid ahaa Xoghayaha guud ee UDUB Jaamac
Yaasiin Faarax, oo ugu horreyn si weyn ugu mahadceliyey taageerayaasha baaxadda leh ee Xisbigooda u soo baxay maanta. Waxaanu
Xoghayuhu dhalliilay Xisbiyada Mucaaridka ah. "Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, rabshad iyo qas-bay wadaan, wax
alla waxay hayaan ma jiro." sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB. Iyada oo xalay illaa saaka Baabuur Basas u badan lagaga soo daabulay labadaasi Gobol iyo degmooyinka hoos yimaadda qaarkood.
Masuuliyiin kale oo tira badan oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii ololaha UDUB Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-Hindi) iyo
Xubno kale, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, waxaanay dhammaanba ka codsadeen dadweynaha inay codkooda siiyaan Xisbiga talada
haya ee UDUB.
news: UDUB5.jpg
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB, una sharraxan jagada uu hadda hayo ee Madaxweyne
ku-xigeenka, ayaa gabagabadii khudbadaha Beerta Xorriyada khudbad ka jeediyey, isla markaana waxa uu sheegay in Xisbiga UDUB
muddada uu xilka hayay ay dadka iyo dalkaba wax badan u qabteen, sidoo kalena ay u qorshaysan tahay inay wax badan oo kale
qabtaan. Sidaa daraadeedna waxa uu dadweynaha ka codsaday inay UDUB codkooda siiyaan.
Axmed Yuusuf Yaasiin, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi, "Muddadii aannu xilka haynay UDUB meel fiican bay dalka soo
gaadhsiisay, doorashooyin aan hore dalka uga dhicin ayaanu qabashadooda suurtagalinnay,sida Xisbiyada Mucaaridka ah odhan
mayno waxaas baanu qabanaynaa ee waxaannu qabannay dalka iyo dadkaba way ka muuqdaan. Sidaa daraadeed, waxaannu mar labaad
idinka codsanaynaa inaad codkiina mar labaad na siisaan, si aanu u suurtagalinno wax badan oo meel fiican maraya, isla
markaana cid kaw ka soo bilawda aan u baahnayn, ee in halkaa laga sii wado u baahan."
Inkasta oo ay muddo siddeed sannadood ah xilka hayeen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeen Axmed Yuusuf Yaasiin,oo
ah Musharrixiinta xilka Xisbiga UDUB isaga hooseeya, isla markaana u sharraxan imikana in mar labaad dib loo doorto,waxa lagu
dhalliilaa wax qabad la'aan, dib-u-dhac dhinaca horumarka arrimaha bulshada ah, Musuq-maasuq, hanti lunsi, la xisaabtan
la'aan, ku tumasho sharci, ku xad-gudub xuquuqda aadamaha iyo waxyaabo kale oo badan, haddana, iyada oo qodobbadaas oo dhami
jirinaan, waxa uu Madaxweyne ku-xigeenku ku dooday, inay wixii ka qaldamay muddadii ay xilka hayeen inay gadaal ka saxayaan,
haddii mar kale loo doorto hoggaaminta dalka.
news: UDUB1.jpg
Fagaaraha Beerta Xorriyada ee Madaxda UDUB dadweynaha kala hadlayeen markii laga soo dareeray barqadii maanta ka dib, waxay
Masuuliyiinta iyo taageerayaasha UDUB socod ku mareen waddooyinka dhaadheer ee Caasimadda Hargeysa, iyaga oo dadweynuhu
lulayay calamka Xisbiga UDUB, Istiikarro lagu ballaadhiyey Sawirka Musharrixiinta UDUB ee Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeen
Yaasiin, kuwaasoo saarnaa Gaadiid tirada badan oo ay ka lushaan calamada iyo Boodhadhka Xisbigaas.
news: UDUB_6.jpg
Si kastaba ha ahaatee, Taageerayaasha Xisbiga UDUB ee maanta Hargeysa isu soo baxa ololaha ka sameeyey, ayaa aad uga badnaa
kuwii UDUB u soo baxay maalintii koobaad ee ololuhu bilaabmay oo ahayd khamiistii toddobaadkii inna dhaafay. Waxaanay wararka qaar sheegayaan, in boqollaal qof oo ka mid ah taageerayaasha Xisbiga UDUB ee Gobollada Awdal iyo Gabilay ee Galbeedka Hargeysa Baabuur lagaga soo raray, Hargeysana lagu keenay, si ay taageero ugu biiriyaan taageerayaasha Xisbigaasi Caasimadda ku leeyahay, maadaamoo ay Xisbiyada Mucaaridka ahi kaga taageera bateen dhinaca muuqaalka, tirada iyo tayada-ba Jimcihii iyo Sabtidii toddobaadkan oo KULMIYE iyo UCID kala lahaayeen ololaha, isla markaana wacdaro muujiyeen, ay meesha kaga saareen ama muuqaal ahaan ka taageero bateen marka loo eego dadka saddexda Xisbi u soo kala baxay 3-dii maalmood ee ugu horreeyey. Kuwaasoo la sheegay in haddana galabta dib loogu raray gaadiidkii marka hore Hargeysa lagu keenay.
news: UDUB_7.jpg
Berberanews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
UDUB Party had the LOWEST Turn OUTS in Hargeisa
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
- hargaysaay
- SomaliNet Super

- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: UDUB Party had the LOWEST Turn OUTS in Hargeisa
- hargaysaay
- SomaliNet Super

- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: UDUB Party had the LOWEST Turn OUTS in Hargeisa
I think the only kulmiye turn out that can beat ucids latest turn out in hargeysa is when silanyo was being welcomed from his trip to america
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: UDUB Party had the LOWEST Turn OUTS in Hargeisa
Sxb im afraid the Arap killed it Today, there has never been such a turn out in Hargeisa 
Re: UDUB Party had the LOWEST Turn OUTS in Hargeisa
Yesterday UDUB Showed a Huge Support in Hargeisa, people were taken from Oodweyne and Boorame!
- NewHargeisaGirl
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4876
- Joined: Sat May 30, 2009 11:49 am
Re: UDUB Party had the LOWEST Turn OUTS in Hargeisa
Mirqaaan talk @ its best 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 30 Replies
- 32308 Views
-
Last post by Polus
-
- 0 Replies
- 562 Views
-
Last post by Nacaas77
-
- 21 Replies
- 2139 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 16 Replies
- 1696 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 0 Replies
- 513 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 11 Replies
- 1071 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 3 Replies
- 648 Views
-
Last post by Gaashaanle_87
-
- 1 Replies
- 517 Views
-
Last post by King-of-Awdal
-
- 8 Replies
- 1627 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 11 Replies
- 828 Views
-
Last post by Goljano Lion