GeneralSNM.... Degmada Qorulugud

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

GeneralSNM.... Degmada Qorulugud

Post by LiQaaye_TDH »

Waxa dhamaan iscasilay kor Iyo hoos Maamulkii Qorolugud ee Xisbiga Udub kuna biiray Xusbiga Mucaaradkaa ee Kulmiye Dagmada Qorolugud ayaa waxa ay Howd sare ka xigtaa Magaalada Burco waxana ay 20kilomitir u jirtaa Buuhoodle.
Maamulkii Qorolugud oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Dagmada Qorolugud Maxamuud Cawil Siarag iyo Gudoomiyaha ku xigeenkii iyo Xoghayihii iyo dhamaanba Maamulkii Qorolugud ayaa ku dhawaaqay in ay Iska casileen Xusiga Udub isaga oo u waramaya shabakada Golsnews mar ay kula xidhiidhay Khadka Telephonka ee magalada Qorolugud waxanu ku eedeeyey Xukuumada mid ka gaabisay horu marka dhamaanba Somaliland gaar ahaana Dagmada Qorolugud.

Mar aanu wax ka waydiinay cida ay u dhiibeen iscasiladii waxa ay sheegeen in ay ku wareejiyeen wasiirka Warshadaha Somaliland waxanuna ku daray in laga aqbalay iscasiladii ay soo jeediyeen Maamulkii Qorolugud oo dhan iyo dhamaan taageerayaasha Xusbiga Udud waxanuna cadeeyey in ay ku biireen Xusbiga Kulmiye


Dagmada Qorolugud ayaa waxa ay tahay dagmo aad u wayn hadii ay tahay xaga baaxada ama xaga Dadka ku dhaqan oo aad u badan waxana hoos yimaada tuulooyin aad u farabadan,Dagmada Qorolugud ayaa waxa ay ku sun tahay taariikhda halgankii dib u xoraynta iyo Somaliland waxana ka dhacay dagaalo aad u farabadan oo ay ku shihiideen sarakiil iyo askar ka tirsan ciidankii Dib u xiraynta Somaliland ee SNM waxana ay Xero Malatari u ahayd ciidankii faqashta.Faqashtu markii ay u adkaysan wayday duulaankii aan kala joogsiga lahayn ee Ciidamadii SNM ayaa halkaa ka huleeshay dabayaaqadii 1990kii .

Waxa kaloo lama ilaawana oo ay Qorolugud door aad u mahiima ka ciyaartay doorashooyinkii Somaliland ka dhacay hadii ay tahay tii Madaxtooyada ama tii Baarlamaanka somaliland waxana ay u codeeyeen inta badan xusbiga talada haya ee Udub waxana lagu tilmaamaa guushii Xusbiga Udub uu ku helay 80 kii Cod ee guushu ku raacday dakib markii Xusbiga Kulmiye laga kansalay sanduuq kasoo baxay Balicalanle oo hoos timaada Dagmada Qurulugud oo ladiiday in latiriyo kaas oo hadii ay suurta gali lahayd in latiriyo guushu ku raaci lahayd Xusbiga kulmiye.

Hadaba tani waxa ay guul taro iyo niyad jab ku tahay Xusbiga talada dalka haya ee Udub wana meelihii ugu badnaa ee uu kafilayey Codadka in uu ka helo isku soo wada duuboo waxa in dhawaydaba lagayaacayey Xusbiga talada haya ee Udub kaas oo looga jabay sida biyo darbiyada goostay ay u jaban lamana saadalin karo inta badan waxa uu ka helaayo Xusbiga talada haya ee Udub Codbixinta ka dhacaysa Dalka Somaliland 26/07/2010.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: GeneralSNM.... Degmada Qorulugud

Post by Cali_Gaab »

Chow, article af soomaali lagu qoray ayaad general snm ku leedahay 'akhri' :lol:
User avatar
*Nobleman*
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6864
Joined: Wed Jul 13, 2005 2:49 pm
Location: United- Not arrogant, just better

Re: GeneralSNM.... Degmada Qorulugud

Post by *Nobleman* »

Cali_Gaab wrote:Chow, article af soomaali lagu qoray ayaad general snm ku leedahay 'akhri' :lol:

:lol: generals worst than me.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: GeneralSNM.... Degmada Qorulugud

Post by LiQaaye_TDH »

Cali_Gaab wrote:Chow, article af soomaali lagu qoray ayaad general snm ku leedahay 'akhri' :lol:
wAR The Guys reads Gabays, Hoygasugaanta Kama Dhamaado :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”