http://halganews.com/the-news/latest-ne ... 060811576/Hargaysa (Halganews) Wasiirkii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan “Ismaaciil Yare” ayaa shalay si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Kulmiye sidoo kale Guddoomiyaha haatan haya xilka Degmadda Allay-baday Xasan Shahar ayaa isna shalay ku dhawaaqay ku biiristiisa
Labadan xubnood ee ku biiray Xisbiga Kulmiye ayaa Fagaarayaasha Gabiley iyo Allay-baday ka cadeeyay mawqifkooda Siyaasadeed ee ay qaateen iyagoo si kulul u weeraray Madaxweynaha Somaliland iyo Xisbigiisa UDUB oo ay ku eedeeyeen inuu yahay mid fadhiid ah oo aan Dalka wax rajo ah u hayn iyagoo taageerayaashooda iyo dadkii munaasibadahaasi ka soo qayb galay ugu baaqay inay codkooda siiyaan Xisbiga Kulmiye oo ay sheegeen inuu yahay ka u keeni kara isbedelka dalku u baahan yahay
Labadan Masuul oo hore Xisbiga UDUB kaalin firfircoon kaga jiray isla markaana ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ee tartanadii hore ee sadexdii Doorasho xoog ku muquunin jiray taageerayaasha iyo masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ayaa maanta reer Kulmiye ka dalbaday inay saamaxaan isla markaana ka codsaday in Mujaahid Siilaanyo isagoo soo jeediyay inuu yahay nin weyn oo lexejeclo u leh Dalka
Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Mr. Xasan Cabdi Cali ayaa isaguna waxa uu yidhi “ Aniga oo ah Gudoomiyihii Degmada Allaybaday waxa aan goostay “Markii aan arkay Xisbiga Udub in aanu danayn,Markii aan arkay Shacbiga reer Allaybaday sidda aanay waxba ugu qabanayn,waxa aan goostay aniga oo ah Gudoomiyihii Degmada Allaybaday in aanan kusii jiri karin taas iskana casilay Xilkii Gudoomiyenimo ee aan hayay, Laga bilaabo maantana aan ku biiray Xisbiga Kulmiye oo aan u arkay in ay ku jirto danta shacabka Degmada Allaybaday waxaanan dhamaan bulshawaynta reer Allaybaday ugu baaqayaa in ay taageeradooda uleexiyaan xaga Xisbiga Kulmiye, Talada Qaranku maalinba ninbay saaran tahay shalay iyo maantaba aniga ayaa xilka haya baritana cid kale ayaa qaban doonta.
Balse been fara badan oo hore oo la idiin sheegay waajibay nagu tahay in aanu runteeda idin taabsiino taasi oo ah in aanay Udub waxba ugu talagalin in ay waxa ka qabato adeegyada aasaasiga ah.
everyone is jumping off the sinking ship that is udub?