UDUB in Hargeisa Today LOL

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

UDUB in Hargeisa Today LOL

Post by LiQaaye_TDH »

Image
Image



Taageerayaasha xisbiga talada haya ee UDUB ayaa maanta maalintii saddexaad olole ka wada gobolada iyo degmooyinka ay ka kooban tahay somaliland, iyada oo caasimada Hargeysana ay soo buux dhaafiyeen fagaaraha beerta xorriyada, iyada oo jidadka ka ag dhawna lagu arkayay kooxo dhalinyaro ah oo isugu jira rag iyo dumar oo kor u lulaya calanka xisbigaas astaanta u ah iyo waliba boodhadh ay ku xardhan yihiin sawirada labada murashax ee jagada madaxweynaha iyo ku xigeenka.

taageerayaasha isugu soo baxay ololaha doorashada oo ay kala qayb galeen Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Wasiirka Maalliyada, Wasiirka duulista Hawada, masuuliyiin iyo saraakiil sarsare oo ka socotay xisbigaas.

wasiirka Duulista hawada Mud. Cali Maxamed Warancade oo ugu horeyn khudbad u jeediyay taageerayaasha xisbigaas ayaa ka codssday in ay mar kale u codeeyaan murashaxa jadada madaxweyneha Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa waxaanu qaab su´aalo u eeg ka dhigay in ay marka codkooda siiyaan dad weynuhu isaga oo tilmaamay in shan sano oo dambe oo la doorto madaxweyne rayaale ay soo bixi doonto barwaaqadu hadaladiisii ka mid ahaa "Codkeena mar kale daahir Rayaale Kaahin Ma siinaa, nabadgalyadeena ma adkaysanaa, barwaaqada iyo jidka wanaagsan ma ku sugnaa.
insha allah shanta sano ee socota ayay wax waliba inoo hagaagi doonaan, barwaaqaduna way soo socotaa oo daboolka ayaynu ka qaadi doonaa,"

wasiirka ayaa tilmaamay in maalintii shalay ahayd uu dalka ku soo dhaweeyay wafti ka socday dalka Kuwait, kuwaas oo buu yidhi u socday in ay sameeyaan madaarka Berbera, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Waxa aan shalay dalka ku soo dhaweeyay wafti ka socday dalka Kuwait, kuwaas oo uu soo diray amiirku, waxaanay sheegeen in ay socdeen dhisitaanka madaarka Berbera, ka hargeysa iyo wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, waxaanay igu yidhaahdeen waxa aad tihiiin dal aan la ictiraafin laakiin waxa aanu wax idiin siinaynaa qiimaha iyo qaayaha aad leedihiin,"

dhinaca kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay xoghayaha guud ee xisbiga UDUB jaamac Yaasiin Faarax oo sheegay in caawa ay soo bandhigi doonaan barnmaamijkooda siyaasadeed ee ay dalka ku hagi doonaan haddii ay dalka ku hagi doonaan hadii ay talada ku guulaystaan, waxa kale o uu xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE ku tilmaamay in uu xidhiidh hoose la leeyahay ururka dunida looga aqoonsan yahay in uu argagaxisada ee xisbul Islaam.

dhinaca kale wasiirka maaliyada xuseen cali ducaale Cawil oo isna halkaas ka hadlay ayaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ku dhaliilay booqashadii uu dhawaan ku tagay xarunta gobolka Hawd ee Balligubadle, waxaanu tilmaamay in ay magaaladaas ugu dambaysay ka dib markii ay SNM gacanta ku dhigtay guud ahaanba dalika.

si kastaba ha ahaatee labadan masuul ee Wasiirka Maaliyada iyo xogyaha guud ee xisbiga UDUB ayaan nasiib u helin in khudbada ay jeediyeen ay noqoto mid ay dhagaaystaan taageerayaashii ciida badnaa ee ay doonayeen, balse waxa ay ku hambabareen in fagaaraha beerta xorriyada oo daqiiqado ka hor buuxday loo baneeyo ka dib markii ay dadku si raabo raabo ah uga dareereen.

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najax@hadhwanaag.org
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: UDUB in Hargeisa Today LOL

Post by Dhaga Bacayl »

The building in the back ground looks good.

Waran Cade is a great man. :up:
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: UDUB in Hargeisa Today LOL

Post by LiQaaye_TDH »

Dhaga Bacayl wrote:The building in the back ground looks good.

Waran Cade is a great man. :up:
Thats what i was thinking since this Campagning started, what is that Building? oo kaalay Beerta Xoriyada is it Behind, Wadada Togdheer?
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: UDUB in Hargeisa Today LOL

Post by The_Emperior5 »

thats the big new prison liqaaye
the youn girl in the front look so cute mashallah.
Its seems dadki udub wey ka xiiso dhaceen :lol:
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: UDUB in Hargeisa Today LOL

Post by Dhaga Bacayl »

LiQaaye_TDH wrote:
Dhaga Bacayl wrote:The building in the back ground looks good.

Waran Cade is a great man. :up:
Thats what i was thinking since this Campagning started, what is that Building? oo kaalay Beerta Xoriyada is it Behind, Wadada Togdheer?

Liqaaye,

Meesha inaadeer miyaa lasku naxariisianayaa tartan baa socdee. His job is on the line. He must speak.

Lol at beer ta xoriyada being behind Togdheer street. Waar anagaa wax aragnay. Inaadeer misidaasaad doionaysa inaad madax ku noqoto? :shock:

Togdheer Street runs behind the general hospital beerta xoriyada waa along side of the dooxa not far from Maxakabadaha and farah omar high.

The Emp,

Oo adigibaaba ka daree maxaad tdhi that Is the new prison building? Can you really see the prison from the freedom garden? Can you imagine how far apart these two places are? :lol:

That building you see is built inside of the GURIGA shaqaale. It was just built recently to replace the old one floor structure that it was before.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: UDUB in Hargeisa Today LOL

Post by The_Emperior5 »

loool my bad it really looks like that new prison in down town i could be wrong wuxu wabay isku wadda dha dhawadeen
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: UDUB in Hargeisa Today LOL

Post by Dhaga Bacayl »

The_Emperior5 wrote:loool my bad it really looks like that new prison in down town i could be wrong wuxu wabay isku wadda dha dhawadeen
Horta the new prison building has no balconies nor do they have large windows. It’s also scattered two story buildings maybe 5 or 6 with huge DAYR that covers the whole area.

Just look at that picture, would you lock Liqaaye or Indha cade or Morgan in there? It’ looks luxuries man. :lol:

Just closed your eyed and walk from Beerta xoriyada toward the Jailkii. Inteed soodhafaysa dhul dhisan….from Shaqallaha to India line to Sheikh bashiir middle school to 26 june orentaion center aka bar ubax, liinkii police ka ….marka saad ku so dhawaanaysaa jeelkii. Do you think you could se beerta Xoriyada from there?
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: UDUB in Hargeisa Today LOL

Post by The_Emperior5 »

Dhaga Bacayl wrote:
The_Emperior5 wrote:loool my bad it really looks like that new prison in down town i could be wrong wuxu wabay isku wadda dha dhawadeen
Horta the new prison building has no balconies nor do they have large windows. It’s also scattered two story buildings maybe 5 or 6 with huge DAYR that covers the whole area.

Just look at that picture, would you lock Liqaaye or Indha cade or Morgan in there? It’ looks luxuries man. :lol:

Just closed your eyed and walk from Beerta xoriyada toward the Jailkii. Inteed soodhafaysa dhul dhisan….from Shaqallaha to India line to Sheikh bashiir middle school to 26 june orentaion center aka bar ubax, liinkii police ka ….marka saad ku so dhawaanaysaa jeelkii. Do you think you could se beerta Xoriyada from there?

Loool@ luck up liqaaye wa runta hadaad soo wareegtiid oo aad so martiid Hindia lineke all they up ila iyo ina sheikh farax internetcafeygiisa laakin hadaad si fiica u eegtiid beerta xoriyada aad bey uga shisheysa , maybe its just my eyes but jeelku iyo guriga shaqaaluhu wa same color :lol:
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: UDUB in Hargeisa Today LOL

Post by Dhaga Bacayl »

[quote="The_Emperior5 maybe its just my eyes but jeelku iyo guriga shaqaaluhu wa same color :lol:[/quote]


Pretty much, although the new prison is plain white with no outside decoration.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: UDUB in Hargeisa Today LOL

Post by LiQaaye_TDH »

Waryaaraheen even i know, the where the new prison is :lol: :lol: :lol: :lol: Wada Togdheer Road aya hore loo sii Maraya, Very close to the New Qaran Express Building, Laakin i still havent seen this Beerta Xoriyada.... So Beerta Xoriyada Must be in Central Hargeisa...

Laakin what is that Building? it must be some kind of Hotel... i
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”