Daahir Riyoole oo Saaka 4.30am Xufff Ku Dhaafay BURCO

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Daahir Riyoole oo Saaka 4.30am Xufff Ku Dhaafay BURCO

Post by LiQaaye_TDH »

Madaxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa caawa Safar Guure ah oo aan hore loo sii shaacin ugu Kicitimay Gobolada Bariga, gaar ahaan Gobolada Burco Iyo Sanaag.



Safarka madaxweynaha oo aan la garanayn cida ku wehelinaysay, ayaa waxaan indha-hayga ku arkay oo uu madaxweyhunu la socday baabuurta aanay xabadu karin, wakhtigaas oo aan suuga badhtamihiisa ku suganaa, waxa la sheegay inuu Madaxweynuhu ku horeyn doono Gobolka Burco, ila markaana uu uga sii gudbi doono Gobolka Ceerigaabo, lama garanayo mudada uu ku sugnaan doono goboladaasi. Hasayeeshe sida ay tibaxayaan warar ku dhow dhow safarka Madaxweynaha ayaa sheegayaa inuu la kulmi doono mudada uu ku sugan-yahay halkaasi Odayaasha iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB ee Gobolada Burco iyo Sanaag.



Safarka Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu Caawa abaaro 11:00 habeenimo ugu an-babaxay Gobolada Bariga ayaa daba socda safarka uu gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ku marayo Gobolada Bariga, isaga oo Guddoomiyuhu muddo todobaada ku sugnaa Gobolka Burco oo uu ka helay taageerayaal badan, saakana uga sii gudbay Gobolka Sool oo uu ku sugan yahay wakhtigan.



Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa isaga lagu wadaa inuu maalinta beri oo Arbaca ah uu safar ugu anba-baxayo Gobolka Awdal ee uu madaxweyne Rayaale ka soo jeedo.



Si kastaba ha ahaate, Si talan-taali ah ayey madaweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin Iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo isugu kala waydaarteen mid-ba Gobolkii uu ka kale u dhashay inuu olole taageero raadis uu ku tagay. Waxaad halkaasi ka garan kartaa heerka xasaasiga ah ee uu marayo ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland ee la filayo inuu dalka ka dhaco 26 June 2010, iyo hirdanka Axsaabta qaranka Somaliland ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ee ay dadka ku kala jiidanayaan.



Wixii war ka soo kordha Safarka Madaxweynaha ee uu ugu Kicitimay Gobolada Bariga kala socda Shabakada Hadhwanaagnews wakhtiyada soo socda………………….



Mustafe-Janaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

E-mail:janaale94@gmail.com
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Daahir Riyoole oo Saaka 4.30am Xufff Ku Dhaafay BURCO

Post by The_Emperior5 »

:lol: :lol: :lol: riyaale is not a fan of burco tooss bu ceel afweyn u gallay ceerigabo taggay :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”