Berbera(Berberanews): 09, June, 2010:- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta dadweynaha Magaalada Berbera ku dhaqan ee taageera Xisbiga UDUB kala qaybgalay isu soo baxa ololaha doorashada oo maalintiisii saddexaad UDUB cududdiisa muujiyey, isla markaana waxa uu ugu baaqay inay mar labaad codkooda siiyaan dadka reer Saaxil Xisbita talada haya ee UDUB.
Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, ahna Musharaxa jagada ku-xigeenka UDUB oo uu Guddoomiye ku-xigeenna ka yahay, waxa saaka si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Berbera iyo deegaanno kale oo uu safarkiisan taageero raadiska ah ku maray. Waxaanu dadweynaha reer Berbera uga mahadceliyey sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen. “Xisbiga UDUB, waa Xisbi fac wayn oo ku bilaabmay ama uu bilaabay Marxuum Cigaal, Xibiga Xukuumiga ah, waa Xibi sugay amnigii, caddaaladdii, waa xisbi illaa 1991-kii l a soo rarayay, waa xisbi hayihin ah, maaha xisbi layli ah oo degdegaya, ee waa Xisbi degan horumarna dalkan iyo dadka u horseedi kara. Sidaa daraadeed, waxaan idinka codsanayaa haddii aad dadweynaha reer Saaxil tihiin inaad mar labaad codkiinna na siisaan.” Ayuu yidhi
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay haddii ay doorashada madaxtooyadu si nabagalyo ah dalka uga dhacdo in ictiraafkii Somaliland dunidu bilaa hadal ugu dhawaaqayso, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku. “Haddii nabadgalyada la adkeeyo, doorashadu si degan u dhacdo waxa innoo xiga in citiraafkii oo la helo,in horumar aynu gaadhno, haddii aynu ku codayno nabadgalyo ictiraafkeennu waxa uu saaran yahay oo laga soo qaadayaa daaqadda, shuruud dambe oo dunidu innagu xidhaysaa doorashadaas oo nabad ku dhacda ayaa ugu dambaysa. Maantana waxa innoo ballan ah maalinta la codaynayo oo ah maalintii cidhiidhiga aynu waddankeenna ka dulqaadnay ee 26-ka june ee aynu xornimada helnay, maantana ku beegan maalinta la codaynayo, sidaa awgeed waxa innoo ballan ah inaad Xisbiga UDUB codka ugu riddaan.” Gaadiid tira badan oo ay wataan taageerayaasha iyo masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga UDUB ayaa socod ku marayay waddooyinka dhaadheer ee Magaalada Berbera maanta, kuwaasoo lulayay calamada Xisbiga UDUB, ka Somaliland, iyo caleemo qoyan, isla markaana ku dhawaqayay, UDUB ha guulaysato iyo weedho la mid ah.
Madaxweyne ku-xigeenku, waxa uu isla maanta gaadhay deegaanka laasa-dacawo ee deegaanka Berbera, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey isaga iyo Weftigiisa oo ay Masuuliyiinta heer Gobol ka soo hoggaamiyeen Berbera, waxaana ujeedada safarkoodu ahayd, mid ay taageero kaga raadinayaan dadka deegaanka, isla markaana ku dardargelinayaan hawsha ololaha oo Xisbiga UDUB maalintii saddexaad maanta u soo baxay. Madaxweyne ku-xigeenka iyo Weftigiisu waxay dib ugu laabteen Berbera, halkaas oo la filayo in caawa Masuuliyiinta Xukuumadda Xisbiga UDUB iyo Kuwa UDUB-ba kala hadlaan dadweynaha fagaaraha 26-ka juun ee magaalada Berbera, oo maadaamoo ay Magaaladu kulayl tahay habeenkii Xisbiyadu taageerayaashooda khudbado uga jeediyeen, kuna soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed ee ay codka kaga doonayaan iyo waxyaabaha ay qabanayaan haddii la doorto. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa labadooduba safarro taageero raadis ah kaga maqan Caasimadda Hargeysa, ka dib markii Madaxweyne ku-xigeenku xalay u ambabaxay Gobolka Saaxil, Madaxweynuhuna galbata u kicitimay dhinaca Gobolka Sanaag, isaga oo diyaarad ka raacay Magaalada Hargeysa, isla markaana caawa ku hoyday magaalada Ceerigaabo ee xarunta Sanaag oo lagu soo dhaweeyey.
Axmed Yaasiin oo reer saaxiil siwayn uu soo dhoweeyeen
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Axmed Yaasiin oo reer saaxiil siwayn uu soo dhoweeyeen
saaxiil will go to kulmiye and ucid.
Udub is losing big
Udub is losing big

- NewHargeisaGirl
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4876
- Joined: Sat May 30, 2009 11:49 am
Re: Axmed Yaasiin oo reer saaxiil siwayn uu soo dhoweeyeen
Bohol,
Hey, I am in the process of learning the somaliland politics nowadays, can u tell me which party has the majority of members in the parliament
Hey, I am in the process of learning the somaliland politics nowadays, can u tell me which party has the majority of members in the parliament
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Axmed Yaasiin oo reer saaxiil siwayn uu soo dhoweeyeen
udub Has majority MPs Seats
do u want join Somaliland Mps? If yes I will Vote for u
do u want join Somaliland Mps? If yes I will Vote for u
- NewHargeisaGirl
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4876
- Joined: Sat May 30, 2009 11:49 am
Re: Axmed Yaasiin oo reer saaxiil siwayn uu soo dhoweeyeen
Bohol iyo karaman wrote:udub Has majority MPs Seats
do u want join Somaliland Mps? If yes I will Vote for u
Oh thanks for the info walalo

ps. I dont have any desires or aspirations of becoming a politician, but thanks for da thought

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 339 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 3 Replies
- 583 Views
-
Last post by bashe19
-
- 25 Replies
- 2316 Views
-
Last post by Substance
-
- 44 Replies
- 5814 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 46 Replies
- 7117 Views
-
Last post by Landerious
-
- 3 Replies
- 812 Views
-
Last post by dalalos101
-
- 13 Replies
- 1128 Views
-
Last post by Gatspy