********** Haduu Dhul Sheeganayo Wardheer ha Tago [Dhegayso Waraysi]
June 9, 2010
By Axmed Muuse Dheere
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Waraysi xasaasi Ah oo u Siiyey Idaacadda Daljir ee laga maqlo intaa badan degaanada Puntland waxa u kaga hadlay arrimo badan oo aay ka mid yahiin Sheegashada Puntland ee Gobolada Sool Iyo Sanaag, Xarigii Wariye Maxamed Shaqaale Caashur Ee Laascanood, Nabada Somaliya, Iyo Weliba Ictiraafka Somaliland, Waraysigan ayuu Idaacada Siiyey isaga oo ku sugan Degmada Gar-Adag ee Gobolka Sanaag
Xariga Wariye Shaqaale
Saaka ayaa la xiray Wariyaha Tv-ga Universal uga soo warama magaalada Laascanood kadib markii lagu Eedeyey inu warar been ah ka gudbiyey Booqashadii Eng Faysal cali waraabe ee Maalinimadii shalay u ku yimid Laascanood, Wariyaha ayaa Tv-ga Universal ka sheegay in Banaanbaxyo loga soo horjeedo Eng Faysal aay ka dhaceen Laascanood, Waxana u xabsiga ku jiray Muddo Shan saac ah in kasta oo markii dambe la fasaxay
Dhegeyso Waraysi
Haddaba Eng Faysal ayaa sheegay in Wariyaha u warar aan jirin ka Sii daayey Tv-ga Universal isla markana warkaasi u aha Been sidaa u sheegay Guddoomiyahu
Reer Sool
Waxa u Sheegay in dadka Reer Sool Ama Laascanood iyo Shacabka Somaliland aay yahiin dad Walaalo ah oo aan dhul iyo degaan midna kala laheyn
Dadka reer Sool ”Ceynabo waa leyahiin Berbera waa leyahiin ma aha in dadka nabada iyo Horumarka loo diido”
Puntland
”Ma Aqaani wax la dhaho Puntland”
**********
”Reerka ********** la dhaho waa reer aan gacal nahay waa reer aan Ehel nahay, ********** inaan dhul isku sheegana ma aha, Hadii ********** dhul sheegan Wardheer ha tago”
Sidoo kale waxa u sheegay in Gobolada Sool Iyo Sanaag aysan aheyn sidi Jubooyinka sidaa u hadlaka u dhigay
Daahir Riyaale
Mar u ka hadlayey Madaxweyne Riyaale ayuu sheegay Guddoomiyahu in Madaxweynahu u Shacabka Khiyaamay ”Riyaale waa Khiyaamay Ummada” Ayuu yiri Eng Faysal cali Waraabe
Waxa u sheegay in Ictiraaf u raadinta Jamhuuriyadda Somaliland u ka seexday Madaxweynahu, waxana u sheegay in Hadii u Xukunka ku guuleysto baaritaan ku sameyn doono Arrinta dowladdo iyo dad badana Waraysan doonan, waxana u sheegay in Ummada uusan Daahir Riyaale waxba ulaa harin sidaa u Waraysiga ku yiri
Sidoo kale Eng Faysal Cali waraabe waxa u sheegay in Hal Sano Gudaheed aay ku keeni doonan Ictiraafka Somaliland, in kasta oo u yiri ”Illaahay ba wax ictiraafa ee (GAALAdU) waxba ma ictiraafto”, Waxa u sheegay in Ictiraafka aay kaga welwel badan tahay isaga Sidii u Xuduudaha Somaliland u soo Xiri laha, Isla markana u Ummada uga badbaadin laha Faqriga Waa Sidaa u hadalka u dhigay Guddoomiyahu’ee
Nabada Somaliya
Ugu dambeyn waxa u sheegay inay Somaliya nabadeed u ka hawlgeli doono hadii u doorashada ku guuleysto, isla markana waxa u sheegay in sidaa Bosaso iyo Garoowe aysan u dhaqmi doonin iyagu ee aay Somalida sii Wanaagsan arrimahooda u dhexgeli doonan
Waxa u sheegay in Xalka Somaliya uusan ku jirin, gacan Mareykan, Ethiopian, Kenyan, Iyo Ugandhis balse u ku jiro Gacan Ummadooda
Galgalanews@yahoo.com
Audio Verification can be found here
http://www.facebook.com/video/video.php ... 758&ref=mf
Faisal Cali:”Ma Aqaani wax la dhaho Puntland” (Warbixin)
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 10 Replies
- 1387 Views
-
Last post by JSL3000
-
- 13 Replies
- 1330 Views
-
Last post by Saraxnow
-
- 13 Replies
- 1992 Views
-
Last post by bumps
-
- 2 Replies
- 932 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 9 Replies
- 1104 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 1 Replies
- 655 Views
-
Last post by KingMX
-
- 7 Replies
- 836 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 0 Replies
- 539 Views
-
Last post by Django
-
- 10 Replies
- 959 Views
-
Last post by hargaysaay