DUUR iyo Xubno KULMIYE-ysan oo Laga Caydhiyey Degmada Go’da-weyn
Written by Yool
Jun 10, 2010 at 04:48 AM
Go'da-weyn(Yool)-Wararka ka imanaya Degmada Go'da-weyn ee Gobolka Saaxil, ayaa sheegaya in dadweynuhu mudaharaad kala hortageen xubno ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE, kuwaasoo isku deyaya inay hadalo ujeediyaan dadweynaha ku dhaqan Degmada Go'da-weyn, oo iyagu ku gudo jirey isu-soo-baxa Maalinta Saddexaad ee Xisbiga UDUB.
Isku daygan Xildhibaan DUUR iyo shaqsiyaadka kale ee KULMIYE-ysani ka sameeyeen Degmada Go'da-weyn, iyadoo aan la gaadhin Maalinta Xisbiga KULMIYE loo ogol yahay inuu ku soo bandhigo ololihiisa, ayaa ah mid si weyn uga horimanaysa ajandaha Komishanku u dejiyey ololaha Saddexda Xisbi Qaran, kaasoo sida aynu la wada socono ah Maalin-ba Xisbi inuu soo diyaariyo qorshihiisa iyo weliba cududa taageerayaashiisa.
Xubnaha KULMIYE-ysan ee uu gadhwadeenka ka yahay Xildhibaanka guur-guurka badan ee DUUR, ayaa waxa wararku sheegayaan inay ku qayliyeen dadweynihii isu-soo-baxa samaynayey, ka dib-na waxa markii danbe arinta soo garogeliyey Taliyaha Ciidanka Booliska, oo isagu ku wargeliyey xubnahaasi inay ka baxaan Magaalada, maadaama aan la gaadhin Maalintii Xisbiga KULMIYE.
Xubnahan KULMIYE-ysan oo tiradoodu gaadhaysay ilaa Toddoba xubnood, ayaa marka laga reebo Cabdiraxmaan Dhadhan, waxay intooda kale ahaayeen kuwo la falaagoobay cadho ay ka qaadeen, ka dib markii laga xayuubiyey xilalkii ay hayeen, waxayna shaqsiyaadkaasi xilal ka soo qabteen Degmada Go'da-weyn oo laba ka mid ah ay ahaayeen Guddoomiye iyo Ku-xigeen, halka qaar kalena ay madax ka noqdeen Wakaalada Biyaha Berbera iyo Guddomiye-ku-xigeenka Degmada Mandheera,kuwaasoo kala ahaa Guddoomiyihii iyo Ku-xigeen Degmada Go'da-weyn, Cabdiraxmaan Dhadhan, Maxamed Caabi, Cali Xaaji, Aadan Dheere, Baxnaan iyo Raage.
Duur iyo kulmiye o laga caydhsaday Go'da-wayn
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Duur iyo kulmiye o laga caydhsaday Go'da-wayn
I am proud of Go'daweyn - Saxiil that is Abdirahman Cirro's hometown, Goda'weyn is with UCID mostly they made their choice clear.



- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Duur iyo kulmiye o laga caydhsaday Go'da-wayn
Go`da weyn iyo deegaamada kalee Muuse Cabdale waa 100 % Ucid. Muuse Cabdale waa dad aad isugu duuban oo sida Habar Jeclada ayay is urursadaan
Re: Duur iyo kulmiye o laga caydhsaday Go'da-wayn
kaliil, indeed Musa Cabdalle wa daad dantooda yaqaana the great colonial fighter Yusuf Xaaji Aadan AUN was from them.
- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Duur iyo kulmiye o laga caydhsaday Go'da-wayn
Muuse Cabdale rag badan oo caan ahaa baa dhashay. Lixle, Sumuni, Cabdulqaadir Koosaar iyo rag badan oo kale oo SNM madax ka ahaa ayaa ka dhashay.
Re: Duur iyo kulmiye o laga caydhsaday Go'da-wayn
Kalil, actually Abdiqadir Koosar the third SNM chairman AUN was Reer Waraabe - Xirsi Cismaan.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 32 Replies
- 3125 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 14 Replies
- 876 Views
-
Last post by udun
-
- 6 Replies
- 2856 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 5 Replies
- 855 Views
-
Last post by NewHargeisaGirl
-
- 10 Replies
- 831 Views
-
Last post by gurey25
-
- 9 Replies
- 778 Views
-
Last post by Enlightened~Sista
-
- 11 Replies
- 2097 Views
-
Last post by JSLBerbera
-
- 1 Replies
- 298 Views
-
Last post by BankiiTuuyo
-
- 4 Replies
- 841 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 15 Replies
- 2651 Views
-
Last post by salafi_student