Madaxweyne RAYAALE oo Ceerigaabo Kala Kulmay soo Dhoweyn Fajac Gelisay KULMIYE
Written by Yool
Jun 10, 2010 at 04:42 AM
Ceerigaabo(Yool)-Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ay weheliyaan xubnaha ugu miisaanka culus Golihiisa Wasiirada, ayaa shalay gelinkii dambe ka degay Garoonka Diyaaradah ee Ceerigaabo ee xarunta Gogolka Sanaag.
Madxweynaha oo socdaalkiisu ku soo beegmay xilli ay dalka ka socdo hawlaha loogu diyaar garoobayo Doorashada Madaxtooyada, taasoo la filayo in ay dalka ka qabsoonto 26-ka 2010-ka.
Madaxeyne Rayaale iyo Weftgiisa ayaa sida uu sheegay weriyaha Wargayska "Yool" ee Magaalada Ceerigaabo, waxa gegidda Diyaaradaha ee Ceerigaabo hafiyay Kumanaan ka mid ah taageerayaasha Xisbiga UDUB, kuwaasoo ku shaqlanaa calamka Somaliland iyo kan Xisbiga UDUB, isla markaana lulayay sawirada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xgeenka, boodhadh ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo ay ka mid yihiin "Madaxweyne ku soo dhowow gacmo diiran... kuna bushaarayso Codkayga."
Haddaba, waxaanu halka idiinku soo gudbinaynaa war-bixin uu halkaa nooga soo diraya Weriyahayga Gobolka Sanaag Cabdinaasir Khaalid Siciid, iyadoo faah-faahsana waxay u qornayd sidan:
"Waxa galinkii danbe ee ee maanta ka soo degey dhabada ay diyaaraduhu ka haadaan ee Magaala madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo wafti uu hoggaaminayo Madxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxaana safarka Madaxweynaha ku weheliya xubno Wasiiro ah Xildhibaano iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UDUB, iyadoo ay halkaa ku soo dhaweeyey masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka Cadaalada iyo Garsoorka, Gudoomiyaha Gobolka, Duqa Degmada, Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Qaranka, Salaadinta iyo Madaxda-dhaqanka.
Madaxweynuhu intii uu ku sugnaa madaarka Ceerigaabo, waxa uu salaan sharaf ka ga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland, intaa ka dib waxaa uu gacan qaadya Madaxdhaqameed tiro badan oo madasha ku sugnaa iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB, ka dina waxa Madaxweynaha iyo wefdigiisa loo galbiyey dhinaca iyo Magaalada, iyadoo jidkana ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbiga UDUB, madaxweynuhu waxa uu mahadnaq balaadhan u jeediyey taageeryaasha Xibiga UDUB, waxaana ka mid ah hadalo kooban Madaxweynuhu halkaa ka jeediyey "Dhamaan bulshada reer Ceerigaabo iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB ee sida weyn I soo dhaweeyey waad mahad san tihiin dib baynu u wada hadli doonaa."
Safarkan Madaxweynaha oo sida la sheegay qaadan doona muddo hal maalin ah, ayaa waxa socdaalkiisan Ceerigaabo ku weheliyay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, Madaxda Sare ee Xisbiga UDUB, iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Xisbiga UDUB.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Magaalada Ceerigaabo, waxa Madaxweynuhu kulamo la yeeshay dadweyne aad u tiro badan, kuwaasoo isugu jirey qaybaha kala duwan ee bushada, waxaana la filayaa in Madaxweynaha iyo wefdigiisu inay gelinka danbe ee Maanta dib ugu soo laabtaan Mgaalada Hargeysa.
Yool
Madaxwayne Riyaale oo siwayn logu so dhoweeyey Ceerigabo
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Madaxwayne Riyaale oo siwayn logu so dhoweeyey Ceerigabo
There was a video of the event on universal tv , but i could not find it on youtube sii fiican ba lo so dhaweye madaxweynaha 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 53 Replies
- 2667 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 1 Replies
- 349 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 291 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 6 Replies
- 514 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 31 Replies
- 3034 Views
-
Last post by koohi
-
- 12 Replies
- 732 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 7 Replies
- 737 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 516 Views
-
Last post by pmfaraajo
-
- 4 Replies
- 551 Views
-
Last post by NewHargeisaGirl
-
- 6 Replies
- 605 Views
-
Last post by LusciousBella