Maakhir State inuu Hano Qaado Maxaa Hortaagan ??
Ruux walba kartidiisa iyo gudaalkiis, karaanka iyo awooda gaar ka ah ee uu Eebe ku manaysto shakhsi kasta, waxa ay midho dhal noqotaa oo loo aayaa marka uu garto ruuxa sidda masuuliyadaasi garto awoodiisa iyo tamarta ku kaydsan ee ubaahan mar’uun in si toos ah loo soo gudbiyo oo banaanka loo soo saaro, garashada shakhsiga awoodiisa iyo jiritaankiisu waxa ay gundhig u tahay ka fekerka aayaha in in ruuxu uu si wayn ufekero iskuna tashado isaga oo aan cid kale hoostagayn ama ka sugayn taakulo, tiirbuuxsi iyo jaale garabsiinba, haddaba maamul madax banaan oo ay ku dabo faylaan bulsho iyo dad habdhaqan iyo hufnaan wanaagsan lihi oo aad loogu ooman yahay maxay tahay sababta hortaagni, “Maakhir State Of Somalia”.?
Maakhir State of Somalia, waa xukuumad dhidibada loo taagay bilowgii sanadii 2007 dii iyadoo ka arimin jirtay deegaanka loo yaqaanay Northern Sultanate of Somalia, ayna hoos iman jireen gobolo iyo dhul aad baaxadiisu u balaadhantay, wakhtigaasi la aas aasay xukuumada Maakhir State of Somalia waxa ay nayaayiro iyo hiyi kac aad u wayn gelisay bulsho waynta Maakhir ee degan dhulka aadka ubaaxada wayn ee buur iyo banaan , bad iyo beri leh iyo jaalkooda deriska ah oo qaybo kamid ah ay ku dhaqanyihiin degaanada lagu muransanyahay.oo arinkaasi aad usoo dhoweeyey.
Coll Xusuus Mudan X-Madaxwayne Maakhir
Magaca Maakhir oo ah magac ku baxay horumarkii iyo iswaydaarsigii ganacisga ee bulshada Makhir iyo kawada dhexeeyey dadyowgii carbeed ee ee ganacsiga u soo doonan jiray Soomaaliya, iyo weliba ganacsatii Hindida ahayd ee geeska Africa iyo Somaliya usoo doonan jirtay iswaydaarsiga ganacsiga ay ka mid yihiin hargaha,fool maroodiga,maydiga iyo fooxa oo wadankaasi aad hoddon ugu yahay.
Hana qaadka xukuumadaasi waxa uu yididiilada ka sokow abuuray midnimo iyo nuurkii iftiinka hogaanka cusub ee lagu yaqaanay bulshada Maakhir, iyadoo sida magaca ka muuqata ay ka turjumayso hormuudka xadaarada iyo bilowgii Soomalida cusub in ay ka soo burqatay Badda Cas ee deegaanka Maakhir ku teedsan yahay. Tani oo ay gundhig u tahay Nabad jecaylka,xadaarada iyo furfurnaansha bulshada Maakhir, oo ah dadkii ugu horeeyey ee ganacsi Soomaaliyeed abid bilaaba?
Haddaba Xukuumada Maakhir oo si heer caalami ah loo ictiraafay ,iyadoo dawlada Federalka Kumeel gaadhka ah TFG ay siisay warqadii cadaynta maamulka “Legitimacy letter”. Hay’ada qaramad Middoobayna “UN” ay u ansixiyeen deeqaha gaarka ah ee loogu talagay maamulka iyo dadka deegaanka in si toos ah loo mariyo Maakhir State of Somalia, si ay u gaadho ka faa’iidaystayaasha. Bulshada Maakhir ee ku dhaqan daafaha aduunku iyo umada Soomaaliyeed ay taageero buuxda Siiyeen Maamulka iyo Hoggaankiisa si fiican ay ula dhaceen.
Guntii iyo gebagebadii waxaa is waydiin mudan waxa hortaagan Maamulka Maakhir State oo dhul juqraafi ahaan baaxad wayn leh ka arimiya iyo Shacab “Population” aad utiro badanina hoos yimaadaan waxa hortaagan, waxaa jira maamulo ka danbeeyeyn kana fac iyo dal yar Maamulka Maakhir balse manta iyaga oo aan haysan ictiraaf iyo deegaan buuran oo ay ka taliyaan hadana si fiican u hana qaaday tusaale ahaan Maamulka Galmudug, Maamulka Ximan iyo Xeeb. Oo xawli aad u dheer ku soconaya sida cad labada Maamul waxa ay ka jiraan labo gobol oo dhinacna maamulka Puntland ka arimiyo dhinaca kalena ay ku herdamayaan Kooxaha Siyaasada koonfurta Soomaaliya isku mari la’.
Warka nuxurkiisa ruux walba waxa uu yahay sida uu iska dhigo, wax aanuu iska dhigina cid kale kama ay dhigto, wax aadan samaysan oo keensan lagu samayn maayo wax aadan doonan lagula doonan maayo, cad aadan dhacsan lagula dhacin maayo, qayb aad raadsana lagula raadin maayo, xaq aad leedahayna daw cad ayaa lagaa marinayaa hadii aadan ku doodin.
Bulshada Maakhir oo sumcad sharaf iyo hogaansan ku leh guuda ahaan caalamka gaar ahaan umada Soomaaliyeed in ay dib ugu laabtaan maxaa la gudboon oo kaga habboon Maamul u gaar ah? Iyadoo aan loo eegayn Maamul beeleedyada Hareeraha ka xiga Deegaanka Maakhir oo deris iyo isirba la wadaago, iyadoon la xeerinayn danaha deriska iyo isirka laga arinsado danta Maakhir iyo waxa aayeheedu noqondoono?
Sidoo kale in aan dib loo gocan khaladaad iyo farsamo xumo ka timi bilowgii maamulka iyo jiritaankiisa, iminka ayay ku habboontahay in lays waydiiyo Caano daatay dabadood laqabay. Hadii kale waxaa iman doonta maalin ay intan ka fogyahay arinku talona ay faro kabaxday.
Baadida ninbaa kula deydeyi daalna kaa badane,oo dooni hayn inaad hesho daa’in abidkaaye Hor istaaaga iyo hagar daamada illaha iyo khayraadka, horumarineed ee bulshada Maakhir waxaa caqab iyo hor istaag ku ah oo aan doonayn abid in hore ay Maakhir u talaabsato dadyow daacadnimo iyo walaaltinimo bulshada Maakhir ka aaminsanyihiin balse hagar daamo iyo xisdi ku wada sida labada Maamule ee Maakhir deriska iyo isir wadaagu uu ka kala dhexeeyo.
Kalsooni hogaan wanaagsan, nabad jeceyl iyo horumar waxaa hormuud u ah bulshada Maakhir, uma qalanto mana ay qaayibi doonta is jiid jiid iyo barabixin deegaan ama sheegasho shaqsiyaad iyo siyaasiyiin u ololeeya xaglinta iyo taageero docaynta maamulada isir iyo derisku inaka wada dhexeeyo.
Isweydii wakhtigaan xaadirka waxa lagusoo kordhinkaro deegaanka dalka iyo dawlad hannata hogaan taam ah oo umada ujiida dhanka san inaga oo aa ka tagayn marwalbana kutaagnaanayna Soomalinimada. Dadka ugu aqoonyahanada,mutacalimiinta iyo xaddaarada baddan umada Soomaaliyeed waxaa xaqiijiyey in ay yihiin Maakhir, hase ahaatee aqoon aan laga faa’iidaysan waxtarkeedu ma buurna,waan hubbaa oo ku rajo waynahay in wadatashi iyo shirar badan oo lagaga hadlo aayaha ay keeni karaan in dib boodhka looga jafo Maakhir State of Somalia.
Waraaqdii Maakhir State u Qortay Dawlada Federaalka Somaliya
----------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Maakhir State inuu Hano Qaado Maxaa Hortaagan ??
Moderator: Junior Moderators
-
oldenglish
- SomaliNet Super

- Posts: 5673
- Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
- Location: The Kingdom of Maakhir Coast
-
oldenglish
- SomaliNet Super

- Posts: 5673
- Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
- Location: The Kingdom of Maakhir Coast
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 429 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 374 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 40 Replies
- 4993 Views
-
Last post by Somali2003
-
- 10 Replies
- 1082 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 2 Replies
- 902 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 10 Replies
- 1796 Views
-
Last post by James Dahl
-
- 27 Replies
- 3675 Views
-
Last post by James Dahl
-
- 38 Replies
- 3291 Views
-
Last post by gurey25
-
- 0 Replies
- 722 Views
-
Last post by watchmenow
-
- 34 Replies
- 2766 Views
-
Last post by theyuusuf143
