Reer Maakhir Wax Maku Darsadeen S/land iyo PL
June 11, 2010
By Admin
Eeb inta baddan aduunka markii uu uumay wax walba wuxuu ka dhigay labo, sida cir iyo dhul, lab iyo dhedig, dhib iyo dheef,samaan iyo xummaan, dad iyo duunyo, Eebe isaga ayaa ah Keli, sidoo kale waxaa jira dunida guudkeeda waxyaabo aan is qaadan ama isku dhex milmi karin haddii aan si kale udhigo aan is hoostegi karin ,Maakhir State of Somalia waa Maamul ka madax banaan in uu hoostago ama magac xitaa la wadaago oo uu jaal lanoqdo, maamulo ay deris iyo isir wadaag ka wada dhexeeyo.
Maakhir waa magac gun iyo fac wayn wuxuu jiray wakhtiyo badan, iyadoo aan la aqoon magacyada haataan ee maamul goboleedyadu burburkii kabacdi ay la baxeen, haddaba Maakhir State OF Somalia, waa maamul ka jira dhul aad ubaaxad balaadhan juqraafi iyo shacab ahaan wuxuu ka koobanyahay, Gobolada Sanaag,Haylaan,Bari,Rad iyo Xaari,
Maakhir waa maamul ka madax banaan Maamulada Deriska iyo isir wadaagta uu la yahay ee kala ah Puntland iyo Somaliland, waxa qudha ee ka dhexeeyaan waa deganaanshaha mandaqada,derisnimada iyo isirwadaaga, deegaanka Maakhir waa deegaan xadidan oo baaxada uu ku fadhiyo la wada ogsoonyahay.
Maakhir State of Somalia waxaa ictiraafay dawlada TFG sanadkii 2007, sidoo kale ha’ayda caalamiga ah ,qaramada midoobay “UN”iyo bulshada caalamka “International Community” waxay isla meel dhigeen iyo deeqaha kaalmada gargaarka ee Soomaaliya la siiyo sanad walba, bulshada Maakhir loo sii mariyo Maamulka Maakhir State of Somalia.
Dhisitaankii labada Maamul ee Puntland iyo Somaliland, waa ay jirtay in labada maamul ay bulshada Maakhir gundhig u ahayd qayb wayna ay ka qaadatay dhisitaankii labada maamul hase ahaatee markii ay cadaatay in balamihii iyo heshiisyadii lawada galay sanidihii 1993 iyo 1998 ee lagu kala yagleelay labadaasi maamul, sidii ay ahaayeen loo fulin waayey oo laga leexday dawgii loogu talagalay ee heshiisku ku saxiixnaa, waxaa bulshada Maakhir ay goosteen in ay dhistaan maamul ugaar ah oo kamadaxbanaan laguna magcaabo Maakhir State Of Somalia.
Haddaba bulshada ayaa waxaa iskaga khaldan waxa ka dhexeeya Maakhir State iyo Labada maamul ee kala ah Puntland iyo Somalia, balse majiraan wax ka dhexeeya oo aan ahayn in dadka deegaanka eebe ku wada unkamay oo ay kala ilaashadaan Nabadgelyada, derisnimada iyo isirka ka dhexeeya bulshada juqraafi ahaan degan Makhir State of Somalia, Puntland iyo Somaliland.
Sidaasi daraadeer majirto wax layiraahdo bulshada deegaanka Maakhir wuxuu ka tirsanyahay labaadi maamul midkood, waa deegaan iyo bulsho dhaqaale ahaan,nolol ahaan, iyo horumar ahaanba si gaar ah isugu filan, oo leh kaabayaashii dhaqaale ee horumarineed sida wadooyinka, cusbitaalada, waxbarasha,biyaha nadiifta, jawi degan iyo deegaan barwaaqo, oo leh bad iyo beri buur iyo banaa, iyo dhul ku haboon nolosha iyo daaqsimeedka.
Sida taariikhda ku cad dadwaynaha bulshada Maakhir tan iyo intii halkaasi lagu abuuray ma aysan hoostegin talis iyo maamul aan ka ahayn midka iyaga ugaarka ah, xitaa gumaystayaashii wadanka soo galay 1884tii wax talo iyo amar toona kuma aysan lahayn deegaankaasi oo waxaa ka arimin jirtay Saldanada Waqooyiga Somalia “Northern Sultanate of Somalia” lagamana yaabo in ay hoostagto ama wax laga waydiiyo maamulo yar oo dano dhawrsi ah oo dhowaan la aas aasay. bulshada deegaanku waxay ka amar qaataan Saldanada oo hab dhaqan ku hogaamisa iyo siyaasada guud ee Maakhir State of Somalia.
Mawqifka,talada iyo go’aanka bulshada Maakhir aad ayuu umidaysan yahay waxaana ka go’an horumar taam ah iyo in ay noqdaan hormuudka Soomaaliya si’ umad Soomaaliyeed looga samatabixiyo dhibaatooyinka,baahiyaha,colaadaha iyo mashaqooyinka ay kujiraan.
Warkii oo kooban,in maamuladaasi lagugu xidhiidhiyo bulshada Maakhir oo lagaga been abuurto maaha war ucuntama dadwaynaha Reer Maakhir, sababtoo ah marka loo eego boobka iyo dhacda dhanka horumarka iyo cadaadiska ay ka saareen ilaha dhaqaalaha, wax u ogolaansho la’aanta iyo xisdi taam ah oo aan qarsoonayn, oo dadkasi deriska ahi si badheeh ah ay ugula kacaan muqadas nimada Deegaanka,iyo Dadka Maakhir,arinkanise maaha mid wax udhimaya dareenka iyo Aaraahda fikradeed ee bulshad Maakhir mana hor istaagi doono horumarka iyo hogaanka guud eee ay ku taamayaan.
Reer Maakhir Wax Maku Darsadeen S/land iyo PL
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 5673
- Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
- Location: The Kingdom of Maakhir Coast
- Cirwaaq
- SomaliNet Super
- Posts: 6472
- Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
- Location: Event Horizon periphery... HIILumination
Re: Reer Maakhir Wax Maku Darsadeen S/land iyo PL
If you can bring peace to your region we will all support you
I would like to see your constitution and your viability analysis for Maakhir.

I would like to see your constitution and your viability analysis for Maakhir.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 5673
- Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
- Location: The Kingdom of Maakhir Coast
Re: Reer Maakhir Wax Maku Darsadeen S/land iyo PL
Peace has existed for the last 70 yrs till today 

- Cirwaaq
- SomaliNet Super
- Posts: 6472
- Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
- Location: Event Horizon periphery... HIILumination
Re: Reer Maakhir Wax Maku Darsadeen S/land iyo PL
correction If you can maintain peace for the people 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 557 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 3 Replies
- 343 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 9 Replies
- 1136 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 41 Replies
- 2409 Views
-
Last post by udun
-
- 0 Replies
- 821 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 0 Replies
- 200 Views
-
Last post by Jamac_Yare
-
- 41 Replies
- 2207 Views
-
Last post by Somali2003
-
- 1 Replies
- 1186 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 16 Replies
- 1032 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 13 Replies
- 1141 Views
-
Last post by muftaax