Madaxwaynaha Oo Reer Ceerigaabo la hadlay

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Madaxwaynaha Oo Reer Ceerigaabo la hadlay

Post by Bohol iyo karaman »

Ceerigaabo=Madaxweynaha Somaliland oo Fagaaraha Beerta Xorriyadda Dadweynaha Kala Hadlay.
Written by Qarannews
Jun 12, 2010 at 11:17 AM

Image
Madaxweynaha Somaliland Md-Daahir Rayaale Kaahin oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa muddo dhawr maalmood ah ku sugnaayeen magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa maanta gelinkii hore oo ay ahayd maalin ka mid ah maalmaha loo cayimay isusoo baxa taageerayaalka xisbiga Udub ee xilliga ololaha doorashada madaxtooyada waxa madaxweynuhu fagaaraha beerta xorriyadda Ceerigabo kala hadleen dadweyne aad u tiro badan oo ah taageerayaalka xisbiga Udub ee madaxweynuhu guddoomiyaha ka yahay.
Image

"Somaliland guul hanbalyo dhammaan dadka reer Sanaag ilaa maalintii aan imid soo dhoweyntii aad Ii samayseen kuma soo koobi karo kelmedo aan halkan ka sheego". Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay Madaxweyne-Daahir Rayaale Kaahin isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi "Halkan waxan imid anigoo madaxweyne-kuxigeen aha 1997-kii oo khilaaf Ceerigaabo gudeheeda ka dhacay aan u fadhiyey muddo laba bilood iyo badh ah si aanu dib ugu habayno ammaankana loo sugo taasoo Ilaahay mahadi haka gaadhee aan ku guulaystey dadkuna ay ila shaqeeyeen taas waxa ka horraysey Burco oo laba bilood iyo badh aan u fadhiyey nabadaynta anigoo madaxweyne ku xigeen ah iyadana waan ku guulaystey". "Raggan ila tartamayaa waxy doonaan hasheegteene anigu wax keliya ayaan u taaganahay oo ah Soamliland in ay nabad wad noqorto oo wad jirto oo mammulkana la wada gaadhsiiyo waad ogtihiin Somaliland wixii loo soo maray iyo maammuladii ka jirey oo uu ugu danbeeye kii aan madaxweyne-kuxigeenka ka ahaa ee Maxamed Ibraahim Cigaal oo aan ka dhaxlaty maammul shaqaynaya oo taabba-gal ah dimoqraaddiyadda iyo axsaabtana isaga oo qudha ayaa bilaabay". "Markii Madaxweyne Cigl geeridu ku timid Guurtida/Odayaal iyo dad badani waxay soo jeediyeen in doorashada saddex sano dib loo dhigo aniguna waxan idhi hal maalin dib loo dhigi mayee doorashada ayaa la gelayaa markaa doorasho anigaa bilaabay nin ka qayb galay waa jiraa laakiin nin ila sheegan karaa ma jiro ilaa maantana aniga ayaa wada". Xildhibaannadii waad maqlayseen hlkan ka sheegay in la diidey Sool iyo Sanaag oo doorashada la gaadhsiiyo gaaladii laftigoodu waxy yidhaahdeen lacag ku bixin mayno kuwaasi dan kale ayayba lahaayeen laakiin raggii lahaa dalkan ayaannu xukumaynaa oo haddana taas ku raacay waxay ahayd ayaan-darro".

"Ummaddan markii xilka lay dhiibey waxan ugu dhaartay in aan dalkan isu dhammays tiro oo isu wda keeno oo sinnaan iyo caddaalad wax loogu qaybiyo markaa ninka ku doodaya dalkani isuma dhammaystirna eek u doodaya inta wada joogtana in la kala kexeeyo kaas miyaa lagu aammini karaa xil ummadeed waa maya ayaan leeyahay". "Madaxweyne qaran ujeeddada loo yahay waa in ummadda uu isku hayo".

"Jaarkeenna Itoobiya ayaa tilmaanta kowaad innoo ah tilmaanta labaadna Jabbuuti ayaa innoo ah waxana mid kastaba ku wada nool qoomiyado kala duwan markaa raga arrimahooda ku darsanaya inteenna halkan ka wada tafiirannay in aynu kala dawlado noqonno oo la kala guro ma Somaliland bay rabaan".

Image
"Maanta wax badan ayaannu dalkan xukuumaddayadani usoo qabannay jaarkeenna oo aannu ka bilawnay iyo dawlado badanna saaxiibtinnimo ayaannu uga samaynay aniguna madaxweyne-kuxigeen iyo mdaxweyneba waan kazoo maray oo derejo Somaliland iigu hadhsani ma jirto laakiin doorashadan danbe waxan u rabaa wixii aan ka shaqeeyey oo Ii dhow-dhow in aan dhammaystiro taas ayaan idinka rabaa in aad iigu codaysaan". "Nin meel cusub manta ka bilaabayana gebgeb ayay ku noqonaysaa aniguse meel cusub kama bilaabine maammul shaqaynayey ayaan ka bilaabay". "Anigu madaxweynennimada ummadda reer Somaliland oo dhan ayaan ka rabaaye koox gaar ah iyo qabiil gaar ah toonna kama rabo waayo dadka Somaliland ayaan madaxweyne u noqonayaaye cid gaar ah iyo koox gaar ah u noqon mayo madaxweyne taas codkiinna ma igu siiseen". Dadweynaha ayaa aad ugu dhawaaqay Haa!!!.

"Diiwaangelintii manta dhacday mid saxan ma ahayn aniga iyo xisbigayguna waxan ballan qaadayaa in aan doorashadan manta mid ka danbaysa lagu gelayn ee isdiiwaangelin sax ah oo qof kastaaba hal mar diiwaangashan yahay ayaa doorashooyinka dabe lagu geli doonaa taas ayaa aniga iyo xisbigayguba ballan qaadaynaa waayo maanta waxa taagan in qofna toban kaadh haysto qofna la leeyahay ma diiwaangashanid oo codayn maysid".
Image
"Waxan kaloo idiin sheegayaa waddada Ceerigaabo in aannu dedaal ugu jirno Kuwait ayaan tegey oo waxan la kulmay Amiir-Sabaax Axmed Al-Sabaax waxan weydiistey waddooyin iyo madaarrada in uu innoo dhiso weftigii u horreeyey dhowaan ayay dalka yimaaddeen waxayna iga balln qaadeen laba madaar oo casri ah (Hargeysa iyo Berbera) waddooyinkuna waa ku xigaan oo Sanaagna kow ayay ka tahay. Biyahana qoladii Hilaal Axmar Al-Imaaraat waanigii Riig weydiistey markaa ceelka Gar-adag way qodeen ilaa iyo Ceerigabona way soo socdaan oo wixii ceelal laga qodi karo way qodayaan".

"Saaxiibbaday hadday yidhaadaan waxba lama qaban aniga ayuunbaa wax qabtee iyagu aflagaaddo iyo hadal keliya ayay shubayaan waxqabadna kuma tartamaynee xukuumadda Somaliland ayuun baa wax qabatay hadday tahay maammulka oo dalka la gaadhsiiyoo iyo hadday tahay tayada ciidank oo la dhiso waxqabadka xukuumadduna sida qorraxdaas ayuu manta u cad yahay aniguna wax baan ku daray ayaan leeyahay maammulkuna dhul aanu gaadhi jirin ayuu gaadhey qarannimo walaaltinnimo wada jir iyo midnimo ayaa lagu tartamayaa wax badanina waa innoo qabsoomeen waana wanaagsan tahay wixii kuu qabsoomay in aad taqaannid si aad u ogaatid horumarkaagu halka uu marayo". "Hore ayaan u idhi Somaliland cid u talisay u baahan tehee cid u abtirisa uma baahna markaa taas ayaynu wadaynaa waxana innoo ballan ah guusha Ilaah baa hayee codkiinna in aad Udub ku hubsataan ciidammada aniga iyo adinkuba aynu ku hurudnaana ammaan gaar ah ayay leeyihiin waad ogtihiin Burco wixii ka dhacay ee askar boliiska ahi ku dhinteen iyagana waan u tacsiyadaynayaa".

Image

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xubno ka mid ah wasiirrada xukuumadda xildhibaanno golaha wakiillada iyo weliba madaxda heer-gobol iyo heer-degmo ee Ceerigabo.

Waxa halkaas lagu soo bandhigay Calaamadaha xisbiga Udub iyo sawirrada madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka Cayaaraha iyo suugaanta hiddaha iyo dhaqanka halka ay jireen qaar ka mid ah taageerayaalka Udub oo jidhkooda kusoo ranjiyey calamdda xisbigoodan iyo waxyaabo kale oo dhammaantood ka turjumayey taageeradooda ku waajahan xisbigoodan iyo in ay dooran doonan madaxweynaha Somaliland iyo madaxweyne-kuxigeenkiisa.

Madaxweynaha iyo weftigii socdaalkiisa ku weheliyey ayaa waxay manta gelinkii danbe waxay garoonka diyaaradaha ee Ceerigabo uga duuleen dhinaca caasimadda (Hargeysa).

Qarannews/Ceerigaabo
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Madaxwaynaha Oo Reer Ceerigaabo la hadlay

Post by Bohol iyo karaman »

HALKAN WAXA IDINKA MUUQDA QOODHII OO DHAN

Image
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Madaxwaynaha Oo Reer Ceerigaabo la hadlay

Post by The_Emperior5 »

Bohol iyo karaman wrote:HALKAN WAXA IDINKA MUUQDA QOODHII OO DHAN

Image
I dont see rayaale in the pic does that mean he is not part of qoodha :shock:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”