Taageerayaal Aad U Fara Badan Oo ku so biiray UCID

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Taageerayaal Aad U Fara Badan Oo ku so biiray UCID

Post by Siciid85 »

Hargeysa: Taageerayaal Aad U Fara Badan Oo Soo Jeeda Deegaanka Waqooyiga Iyo Galbeedka Hargeysa Oo Ku Biiray Xisbiga UCID + SAWIRO

Hargeysa (Oodweynenews)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa maanta xaflad ballaadhan oo soo dhawayn u sameeyey tageerayaal culus oo ka soo jeeda deegaanka waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa oo ku soo biiray, kuwaas oo shaaca ka qaaday inay tageero hiil iyo hooba la gab taagan yihiin xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, isla markaana ay codkooda siinayaan.


Xafladan soo dhawaynta ahayd oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuulitiin sare oo xisbiga UCID ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cabdiraxmaan-Cirro], Musharaxa Madaxweyen ku xigeenka UCID Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Xoghayaha Guud ee xisbiga Muuse Xaaji Maxamed Guuleed [Muuse-Inji], Gudoomiyaha ololaha doorashada Saleebaan Daahir, Xildhibaano Golaha Wakiilada ka tirsan, masuuliyiin kale oo xisbiga ka mid ah iyo taageerayaasha ku soo biiray xisbiga oo isugu jiray Odoyaal, Garabyada Haweenka iyo dhalinyarada ee ka soo jeeda Beelaha degan Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa .


Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo xafladaa ka hadlay, ayaa si weyn hambalyeeyey taageerayaasha ka soo jeeda beelaha dega Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa, oo ku tilmaamay inay yihiin dad gartay waxa ay dabtoodu ku jirto, isaga oo ku ammaanay sida wax-ku-oolka ee ay ugu heelan yihiin inay taageeradooda iyo codkooda-ba siiyaan xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID.

Dr. Maxamed Rashiid waxa uu sheegay in xukuumada xilligan talada haysaa inay ay ku guul-daraysatay sidii waddanka uga saari lahayd mashaakilaadka kala duwan ee ay ka midka yihiin caafimaad-xumada, dhaqaale la’aanta iyo shaqo la’aanta baahsan ee waddanka ka taagan.


Waxaana taageerayaasha ku soo biiray uu u ballan-qaaday haddii ay codkooda siiyaan ina wax badan ka qaban doonaan baahiyaha kala gedisan ee deegaanadooda ka jira. Isaga oo tibaaxay in xisbiga UCID yahay ka keliya ee Somaliland ka saari karaya dhibaatooyinka hasta, sidii uu hore qaybta laxaadka leh uga soo qaatay badbaadinta Somaliland xilliyadii khilaafaadyadii siyaasadeed ee waddanka ka aloosnaayeen.

Waxana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Dadku waxa ay ka hadlaan Is-bedel, anagu ma hayso hadal lis-bedelaya, laakiin isebedelka aanu haynaa waa mid dhan ah. Is-bedelka ay Somaliland u baahan tahay waxaa keeni karaya dad afkaartooda, cilmigooda iyo jacaylkoodu isku xidhan yahay oo haya waddaniyada iyo Ummada Somaliland oo isku xidhan, oo magac beeleed oo keliya aan haynin, magac magaalo oo keliya aan haynin, hasayeeshee magaca Ummada haya, intaas waxaa laga helayaa xisbiga UCID.”

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Waxayanu isku ognahay haddii aad tihiin dadweynaha reer Hargeysa gaar ahaan degmooyinka la tilmaamay, oo farxad aad iyo aad u weyn noo ah, mar haddii aad idinku taageeradii na siiseen, waxaana ay noo sheegeen madaxdiinu in in-badan oo kalena soo socoto, waxaa muuqata UCID ahaan waanu helnay doorashadii,’ hadiiba ay Hargeysi sidaa u soo kacday oo ay UCID siinayso codkeedii doorashada 26-ka June, ilaahay mahadi ha ka gaadhee waanu helnay doorashadii. Waxa aynu isku ognahay dawladnimo casri ah oo Ummada u shaqaysa laakiin aan ka shaqaysan, oo aan Ummada kadeedin sida maanta waddanka ka taagan. Waxaanu idinka ballan-qaadaynaa inaanu dhisayno dawlada kooban oo aad la xisaabtantaan. taasina waa ballan diini ah oo inaga dhexeeya.”


Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay guul u tahay xisbiga UCID taageerayaasha ku soo biiray ee ka soo jeeda Galbeedka iyo Waqooyiga, oo uu ku si feeyey cuddud aan la dhayalsan Karin oo wax weyn ka tarasya halganka uu xisbigu ugu jiro hanashada jadagada madaxweynenimada Somaliland.
Waxa uu aad u cambaareeyey falkii argagixisada ahaa ee la damacsanaa in laga fuliyo magaalada Burco, isaga oo taci u diray Ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan ehelkii uu ka geeriyooday askagigii ku dhintay hawgalkii lagu soo qabanayay kooxdaas argagixisa ahayd.

Sida oo kale waxa uu cambaareeyey xadhiga Gudoomiyaha ololaha doorashada ee Gobolka Daad-madheedh iyo xubnaha uu wehelinayay ee lagu xidhay magaalada Oodweyne, isaga oo ugu baaqay Komishanka doorashooyinka iyo Guddida anshaxa doorashada inay arrintaas tallaado deg-deg ah ka qaadaan, isla markaana waxa uu ku baaqay in xubnahaas sida ugu dhaqsaha badan xoriyadooda loogu soo celiyo.



Masuuliyiinta kale ee xisbiga UCID ka tirsan ee xafladaas ka hadhay oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi, Gudoomiyaha Ololaha doorashada ee UCID Saleebaan Daahir Dogox, Xoghayaha Guud ee xisbiga Muuse Xaaji Maxamed Guuleed [Muuse Inji], xogyaha arrimaha Guddaha ee xisbiga UCID Maxamed Ibraahim iyo Maayir ku xigeenka Caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, ayaa dhamaantood hoosta ka xariiqay inay wax lagu farxo tahay teegaarashaa faraha abdan ee ku soo biiray UCID inay yihiin kuwii qaybta wax-ku-oolka ah ka qaadan lahaa halganka uu xisbiga UCID ugu jiro ku guulaysashada tartanka doorashada madaxtooyada ee waddanka ka dhacaya 26-ka June.
Waxa kale oo ay iftiimiyeen masuuliyiintan in badbaada Somliland ku jirto xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, isla markaana ay codkooda iyo taageeradooda-ba siiyaana xisbiga UCID, oo ay ku sifeeyeen xisbiga keliya ee lagu aamini karayo masiirka shacab-weynaha Somaliland.

Dhinaca kale, masuuliyiitna horseedka ka ahayd taageerayaashaas xisbiga ku soo biiray ee halkaa ka hadashay oo uu ka mid ahaa Cumar Daarood Xasan, ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Waxa aanu taageeradan u siinaynaa xisbiga UCID, waa ka keliya ee aanu u aragnay inay danta Somaliland ku jirto. Waxaa kale oo aanu u aragnaa inuu yahay xisbiga dalka iyo dad-kaba ka saari karaya dhibaatooyinka kala duwan ee ku habsaday.”


Faysa Cabdi Batuun oo iyana ka mid ah Garabka Haweenka ee ku soo biiray xisbiga UCID oo halkaas hadal kooban ka soo jeedisay, ayaa hadaladeedii waxa mid ahaa “Haddii aynu reer Hargeysa nahay mar ayaynu gacanteena isku biraynay, ee yaynaan mar dambe isku birayn. Waxa aynu doonranynaa Faysal Cali Waraabe, oo ah maskax aad iyo aad u fayay. Anigu xisbiga UCID wax kale umaan taageerin, ee waxa aan u soo galay Inankayga mustaqbalkiisa. Waa weeye marka aan Iskuulkii bixin kari waayo, berritana Jaamacad ma bixin karayo. Sidaas oo ay tahay mustaqbalka caruurtiina waa inaad eegtaan.”
Waxa ay intaas raacisay oo ay tidho “Waxa weeye reer Hargaysaw maanta ayaad jaanis fiican haysataan oo doorashadii muddo yar ayaa inooga hadhaye, waa inaynu codkeena siinaa Faysal Cali Waraabe. Hooyo kastaa waa inay Ilamaheeda shir la gashaa oo ay ku tidhaahdaa ‘Hooyo haddii aanad Faysal codka ugu hubsan kumaan dhalin.”

Mar ay la hadlaysay taageerayaashaas ku soo biiray xisbiga UCID waxa ay tidhi “Qolyahayaga Isbedel doonta ah waxa aan leeyahay, waa inay taageero buuxda siinaa xisbiga UCID. Haddii aanu nahay xaafada 26-ka June waanu muujinay Abtinimadii uu nagu lahaa Faysal Cali Waraabe, ee uu is-lahaa xagaa cidi kaama xigto. Markaa waxa aan leeyahay kubbada garoonka ayay taalaa ee yaan la inaga badin reer Hargaysaw, oo yaan mowqifkeena la iibsan, oo waa inaynu soo saarnaa musharaxeena faysal Cali Waraabe oo ah musharaxa ka soo jeeda deegaankeena Hargeysa.”

UCID Media

Hargeysa/Somaliland
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Taageerayaal Aad U Fara Badan Oo ku so biiray UCID

Post by Siciid85 »

...................................
Last edited by Siciid85 on Sat Jun 12, 2010 12:42 pm, edited 3 times in total.
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Taageerayaal Aad U Fara Badan Oo ku so biiray UCID

Post by Bohol iyo karaman »

Waar Siciid oo Xaaji Geeloyinkani Maxay ahaayeen

Image
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Taageerayaal Aad U Fara Badan Oo ku so biiray UCID

Post by Siciid85 »

Image


Image

Image

Image

Image

Image
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Taageerayaal Aad U Fara Badan Oo ku so biiray UCID

Post by Siciid85 »

Bohol, women - make up atleast 50% of somaliland so their vote is important. :mrgreen:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”