ONLF-Rescue Wing to have a talk with Ethiopia
Posted: Sun Jun 13, 2010 11:49 am
Bayaan Ogolaansho Wadahadal
13/06/2010
Kadib markii uu baaq xoog badan, oo isdabajoog ah nooga imanayey sadexdii bilood ee la soodhaafay Ugaasyada, Suldaamada, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Soomaalida Ogaadeenya ee ku nool dal iyo dibadba. Kuwaa soo naga codsanayey inaanu wadahadal layeelano dowlada Itoobiya.
Kadib markii aanu ogaanaanay inuu wadahadal kula jiro dowlada Itoobiya iyo Golaha Sare ee ONLF oo uu Garabka Badbaada ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (ONLF-Rescue Wing) la midoobay 22 /11/2008. Balse nasiibdaro khilaaf dhacay awgeed aan midnimadaas ku kala noqonay 10/09/2009. Ayna qaarkamida masuuliyiinta Golaha Sare maalmahan naga codsadeen inaanu wadahadalo Anaguna la furo Itoobiya.
Kadib markii ay masuuliyiinta Garabka Badbaadinta Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaden (ONLF-Rescue Wing) ay siweyn udarseen baahida shacabka Soomaalida Ogaadeenya uu uqabo xiligan in qadiyadooda wadahadal lagu xaliyo intii Qori lagu xalinlahaa hadii laga helo dhanka Itoobiya. Taa soo ay ka muuqata niyada fiican ee ay shacabku ku soodhaweeyeen dal iyo dibadba wadahadalada u socda Dowlada Itoobiya iyo Midowga Jabhadaha Xoraynta Soomaali Galbeed.
http://qorahaynews.com/?p=276
Maxay kula tahay?