Isuso-baxan waxa taageerayaalka kala qayb galay Xubno sar-sare oo xisbigan ah Guurti Dhallinyaro Aqoonyhan. Kuwaas oo isusoo-baxaylka uga mahad celiyey sida diirran ee ay u muujiyeen dareenkooda ku waajahan taageerada xisbiga Ucid. Sidoo kalena halkas ka sheegay hadallo ku waajahan ololaha iyo is-abaabulka looga baahan yahay bulshada taageersan xisbigoodan iyo in ay codkooda ku doortaan guddoomiyaha xisbiga Ucid ahna murashaxa madaxweynennimada Feysal Cali Waraabe iyo kuxigeenkiisa.
“Maanta xisbigan Ucid sedan oo kale ayuu guryihiisa ugu bannaan baxay beertii laysugu tegi jireyna waxa la kala garan waayey dadka isugu sioo baxayey markaa annagu dadkayaga goonni baannu ula soo baxnay”. Sidaas waxa yidhi madaxa ololaha Ucid gobolka Sanaag Ibraahin Cabdi Mataan.
“Siyaasadda iyo barnaamijka xisbigan Ucid waa mid cad oo aad aragteen guddoomiyaha xisbiguna uu saxeexay annaguna xisbi ahaan waxannu idiin ballan qaadaynaa waxyaabaha ku qorani in aannu fulin doonno. Waxad kaloo ogtihiin xisbiga Udub ma laha siyaasad qoran oo cad”. “Waxan idinkula dardaarmayaa dhallinyaroy Udub waa tegaysaaye walaalayaal ha tahriibin codkiinnana Ucid ku doorta”. Sidaas waxa halkaas ka yidhi guddoomiye kuxigeenka guud garabbada dhallinyarada xisbiga Ucid Mubaarik Axmed Saalax.
“Xisbigani waa xisbi nabadeed xisbi dhisme xisbi aan aflagaaddo lahayn maantana waxan xaal ka bixinaynaa hadal maalin dhoweyd nin saaxiibkayo ah oo beerta xorriyadda ka hadlayey ka qarxay”. “Waxan kaloo leeyhay xisbiyada liicay taageerayaalkoodii in ay kusoo biiraan xisbigan Ucid oo codkooda siiyaan madaxweynaheenna mustaqbalka Feysal Cali Waraabe ballanteennuna waa 26-ka June iyo Ucid”. Waxa isaguna hadalladaas yidhi madaxa ololaha gobollada bariga ee xisbiga Ucid Saalax Barre.
Guddoomiyaha Ucid gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur oo ugu danbayn halkaas hadallo kooban kazoo jeediyey ayaa yidhi
“Maanta waa maalin aynu ku ducaysanayno guusha soo ururtay rajadiina waa muuqataa”. Isagoo ka hadlaya xubno maammulka Udub Ceerigaabo oo xalayto xxilalkoodii iska casileyna wuxu yidhi “Waad aragtaan kuwii ugu dardar badnaa ee Udub halkay maanta xaaladdoodii marayso waxa laysku qabtayna waa wax Ucid oo aan cidina taageerani ay ka faraxalatay”. Isagoo intaas kusii daray “Udub dumaasheeda yaa leh?”. Halkaas oo dadweynihii isu soo baxay hal mar kor ugu dhawaaqeen Ucid baa leh.
Intaas kaddibna guddoomiyaha Ucid ee gobolka Sanaag wuxu halkaas kazoo jeediyey duco uu dalka iyo dadkaba u duceeyey.
Oodweynenews.com/Ceerigaabo



